Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi 1905-1984. W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar Qaybtii 3aad

Aasaaskii Jimciyada khayriga ahayd ee SNS

Sheekhu wuxuu qayb ka ahaa aasaaska Jimciyad la odhan jiray , (SNS)  oo ka shaqayn jirtay arrimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa xornimada,  isaga iyo rag kale, jimciyadaasi oo uu sheekhu ka ahaa xoghaye guud, waxa xusid mudan inaan halkan ku soo bandhigo warqad Taariikhi ah oo uu sheekhu u qoray Odayaal Reer Gaal kacayo ah,  oo madax ka ahaa jimciyad ka jirtay Gaalkacayo oo khayriya ahayd,  warqadaasi oo sheekhu qoray 3 april 1937 ,  kuna socodsiiyay

Maxamuud yuusufMuxamad JaamacCusmaan NuurAw Xasan Cadeh

Oo Madax ka ahaa Jimciyad ka jirtay Gaalkacayo, Taasi oo sheekhu ku hambalyaynayo inay samaysteen, kuna dhiiri geliyay inay hawshaasi si fiican oo qarsoodi ah u wadaan.

 

Halkan ka akhriso warqadaas af carabiga ah,  ee Taariikhiga ah, ee sheekhu u qoray Reer Gaalkacayo.

Jimciyadaasi sheekhu aasaasay,  waxay si fiican u qabatay inay wadada u xaadhay dabaysha xornimada, ilaa ay dadkii ka kaaftoomeen inay ingiriis isula tagaan.  ka dibna  markii uu ingiriisku ogaaday inay xornimo dhalinayso jimciyadaasi ayuu soo sameeyay jimciyado kale oo samays  ah,  si uu uga dhigo sawir qabyaaladeed,  ka dibna wuu xidhay albaabadii xafiisyadooda,  jimciyadaasi waxay qaban jirtay inay dadka kala saarto ficilo khayriyana qabato,  taasi oo keentay inay dadkii muraadba u yeelan waayaan xafiisyadii mustacmarada..

Hadaba markii uu ingiriiskii  uu xidhay jimciyadii,  sheekhu  wuxuu u tiriyay Qasiido baroor diiq ah, oo ugu barooranayo Jimciyadaasi la xidhay,  waxaana ka mid ahaa baydadkan:-

الرثا لجمعية س  ن  س )     )

واها علي بدره في الارض قد نبتت   *       واستمكنت نمو بالسقي والمطر  حتي ادا ما اعلنت في الجو زهرتها واستنشق القطر من اريجها العطر     

 واستبشر الكل في الافاق ينظرها                   اتي الي قلعها الشيطان بالتفر واها علي شعله من دامس لمعت             وانطفت برياح الجهل في السحر  واها علي دولة قد قامت لكم قدما                وغالب الحمق بالانكار والعقر       فاجمع الهي علي الخيرات كلمتنا                   وايدن دول الاسلام بالظفر        وصل ربي علي الهادي وعترته                 وصحبه وكدا الاتباع بالاثر     

Intaas ka dib sheekhu wuxuu keenay hab kale oo uu u maro xornimada, waxaanu raacay jidka tacliinta,  isaga oo raacaya xadiiska Nabigu csw uu yidhi (ninka qoom afkooda bartaa sharkooda ayuu ka nabad galaa)  isagoo kaa u cuskanaya ayuu yidhi :-  ingiriiska waxa inaga xorayn karaya oo qudha inanka afkiisa barta, hadaba markii Dawladii ingiriisku ay bilawday waxbarashada aasaasiga ah,  sheekhu wuxuu ka qaaday Cirricullamkii ( ama Manhajkii),  kadibna waxa uu ka sameeyay Daraasad,  waxaanu yaqiinsaday inaanay meelna kaga jirin wax Kiristaamayn ah,  halka ay in badan oo culimadii xilligaasi joogtay ahi, sheekha kaga soo horjeesteen Tacliintaasi casriga ah, iyagoo ay dhex martay Dagaal aad u qadhaadh,  oo aan misana waxba la isula hadhin, Sida ka muuqata kitaabka uu sheekhu ka qoray Taariikhdii Tacliinta ee aan magiciisa kor ku soo sheegay iyadoo nasrigii dagaalkaasina uu sheekhu helay,  isagoo markii uu waxbarashada bilaabay ay dadkeenu xafiisyada iyo nolosha dabadda ka joogeen, isagoo ninka 1aad ee sarkaal ka ah dalka oo dhan, dhinac kasta  uu ahaa meel walba nin ingiriisa,  ka ku xigaana meel walba nin hindiya,  dadkeenuna waxa qudha ee ay qaban jireen ay ahayd badhi wale iyo dhawr qof oo meelahaas wax ka soo bartay sida Cadan oo kale,  oo turjumaano ah, sheekhu ilaahay ha u naxariistee wuxuu cajalad cod kaga sheekaynayaa maalintii uu Maxamed Haji Ibrahim  Cigaal oo ka mid ahaa  ardaydiisii uu ingiriiska ka gudoomyay xornimadii, sheekhuna uu barbar taagnaa, isagoo ilaahay taasi uga mahad naqay,  maxaa yeelay wadadii uu xornimada ku raadinayay ee ahayd waxbarasho iyo aqoon ayuu ku guulaystay, iyadoo ingiriiskii si  fudud ugu wareejiyay  xornimadii.   waxa kale oo ay ardaydii sheekhu noqdeen madaxdii dawladii soomaaliyeed ,ee talada dalka qabatay, isagoo sheekhu sheegay muddo gaaban dabadeed,  in xafiiska uu galaba,  uu ugu tagay   Arday ardaydiisii ka mid ah, oo fadhiya halkii ninka ingiriis iyo ku kale oo fadhiya halkii ninka hindiga ah,  waxa ardaydiisii ka mid ahaa.dadkii hore ee wax bartay ee wadankeena madaxda iyo aqoon yahanka ka soo noqday, intoodii badnayd , hadaba maadaama aan la soo koobi karayn, qof kasta oo taariikhda ka haya inta ugu yar uu markhaati ka yahay Tacabkii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, aan ka xusno magacyada qaar ka mida shakhsiyaadka ugu caansanaa ee uu sheekhu wax baray:-

1.Maxamed haji Ibraahim Cigaal

2.C/raxmaan Axmed Cali

3.Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo)

4.Saleebaan Maxuud Aadan

5.Axmed Maxamud Faarax ( Lax was)

6.Axmed Saleebaan Dafle

Axmed maxamed Halac

8.Sheekh Yusuf Cali Sh. Madar

9.Suldaan Rashiid Suldaan C/lahi Suldaan Diiriye

10 Ismaaciil Cali Abokor

Axmed Jambiir Kaahin

12.Profisor Muuse Maxamed Maacaleesh

13.Aadan Xaaji Baxnaan.

Cismaan Jaamac Cali Kalluun

15.Axmed Nuur Sh. Maxamed qoordheere

Xaaji Cali Xaaji Xasan ( Cali Qaafil).

 

Iyo  madax badan oo ah inta ugu miisaanka culus madaxda geyigeenan soo martay..

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi,  Ilaahay waxa uu siiyay awood caqli,  oo aad u balaadhan,  oo uu ku qayiray wadcigii aadka u madoobaa ,  ee xiligaasi lagu jiray,  isaga oo sida qorrax soo baxday oo madawga kaxaysay iftiinkiisu uu nuuriyay dhulkii oo dhan..

Alleh ha u Naxariistee Prof.  Muuse Maxamed Maacleesh oo ka mid ahaa Ardaydiisii ayaa qasiido uu sheekha u tiriyay waxa ka mid  ah:-

سلام سلام علي الشمس         *                      الدين شيخ الهدي

شيدت البلاد بعلمك              *                      بل شهيد لنا

انت اول من اتي                 *                الادب الي ارضنا

باب العلم بدر الدجا              *                بحر ابن طالبنا

علي ايا شيخنا                     *                علمك  عقيد تنا

وعم با لخير  ربي                *        علي حضرة الاوليا ء

Abwaanka wayn ee soomaliyeed ee Maxamed Aadan Dacar,  Ayaa sheekha hees u tiriyay oo yidhi:-

Allah Caadilka ahaw Sheekh Cali Ibraahim Ha

Cadaabin Aakhiro aamiin aamin.

Barigii Cadaawuhu Dhulka Cagaha soo dhigay

Eeynu Caamada ahayn Caarshe yidhi iskuullada

Caruurtiina keensada Celiyaay la wada yidhi

Wadaadadu cadhoodee Casrigii ka taliyee

Barta yidhi culuuntee na Caynaanshay weeyaan

Sheekh Cali Ibraahim.

Kutubtuuu Cammirayee, Caycayn u qorayee

Maskaxdiisu Curisaa, Cadad Labaatan gaadho

Caalamka Islaamkaa Ku ciseeyay Diintee

Sheekha Cali Ibraahim ha cadaabin aakhiro.

Sheekh cali Xaaji Ibraahim Kaalintiisii Tacliinta lama soo koobi karo,  loomana ban bixi karo,  ilbidhiqsi qudha oo noloshiisa ka mid ah oo aanu wax baris ku jirin ma jirto, gurigiisa ayuu culimada wax ku bari jira, y inta fani ay culuumta af carabiga iyo Faniyada Diintaba, Baaric ayuu ku ahaa,  Waxa uu qoray ugu yaraan Labaatan Kitaab oo kala gedisan,  oo mid waliba fanni gaar ah yahay,  Manaahijta ayuu madax ka soo ahaa,  muftiga soomaaliya iyo marjac loo noqdo ayuu ahaa,  idaacada radio hargeisa ayuu ka akhriyi jiray Tafsiir, Hudheelka shaqaalaha ayuu saraakisha Dawlada & Akhyaarta Magaalada Bil Kasta oo Ramadaan ah ugu Marin Jiray Tafsiir & Xadiis, markaasi waa Bad aan xeeb lahayn,  ee Kaalintiisii Aasaaska Tacliinta Waxaan ku soo xidhayaa Qasiido uu ka tarjumayo Carabkii wadanka oo dadkiisii & dhalinyaradiisa u qayshanaya,  oo uu xiligaasi ka tiriyay isagoo dadkiisa ku tir tirsiyaya, wax barashada ugana digaya waxayaalaha dib u dhaca ku keenaya ee ay ka mid tahay qabyaalada iyo aqoon darradu, iyo qasiido kale oo uu kaga hadlayo culimada wanaagsan & culimada xun xun.

فقال الشيخ غلي حاج ابراهيم هده القصيدة الوطنية التي تمثل حال الوطن عند افتتاح المدارس 1945                          

عالي الهمة كن دا نظر        *     وافتكرمن ترقي من بشرا     

واغتبط من في درا المجد     *    علا  بعلوم وامتضي بالفخر

نطق حال لسان الوطن        *       دائا يدعوا مسا والبكر

يا رجال الحي من يهتم بي                    ويلبيني   بنيل  الوطر    يا شبان العصر هيا املي                    شرفوني سادتي بالدرر              خيم الجهل دهورا ساحتي                       وتهيا راحلا للمقفر

كم علي القوم جنايات له                         وقتيل دمه في هدر

قل لمن في ظما الجهل اشتكي       دون ورد لن تزال في ضررا

فنبات الارض في جدبتها                   لا تجد ريا الا ان تمطرا

استزد با العلم من اربابه                    بقليل منه لاتقتصرا    

         وتضلع بدروس نوعت                    في معارف لنا واستكثرا

       واعتمد  مولاك فيما قد  ترم            فهو الكافي لمن يستنصر

قي وصف علماء السوء                     

كم ثعلب خادع قدراته حسد       في الناس كم قائص بالفخ كم اشر

وكم حقود علي الاخوان متهم        فينا وكم مضمر بالغش والغدر

وكم طعان بدي غير مكترث          مفرق الجمع بالاوهام والشرر

وكم مزور الجهل للعوام علي          اغراضه خاصة للجاه مستثمر

   مسي الظن علي الاسلام مما انطوت      له الجوانح من اسواء زالكدر

يقوده العجب للمهاوي والزلل          حتي اداه الي الا يداء والخطر

وان راي زلة للغير يتبعها             فكا الدباب يرعي موضع القدر

ويدعي انه الغيور منفردا                     لديننا اعظم الايمان والنظر

ان لم يفد شعبنا بالعلم والعمل             ففقده خير من وجوده الضرر

 قي وصف علماء  الا خيار                        

وكم تقي نقي زانه ادب  فينا          وكم ناصح في البدو والحضر

وعالم مرشد ترضيك سيرته            لحسن الظن علي الاسلام معتبر

وقلبه مفحم بالنور والحكم              صفا علي الغل والاحقاد زالغير

والخير يظهر من اتوار طلعته           والبشر في وجهه كا لنور والزهر

تراه مستقبلا في امر خا لقه                   مجانبا نهيه للخوف منزجر

يري بانه ادني الناس منزلة                تضرعا منه الناس غير محتقر

وان رات منكرا عيناه يز جره                    نصيحة لا خيه سرا مدكر

ومنشر العلم في الاوقات يدرسه            للناس قي نقعه كالغيث والمطر

ومقبل شانه يسعي لخدمته                   بالعيش مكتسب بالخير مؤتمر

هدا قضاء من الرحمن بالازل                 سبحان من قسم الاخلاق بالقدر

Intaasi waxaynu kaga baxaynaa taariikhdii sheikh cali xaaji ibraahim iyo wax qabadkiisii dhinac tacliinta & aasaaskeedii.

.Tirada Aayadaha Quraanka Kariimka ah

Sheekh cali xaaji ibraahim Alleh ha u naxariistee, waxa uu isu geeyay tirada guud ee aayadaha quraanka kariimka ah,  iyada oo soomaalidu u taqaanay 6666, oo ay isku salaami jireen,  waxaanu sheekhu xiligaasi adeegsadayta  isu geyn 114 suuradood aayadahooda, oo noqday 6236 aayadood,  iyada oo xiligaasi aanay kutubta musxafka ahi qori jirin..

Aasaaskii Xadratul-awliya.

Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu aasaasay  (xadrtul-awliyaa), isagoo markii ugu horeysay magacaasi oo xaga ilaahay laga siiyay u bixiyay xiligaasi,  sheekhu wuxuu macalin ka ahaa Dugsigii Cammuud,  waxaanu helay ishaaro,  wuxuu codsaday in loo beddelo dugsiga hoose ee ku yaalay Magaalada Zaylac,  markii uu halkaasi tagay ayuu Alifay Tawasul al Kabiir,  oo caan ku ah ( Salaamun salaamun kulla waqtin wa saacatin calaa kulli ahli Laahi Fii kulli Buqcatin),  Tawasulkani wuxuu soo kordhiyay inuu sheekhu ku mideeyay duriqii suufiyada, ee xiligaasi jiray sida qaadiriya, axmediya, idriisiya, shaadaliya, ama Zayliciya qaadiriya, Awaysiya qaadiriya ,IWM, kuwaasi oo sheekhu si isku mid ah isugu keenay Xadratul-awliyaa iyo Tawasulka salaamun salaamun kulla waqtin wa saaca calaa kulli ahli laahi fii kuli buqca, kuwaasi  oo ku abtirsada Ahlu sunnah wal Jamaaca, iyadoo  xiligaasi ay socotay dabayshii Wahaabiga,  ee intay ka soo kacdo khaliijka carbeed ku dhabanaysay dhulkeena,  oo wadatay siyaasad ah inay dab dhex dhigto duruqa suufiyada,  si ay u hesho meel ay ka soo gasho geyigan,  iyadoo xiligaasi socotay cadaawad ay daaha dabadiisa ka hagayso sucuudi arabiya,  si ay fongor u hesho, sheekhu wuxuu magaallada saylac ku soo alifay kitaabkiisa caanka ah ee la yidhaahdo :-   Irshaad Al Adkiyaa Fii xukmi Tawasul Bil awliyaa) Kitaabkaasi oo sheekhu alleh ha u naxariistee ku dhamaystiray caqiidada ahlu sunnah  wal jamaaca, uguna talo galay in ardayda loogu dhigo dugsiyada,  si uu ugaga hortago duufaanada caqaa,idka faasidka wada,  ee wahaabiga,  ee aad maanta arkayso siday u fideen,  iyadoo kitaabkaasi ay diiday in iskuullada lagu dhigto xukuumaddii kacaanku, ka dib markii uu siyaad bare u saaray guddi uu madax ka ahaa shuuke,  oo xiligaasi ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada, kaasi oo kitaabkii sheekha ku cilleeyay in kitaabkani uu sheikh isaxaaq Saado ku sheegay,  sidaasi darteed na uu maxamed siyaad barre ku yidhi:-  kitaabkani wuxuu soo saarayaa qabyaalladii aad aastay. Arrintaasi oo sheekhu aad uga xumaaday,  habeenkaasina uu Seexan kari waayay,  oo uu sheegay inuu ka baqay inay xamar xabashiyi qabsato , iyadoo arrintii uu sheekhu sheegay ay xiligan si yaab leh u dhacday,  iyadoo markii ay faaftay caqiidadii uu ka hor tagayay ay xabashidii qabsatay xamar,  nasiib darro- na ay Dawladii maxamed siyaad barre sabab u noqotay in laga hor tagi kari waayo in dhaliyaradii soomaaliyeed la galiyo caqiido la soo dhoofiyay,  isagoo sheekhu sii shegay oo yidhi :-  waxa dhici doonta hadii la qaban waayo kutubta ay nimankaasi akhriyayaan,  in soomaalidu maanta waxay ku nooshahay Bay ad diiniya oo midaysane inay isu bedesho fariiqooyin iska soo hor jeeda oo qoloba qolada kale ay gaalo ku sheegayso,   Taasi oo aynu Maanta inagu marag ka nahay sheekhana  ilahay sii tusay. .

Halkan ka akhri Tawasul Al- Kabiir – ka Sheikh Cali Xaaji Ibraahim.

التوسل الكبير للمؤلف

الشيخ على حاجى ابراهيم

نفعنا الله به اءمين

بدات ببسم الله نطم الوسيلة               واحمده حمدا يوافى بنعمة

وصليت بالمختار افضل مرسل           محمد الهادى الى خير ملة

وبعد فهذه دعوت واستغاثة                الى الله ارتجى بحسن الاجابة

ايا باسط اليدين بالجود والعطا          ويا واهب النعماء هب لى بنفحة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى             ومن علينا يا كريم بنظرة

باسمائك الحسنى وباسمك الاعظم        وبكل اسماء لديك خزينة

وبسر ذاتك العلية فاستجب                دعائى وبسر الصفات السنية

بالآئك اللاتى مننت على الورى          تكرم علينا يا منان ببغية

وبالروح والاملاك فى فلك العلى         بتسبيحهم لله فى كل لحظة

بكل كتاب انزل الله بالهدى                وبكل آيات القرآن وسورة

وبالانبياء والمرسلين جميعهم            هدات الورى لدين نهج الحقيقة

وبقبة الخضرا ومن قد تشرفت            وفاقت به من كل ارض وبقعة

بزوارها فى كل يوم وليلة                 وبمسجد اسس فيه بتقوة

وبالعرش والكرسى واللوح والقلم        وببيتك المعمور ربى والسدرة

وبالعالم العلوى والسفلى وما            على الغيب من آياته والشهادة

وبالحجب والانوار والعالم الاسنى       وبرفرف الاعلى وببيت العزة

وبالحوض والميزان والكوثر وما       اتانا بالسمع من جلائل حكمة

وما كان مكنونا بعلمك سيدى            وما قد نراه من بدائع صنعة

وبسر ما كان من الامر بالقدر           وما قد يكون بالقضا والارادة

وبمسجد الاقصى وبالطور والقدسى     وبالحرمين الامنين وكعبة

وبالحجر الميمون  وماء الزمزم        وباالسعى ما بين الصفاء ومروة

وبعرفة والوقف فيها وبمنى               وبمشعر الحرام  بمزد لفة

وبالجمرات يا الهى ورميها                بسبعة احجار على كل جمرة

وبالحور والولدان فى جنة الخلد        ومن نزلهم فيها من اهل الكرامة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى             ومن علينا يا كريم بنظرة

وامدنا ربى باسرارك التى                اودعت لديهم كل وقت وساعة

التوسل بالنبى واله واصحابه.

وبالمصطفى العدنانى نخبة هاشم          وخاتم رسل الله خير البرية

محمد المبعوث للناس رحمة            الداعى الى التوحيد نهج السعادة

وصاحبه السامى الصديق ابى بكر       ومؤنسه فى الهجرة والمغارة

وبعمر الفاروق من شاع عدله          من اظهر الدين بالقوى والشهامة

وعثمان ذى النورين من كملت له   المحاسن فى الدارين من دون مرية

بفارس اهل الله ليث المعارك          على وزير المصطفى بالقرابة

بطلحة الخير والزبير الحوارى      وسعد سعيد وابن عوف ذى الثروة

وبالمكنى ابى عبيدة عامر              وابن عباس العالم حبر الامة

بحمزة والعباس عمى نبينا            ومن عمهم ربى بشمل العباءة

بفاطمة الزهرا وابنيها حسن          حسين هما ريحانتى اهل الجنة

بسائر  اولاد النبى وآله                وازواجه الطاهرات وعترة

وبالبدرين الكرماء الاعزة            وبالسابقين الاولين بنصرة

وباهل احد بمستشهد به               برضوان من لباه من اهل البيعة

والباقى من الاصحاب والآل كلهم      واتباعهم والاولياء والائمة

الهى بفضل منك فاقبل توسلى          ومن علينا يا كريم بنظرة

وامدنا ربى باسرارك التى              اودعت لديهم كل وقت وساعة

التوسل بالاولياء والائمة.

بنعمان من قد قيل العلم لو رقى             باعلى ثرايا ناله بالعزيمة

وبمالك المشهورحبر المدينة          ومورد طلاب العلوم بفتوة

وبالشافعى من طبق الارض علمه      وعمدتنا بالدين عين الهداية

باحمد من كالطود بالعلم والهدى         بمسنده ابدى اسآنيد السنة

هم كالجبال الراسيات لديننا            مناهلهم تجرى من اصل الشريعة

بشيخ البخارى من سما بصحيحه       وبين الرواة كان سابق الحلبة

وبمسلم المشهور من بصحيحه          فكان المصلى عند اهل الحقيقة

بشيخ النسائى  وابن ماجةوالترمدى     كدا بابى داؤد كا مل  الستة

بسائر حفاظ الحديث ومتنه              فيافوزهم نالوا باشرف الرتبة

وبالاشعرى والماتريدى من هما       امامان فى لتوحيد عند الجماعة

وبالمزنى والبويطى والاسنوى        وبالرافعى والنووى العلامة

بشيخ الجوينى وابنه عابد الملك       بسلطان العلماء عز الفهامة

بشيخ الخطيب وابن المقرى والهيتمى   واحمد الرملى هم اهل حكمة

وبزكريا وابن قاسم وابى                شجاع بشيخ المحلى ذى الجلالة

باويس القرنى وبحسن البصرى             كذا بجنيد شيخ كل طريقة

وبالباز عبدالقادرالجيلى الذى                اقرت جميع الاولياء للمزية

وبالقطبى احمد الرفاعى من حظى     يدا المصطفى فى القبر فاز بقبلة

بشيخ الدسوقى والدميرى والديلمى   والديرديرى الربانى هم اهل رفعة

واحمد ابن علوان احمد البدوى       واحمد بن ادريس اهل الصبابة

وابن عطاء الله احمد ذى الحكم      واحمد بن رسلان صاحب الزبدة

باسحاق جدى من تشعشع نوره         على سائر الاقطار مع اهل تربة

واولاده السادت اهل المفاخر            واحفاده الامجاد من اهل الطاعة

وبالشاذلى من شاع فى الناس فضله    والشيرازى والشعرانى اهل الشكيمة

بشيخ الشعيب المغربى والشاطبى     والشبلى والشيبانى اهل الولاية

وبالسهروردى والسيوطى الذى اتى    الى الناس نفعا بالتاليف الجمة

وبحجة الاسلام من فاز بالمنن          باحيائه احيا قلوب الاكنة

وبالمرسى ابى العباس وعلى  ال        خواص وعلى الوفا اهل جذبة

وبالبوصيرى والبرعى وابن الفارض     كذا بابن عربى هم من  اهل لوعة

وبيوسف الكونين كنز السرائر        وبيوسف النبهانى صاحب المدحة

وبالمرغنى والسنوسى وحسن         حسين ابن ملكا كان صاحب راية

وبالعيدروس العدنى وجوهر             وبالعلوين الكرام  الاجلة

بزيلعى ابراهيم ذى الفخر والتقى        بزربين وسعد لدين سيف لملة

بعبدالرحمن الزيلعى الذى اشتهر       بمقدشى اسماعيل شيخ الطريقة

بشيخ ابن احمد المسمى كبير عمر      بمن هو احيا قطرنا بالهداية

وبابن بلاله شيخ يوسف من سقى       لوراده بالعلم من فيض حكمة

وبمطر المشهور بالعلم والتقى          بانجاله من هم له كالاهلة

وبابن الاله موسى الموصى بتقوة  وبابن دعاله موسى صاحب الحضرة

بشيخ ابن نوح ادم ذى المزية      حباه الهى بالذكاء وفظنة

وبشيخ عثمان ابن نور الذى قضى     على عمره فى طاعة واستغاثة

وبشيخ ابراهيم ابن احمد الذى           تخصص فى راى وعلم وحكمة

بنجليه احمد كذا بمحمد                   واخوانهم احبابهم والعشيرة

واحمد بن بون واحمد بن بله             واحمد بن حسين شيخ العقيدة

بشيخ جامع الذى تملك نفسه             وابنائه الاقطاب هم اهل رفعة

فمنهم على وابنه ومحمد                 وعبد السلام الكامل بالولاية

وبالقطبى عبدالله ابن يوسف         وبالبكرى محمود فى ضمن اخوتى

وبيوسف البحرى اعنى ابن محمد     بمدح رسول الله نال برتبة

بشيخ اويس القادرى وقاسم البراوى    وبشيخ الصوفى ذى الكرامة

بشيخ ابن خلف براوة وعلى        كدا بابن حرسى على ذى السماحة

وبابن وعيس ادم ومحمد              وبمفتى ابراهيم مبدى البلاغة

كذا بابن ورفاعمروابى بكر           وبعمر المارسى عين الاحبة

بحسن ذى الشعر الكبير ابن احمد        كذا بالشقيقه الماهر بالنساخة

وبعينجل المشهور بالزهد والتقى      بعبد الرحمن المفحم ذى الفصاحة

وبيوسف النورين من ظهرت له         خوارق عادات له بعد موتة

وبيوسف الشيخ ابن مامة امدنا          بجبريل جد لى يا الهى بجنة

وبدندراوى وزميله صالح                بشيخهما الرشيد عمنا بالسلامة

وبشيخ اسماعيل من شاع واشتهر       بدرويش حقا كان صاحب غارة

وبشيخ دبد الذى كان شانه              دراسة علم فى البلاد وقفرة

وبحسن الوعد وبحاج حسن            كذا بحسين فره بحبر الفهامة

بصوفى سليمان الذى شاع امره    وفى حسن ظنى كان من اهل حظوة

وبعمر المسكين وعمر نورية         وعمر فرلو من صفا بالنزاهة

بمن هو مشهور باوقطب الذى        ثوى مركز التعليم  قرب المحطة

وبآادم المشهور الشاهد الاكبر       وبالحافى ابراهيم ليث العرينة

بمحمود اى بن اوعلى بن قبلح       الذى قد تسامى بالعطا والسماحة

بشيخ ابن ورسمه المولع بالوعظ    على اهل اللغو فى مواطن الغفلة.

سلام سلام كل وقت وساعة            على كل اهل الله فى كل بقعة

سقى ربنا فى كل يوم وليلة             سحائب رضوان وروح ورحمة

وجاد ثراهم  جود روح ونفحة        وطيب ماواهم بطيب الكرامة

اتاكم عبيد مذنب وهو يرتجى         نداكم باذن الله فى نيل بغية

سالتك يا ربى بهم وبسرهم             بفتح واحسان لنا والعطية

وعفو وعلم نافع لى وللورى           وعيش رغيد بالهنا والمسرة

وعمر مديد بالعبادة والرضى          وعافية يا رب فى كل لحظة

وسامح الهى كل ذنب جنيته            بمغفرة تمحوا الصدى والخطيئة

مع والدينا يا الهى واخوتى             وعم جميع المسلمين بنظرة

وصلى على خير الانام محمد         مع آله وصحبه والقرابة.

Qofka doonaya inuu tawasulkan oo la akhriyayo inuu dhagaysto  wuxuu ka dhagaysan karaa website ka xadrada ee cinwaankiisu yahay www.hadrtul-awliya.org

 

Intaasina waxa aynu kaga baxaynaa Aasaaskii Xadratul Awliyaa, oo  wal-Xamdulilaahi rabil Caalamiin, Ilaa Maantana way socota Muddo ka badan Nus qarni.

Kaalintii cilmi ee sheekhu ka qaatay markii ay dadku ku wareereen Tagitaankii uu Bani aadamku Gaadhay Oogada Dayaxa.

Sheekh cali xaaji ibraahim isagoo ilaahay Faham wayn u siiyay Diinta Islaamka & sirta ubucdeeda jiifta,  ayuu markii la hadal hayay inuu bani aadamku gaadhi karo oogada dayaxa , ayuu ku sii ijtihaaday Aayadaha Quraanka & Xadiiska Nabiga Csw,  waxaanu ka helay Aayado  badan oo si toos ah & si dadban- ba uga hadlaya, inuu bani aadamku kor uga bixi  karo dhulka, isla markaana  gaadhi karo meelo ka mid ah samada sida Dayaxa & Meerayaal kaleba, isla markaana aanay Quraanka & Xadiiska Nabiga csw,  midna aanay ku jirin wax ka mamnuucaya bani Aadamka inuu sare u baxo,  balse ay ku iiraan wax ku dhiiri gelinaya inay u fiirsadaan iyo inay  isku dayaan inay kor u baxaan- ba, .waxaana ka mida Aayadahaasi :-

(يا معشر الجن والانس ان استطتم تنفدوا من اقطار السموات والارض فانقدو لا تنفدون الا بسلطان  )                                ولو انا فتحنا لهم بابا من السما فظلوا فيه يعرجون لقالوا انما سكرت               (      ابصارنا  بل نحن قوم مسحورون

Iyo  Axaadiis dhawr ah oo nabiga csw laga wariyay, kuwaasi oo sheekhu uu ku sheegay kitaabkiisa Qalaa,idka la yidhaahdo oo uu ka mid yahay chapter la yidhaa ( Wu suul al insaan fawqal Qamar ),  kaasi oo aanu dhawaan soo ban dhigi doono oo wax yari ay ka hadhsan tahay Tarjumadiisa,  hadduu Alleh raali ka noqdo..

Hadaba,  Sheekhu Alleh ha u naxariistee isagoo ka waramaya siday u dhacday, dhacdadaasi oo aad layaab u lahayd xiligaasi,  dadka ( culimo & caamaba)  aad looga wareeray,   kana mid ah waxyaalaha aadka u waawayn ee lagu xusuusto cilmiga xeesha dheer ee uu ilaahay siiyay Sheikh Cali Xaaji Ibraahim, isagoo xataa qaar badan oo ka mid ah  culimada dunida islaamku  aanay  xiligaasi gaadhsiisnayn halkaasi, wuxuu yidhi isagoo inooga waramay sida ay wax u dheceen –

“”  Aniga oo halkan Hargeysa Jooga ayaa la ii keenay warqad bedel ah oo la igaga bedelayo Wasaaradii tacliinta, la iiguna magacaabayo La taliyaha dhinaca shareecada islaamka ee Maxakmadda sare ee soomaliya aniga oo  u ambabaxaya muqdisho,  ayaa waxa halkan iigu yimid, nin Reer Hargeysa ah oo nootaayo ku leh magaalada oo la yidhaahdo Dhamac ( ninkaasi oo ilaa imika nool),  waxaanu igu yidhi :-  Sheikh waxaan arkay riyo aad u cajiib ah, haye wuxuu yidhi, waxaan arkay iyadoo wax wayni dheceen oo dadkii aad u wareereen, markaasi ayaad na intaad kacday na wacdiday,  markaad dhammaysay ayuu Nabigii Csw kaa daba kacay,  markaasuu yidhi :-  waar Xaqii waa sidaa Sheikh Cali idiin sheegaye raaca, sheekhu wuxuu yidhi:-  markaasaan ku idhi imika Xamar baan u socdaayoo waxa la ii magacaabay inaan la taliye dhinaca shareecada islaamka ah u noqdo maxakamadda sare ee soomaaliya,  markaa inay taa tahay ayaa laga yaabaa, markaasuu Dhamac igu yidhi Sheikh anuu taan arkay Maxakamad ka waynayd, markii aan Xamar tagay ayay arrintii dhacday oo Apollo 11 uu dayax dul tagay, markaasay dadkii isla keceen oo qaar culimadii ka mid ahi ay yidhaahdeen qofka rumaystaa waa gaal, markaasaa Dawladii ii yeedhay oo ay igu tidhi Sheikh Caliyaw Idaacada tag oo ka sheeg sida ay diidntu ka qabto arrintan dhacday, markii aan idaacadii ka sheegay Aayadihii aan hore u sii diyaariyay iyo xadiiskii Nabiga Csw na aan  sheegay ee aan idhi waa la tagi karaa caqli ahaan & sharci ahaanba, sammaduna albaab xidhan oo Dayaxa inoo diidaya malaha, waayo Qoraxda oo Dayaxa aad uga fog ayuu iftiinkeedu ina soo gaadhaa, hadii uu saqaf xidhani jirana innama soo gaadheen, Diintuna inay mustaxiil ka dhigto iska daaye ,waaba Ballan ilaahay uu qaaday oo fulaya Aayada Quraanka Kariimka ah ee ilaahay yidhi :-

سنريهم اياتنا في الافاق و في انفسهم حتي يتبين لهم انه الحق)   )                                        

Markaasay igu yidhaahdeen Sheekha Maraykankaa lacag siiyay,  Sheekhu Alleh ha u naxariistee intuu aad u qoslay ayuu ka sheekeeyay,  mar uu culimada Hargeysa kitaab uga bilaabay masjid jaamaca Hargeysa,  wuxuu yidhi :  waxa ii yimi Sh. Faarax Wadaaje oo igu yidhi Sheikh noo bilaw kitaabkii cilmi falaga cid kale oo halkan joogta oo noo akhrida ma haynee, markii masaajidkii kitaabkii ka bilaw  aan is idhi,  ee ay culimmadii  hortayda ay xalqad fadhido,  ayuu soo kacay Sh Faarax Wadaaje , markaasuu igu yidhi :- intuu dhagta ii saaray , Sheikh Dayaxii ha la soo qaadin , way kala yaaciye, markaasaan waayay ku idhi,  markii aan cashar kii ka baxay,  ayaan is idhi culimadaasi dhacdo waaqiciya oo dadku ay arkayaan , marka ay dafiraan,  iyagoo culimo ah, Diintii ay ka tarjumayeenna ay sii sheegtay,  saw nuqsaan ku noqon mayso Diintii oo dadka casriga ahi odhan maayaan waa dhacdo cilmiya oo waaqiciya ee diinta fahma , markaasaan la dar daarmay , waxaan ku idhi:-  Culimooy saw caqiidada inooguma jirto in ilaahay wixii uu doono uu awoodo?  oo wixii mustaxiilka ahaa uu jaa,is ka dhigi karo hadii ay qudradiisu ku tacaluqdo? , haa bay yidhaahdeen,  waxaan ku idhi:-   waar hadaba Culimooy Dayaxa lama tagi karo uun ha odhanin’ee , waxaad tidhaahdaan hadduu ilaahay doono waa la tagi karaa,  taasaad ku nabad gelaysaane,  sidaa yeela ayaan ku idhi, markaa Ilaahayna  Swt Quraanka ayuu ku yidhi :-  ( hadii  aanu albaab sammada uga furno oo ay ka koraan waxay odhan lahaayeen indhahayagaa la sixirayaa ) ,

   ولو انا فتحنا لهم بابا من السما فظلوا فيه يعرجون        ,

  لقالوا انما سكرت ابصارنا بل نحن قوم مسحورون

W/Q:C/raxmaan Axmed Koosaar

Moble: 0634109607

Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso