Ciidanka Suuriya Oo gacanta Si Buuxda ugu dhigay dhammaan Ghouta Bariga Dimishiq

Ciidamada Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen dhammaan gobalka Ghouta ee Dimishiq, taas oo ay gacanta ku hayeen mucaaradka hubaysan.

Ciidamada dawladda Suuriya ayaa ku hareeraysanaa muddo shan sano ah.

Dagaalyahanada ugu dambeeyay ee ka tirsan Ciidamada Islaamiga ayaa ku baxay basas ka yimid magaalada Douma ilaa waqooyiga Suuriya, kadib markii ugu dambeyntii ay gaadheen heshiis ay ka baxaan magaalada Ghouta todobaadkii hore, saacado ka hor intii aan la sheegin weerarka kiimikada ee magaalada.

Warqbadaka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso