Shirka Gacan Libaax Ujeedadiisu Waa Maxay? Talose Ma La ogol Yahay? 

Bilihii la soo dhaafay, waxaa Somaliland iyo qurbaha laga hadal hayaa shir beeleed lagu qabanayo Gacan Libaax, oo huwan magac beel aan aniguba ka mid ahay. Waxaan dad badan waydiiyay ujeedada shirkaas, midho-dhalka laga filayo iyo cidda wadda ee run ahaan uga dambaysa.

 Hase ahaatee, ilaa manta maan helin   qof arrintaa xog sugan iga siiya, marka laga reebo dad jikaar kaa hor keenaya oo ku odhanaya- nbeelaha kaleba way shiraane, ma keenaa canbaar qaba. Haddii arrin la wadwaddo xog sugan laga waayana, mal-awaal iyo nuxnux baa lagu buuxsanayaa halkii madhnayd. Haddaba, odayaasha aan magacyadooda maqlay ina shirka wadaan, oo ay rag ixtiraam mudan Ayaan kolba iswaydiiyaa- waar malah may garan waayin inay ujeedada iyo ajendahaba cidduun u sheegaane; maxaa meesha ku jira.

Inuu qoys, beel, iyo qranba shir qabsadaa, waa wada-tashi iyo wanaag; balse ra’yigayga gaaban waxaan is-leeyahay, beel wayn baa shiraysa, iyo shanqadh yaridan su’aalo badan baa la iska waydiinayaa.

HADDABA, WAXAAN TALO KU SOO JEEDINAYAA ARRIMAHAN

Kow, waxaan leeyahay dadkan iyo dalkan midna ma geyo ‘ ku xumee, iyo ku jiqsi’ iyo cadho ka dhalataay doorasho lagu kala hagaagay.. Doorashaddu waa kubbad la dheelayo oo kale, markaa goolka kaa dhashay, sax iyo qaladba, waa gool lagu kala badinayo.

Labba, Somaliland beelo badan baa wada degga, laakiin hadda waxay u muuqataa inay beesha dhex oo keliya ay isku haysato, oo aad moodo inay keligeed degto. Dadka Hargeysa wada degni haddii ay saddexda xisbiba musharax ka noqdaan, oo ay haddan isu dudaan, goormay Madaxweyne noqonayaan dadka degen Tukaraq, Buulo wadaleed, Saylac, iyo Badhan. Goormaae wada hadal lala gelayaa Soomaaliya ama UN organization in New York City.

Saddex, haddii shirkan JEEGAAN KALE lagu abuurayo, qarsoodi uma  baahna, waayo Democratic Clan Coalitions (Waa erayo aan is-geyin) kale oo soo koradhay, oo Suldaan Xasanba waa ku alalaasayaya, ABTIBAAN KU NOQDAY JEEGAAN. Waxaase ogaataan. kolayba inaan horumar lagu gaadfhayn JEEGAAN BEELAYSAN, waayo waxaynu hore u soo aragnay Madaxweynihii hore, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo Madaxweynaha hadda, Mudane Muusi Biixi Cabdi, oo labaduba ku yimi Democratic Clan Coalition; oo aan wax badan soo kordhin, marka laga reebo qabyaaladdii oo sicir barartay. Waxaase democratic clan based coalition ka horreeya in cafis la waydiisto Musharax Dr. Jamaal Cali Xuseen, Musharax Dr. Muumin Seed, iyo Kornayl mujaahid Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo dhamaantood last minute-kii laga garbiyay musharaxnimo ay xaq u lahaayeen (Allow ma ogtahay).

Afar, waxaan ka digayaa inaanu nqoonin shir qurba-jooga ku wajahan; iyo mid hadhaw ninba dhinac ula kaco. Waana inaanu nin waliba odhan war uma hayo, waayo haddii ay hadhaw gorayo heeryaysani ka soo degto, saamayntiis way u siman yihiin reer Somaliland.

Ugu dambayn, waa inaynu ogaano qabyaaladda qof siyaasi ah ayaa kursi ku  hanta, laakiin ma jirto faa’iido ugu jirta dadka intiisa kale, xataa haddii siyaasiga qaabka kursi ku helay uu inoo dhiso waddada Ceeri Gaabo oo kale, ama xafiisyadda dawladda loo raro Xaraf, ama lacagta dekedda Berbera lagu kireeyay lagu dhiso waddo deegaan gaar ah maraysa; DHAMAANTOOD waa adeegyo dalkeena u soo kordhay, oo ay dadweynuhu wada isticmaalayaan; cidda dhisaysa ujeedadooduba muhiuim maaha. 

 

Axmed Maxamed Diiriye

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso