Masuul Ka Tirsanaa Puntland oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacayo!!

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay waqooyiga magaaladaasi ku dishay mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee Dhinaca Puntland.

Kooxda Dilka Geysatay ayaa ku hubaysana Baastoolado falka markii ay fulyeen goobta ayay ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan Kuwa Puntland oo goobta gaadhay ayaa isku gedaamay Kobta Falku ka dhacay ,iyado dhawac ahaan goobta looga qaday masuulkan balse uu ku geeriyooday cisbitaalka.

Xabada ayaa Axmed Deeq ka haleeshay Madaxa waxaana ku naf uaxay cisbitaalka Guud ee Gaalkacyo Marxuumkan ayaa ahaa Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Dhinaca Puntland.

Axmed Shaafi
Garoowe/ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso