Daawo: Shirka Suufiyada Caalamka oo ka Furmaya Saaka Magaalada Muqdisho iyo Ku Dhawaad Labaatan Dawladood oo ka Qaybgalaya Shirka

Wafti Suufiyo ah oo ka socda Kow iyo Toban Dal ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho, wafdiga Suufiyada ah ayaa waxaa casuumay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.

Sida la sheegay waftigan Suufiyada ah ayaa ka Qaybgalaya shir Maanta uga furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Suufiyada.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabanayaan jamaacaddan ayna iskugu imaanayaan culumo & Aqoonyahano & ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.

Wadaadan Suufiyada ah ayaa wax soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafic

Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan ilaa 11 dal Waxayna kala yihiin.

1- Dr – Safwaan ( Dalka Jordan)

2- Dr – Mascuud Axmed ( UK ).

3- Dr – Axmed Shaxaat ( Masar)

4- Dr – Maxamed Xuseen ( Turkiga).

5- Dr Faatix Qariibulaah ( Neejeeriya).

6- Dr – Maslami Kamaal ( Suudaan)

7- Dr – Anas Alciisawi ( Ciraaq)

8- Dr – Bilaal Calaa ( Lubnaan)

9- Dr- Tawfiiq Luuri ( Marooko).

10- Dr – Khaliil Loox ( Sinigaal).

11- Dr – Ismaaciil Qaari, ( Aljeeriya)

Advertisement

Ku Xayeysiiso