Madaxweyne Biixi oo Wareegto ku Dhaqan Geliyey Miisaaniyada 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 kudhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                  Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

Advertisement

Ku Xayeysiiso