Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Heer Qaran Mario DALAYS SHIRE

Waxan halkan hambalyo balaadhan uga soo diayaa Marwo Dalays Shire oo maanta si buuxda ula
wareetay xilkii cusbaa ee loo magacaabay ee ahaa Guddoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee heer qaran.

Guddomiyaha cusub Marwo Dalays Shire waa qof leh aqoon, karti, iyo waayo aragnimo xilkaa loo igmadayna ay ku hanan karto, madaama ay mudo dheer soo haysey xilkii Guddoomiye ku xigeenka garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye. Waxan eebbe uga baryayaa inuu xilkaa u fududeeyo.

Waxa munaasibadaa qaaliga ah si milgo leh xilkii ugu wareejisay Marwo Canab Cumar Ileeye oo lagu tilmaamo hooyada haweenka Kulmiye. Marwo Canab waxa lagu xasuusan doonaa karti, daacadnimo, deganaan,dad aqoon, iyo sinaan. Waxan ilaahay uga baryayaa hooyo Canab inuu siiyo caafimaad taama, cimri dheer, nolol raaxo leh.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Ameerika

Samia Fisher

Ottawa, Canada

Advertisement

Ku Xayeysiiso