*Dowlad(nimo), Siyaasad(a) , Siyaasi:

*Dowlad(nimo), Siyaasad(a) , Siyaasi:

*Government, politics/policy and politician(s).
(The Differentiation of the above political terms and it’s Actual meanings in the eyes of knowledge):
—————————————————————————–
Dhamaan akhyaarta ama akhristayaasha sharafta leh waad salaamantihiin.

Waa mowduuc aan la wadaagay bulshada waqti hore ,isagoo kooban, maantana aan kusoo celiyey isagoo faahfaahsan. Ka bogo ,waa aragtidayda ,waxaad ku darayso waan soo dhawaynayaa.

Salaam ka dib , waxaan isku dayi doonaa inaan idinla wadaago inaan sharaxaad ka bixiyo sadexda eray ee aan kor ku xusay , xidhiidhka ka dhaxeeya , iyo ujeedada laga leeyahay dowladnimada , siyaasada iyo siyaasiga dhabta ah .Sadexdan tibxood ama kalmadood ama eray waxaa ka dhaxeeya xidhiidh aad u adag , oo midna midka kale la’aantii aanu shaqayn Karin ama laga gaadhi Karin waxii laga rabay in laga gaadho ama ujeedadii laga lahaa.

Image

1. Dowlad , dowladnimo: (Government).
Markaynu eegno ama qeexno dowlad ama dowladnimo ama iswaydiino macnaha dowlad waxa ay tahay , dowladdu waxa weeye habdhis (system)ka kooban unugyo habaysan , oo xukuma , ilaaliya , xadeeya , xaliya , dabra dhamaan habdhaqanka bulsho meekuwada nool una yeela bulshadaas calaamad ay kaga duwantahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.

Dowlad nimada ama dowlad waa masuuliyad wadareed ka samaysmay iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul iyo maarayn iyo kala danbayn sharci oo bulshadaasi isla fahamtay inay kuwada noolaato, horumarna ku gaadho. (Joint Responsibility). Dowladnimada ujeedada laga leeyahay waa fulinta iyo jaangoynta adeega bulshada iyo maaraynta baahiyaheeda lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada iyo horumarkeeda waxa ka mid ah sidan hoose:

* Caafimaadka ,

*Waxbarasho,

* Cadaalad ,

* Sharci ,

* Biyo,

* nabadgalyo iyo degenaansho ,

* Dhaqaale Iwm. ee aasaasiga u ah nolosha , suaashu waxay tahay , qof waliba oo bulshada ka mid ahi ma qabsan karaa ama ma samaysan karaa dhamaan aasaasiyaadkaas nolosha ?. Jawaabtu waa maya , sidaas aawadeed , dowladnimaduwaa lagama maarmaan .Sida lawada aqoonsanyahay , waxaa bulshada u keeni kara adeegaasi waa dowlad , sidaas daraadeed dowladnimo waxay ka samaysantaa baahi bulsho .

(I consider that government serves for the people to promote the life of the citizens, fulfilling the National Obligations and social responsibilities by protecting the Law & Oder and respecting the rights of the people.

The main objective of government is to provide service and protect the life of the citizens).

Protect and provide Approach:
The concept of government emphasisthat government is provider of goods and services that individuals cannot provide individually for themselves. Government in this conception is the solution to collective action problems, the medium through which citizens create public goods that benefit everyone, but that are also subject to free-rider problems without some collective compulsion.

Waxa is waydiinleh , waa maxay ujeedada laga leyahay dawlad ama dowladnimo ?.Ujeedada laga leeyahay dowladnimada waxa weeye , inay bulshadaas u adeegto , una diyaariso dhamaan kaabayaasha nolosha ee bulshadaasi u baahantahay ee caafimaad leh , garsoor leh , nabadgelyo leh, biyo leh ,dhaqaale leh , shaqo leh, ee waxbarasho leh , ee difaacnid iyo ilaalin leh, iwm.

Waxaan odhan karnaa , dowladnimadu waxay u taagantahay sidii bulshadaasi nolol u heli lahayd, markaas ujeedada dowlada loo samaystay ama loogu baahanyahay waa nolol ama si bulshadu u noolaato.

Dhamaan howlaha ay dowladu qabato waxay suuragaliyaan nolosha bulshada .

Hadii la waayo ujeedadii dowladnimada loo samaystay ama la gees maro hadafkii laga lahaa dowladnimada , hanaanka maamul ee markaas saaxada ka jiraa, uma qalmo in loo adeegsado ama loogu yeedho erayga “dowlad” , waayo, ma istaahilo , hadii laga waayo ujeedadii dowladnimada .

(Dowladnimadu waa cadaalad , adeeg , ilaalin , horumarin , aragti iyo jaangooynta mustaqbalka umada , intaa hadii laga waayo ma istaahisho in dowlad loogu yeedho ama looaqoonsado).

Habdhiska dowladnimo waxa uu ka koobanyahay sadex waaxood oo waaweyn .

1. Waaxda fulinta: (Executive cabinet) ama waaxda adeega bulshada sida caafimaadka , waxbarashada , biyaha , deegaanka , nabadgelyaada, xoolaha , shaqada ,

2. Waaxda sharci dajinta (House of Legislation /parliament) ,

3. Waaxda garsoorka iyo cadaalada. (Judiciary/Justice Dept.).

Sadexdaas waaxood markay si wacan u gutaan waajibaadkooda , fahmaan masuuliyada saran , kushaqeeyaan sharciga iyo waxii bulshadu isla garatay ama ku heshiisay,waxaa suuro gal ah , in lahelo dowladnimo ama dowlad.

2. Siyaasada: (politics /policy):
Erayga labaad siyaasad(a), mar hadaan nidhi dowladnimadu waa waa habdhis ka kooban unugyo habaysan , sida hay’adaha kala duwan ee dowlada , marhadaynu nidhi dowlad waa adeege bulsho , oo ka shaqeeya nolosha bulsha , dowladaas ma shaqayn karto siyaasad la’aanteed, hadaan si kale u dhigo, dowlad ma shaqayn karto siyaasad la aan, markaas siyaasadu waa shaxdii lagu soconsiinaayey dowladnimada , siyaasadu waa kabihii dawladnimadu ku soconaysay ee midho dhalka ka dhigaysay dowladnimada.

Unugyada ay ka koobantahay dowladnimadu ma shaqayn karaan, hadaanay lahayn siyaasad cad oo lagu waajaho baahiyaha kala duwan ee bulshadaasi leedahay.

Siyaasad waa mabaadii’dii ,farsamadii, shaxdii lagu hirgalinlahaa dowladnimada, lagu socodsiin lahaa , looguna adeegi lahaa bulshada wada nool.Si loo helo adeeg dowladeed oo dhamaystiran waa in la dejiyaa siyaadad dowladeed oo dhamaystiran, e.g. siyaasad caafimaad , mid waxbarasho , mid nabadgelyo, mid dhaqaale , mid shaqo abuur iwm. Halkaas waxaynu ka arkaynaa xidhiidhka ka dhaxeeyaDOWLAD iyo SIYAASAD.

(A policy is a deliberate system of principles to guide decisions and achieve rational outcomes. A policy is a statement of intent, and is implemented as a procedure or protocol. Policies are generally adopted by a governance body within an organization. Policies can assist in both subjective and objective decision makingPolicies to assist in subjective decision making usually assist senior management with decisions that must be based on the relative merits of a number of factors, and as a result are often hard to test objectively, e.g. policy. In contrast policies to assist in objective decision making are usually operational in nature and can be objectively tested).

“Policy or policy study may also refer to the process of making important Organizational/Governmental decisions, including the identification of different alternatives such as programs or spending priorities, and choosing among them on the basis of the impact they will have. Policies can be understood as political, managerial, financial, and administrative mechanisms arranged to reach explicit goals”.

Waxa is waydiin leh , waa maxay ujeedada laga leeyahay in la dajiyo siyaasad qaran ama bulsho ?. Ujeedada laga leeyahay in la helo siyaasad hufan oo bulsho, siyaasadu waxay u adeegtaa nolosha bulshada , waxay fududaysaa sidii bulshadu u helilahayd nolol wacan oo dheeli tiran dhankasta, waxaynay ku biyo shubanaysaa nololsha bulsha iyo hurumarinteeda , markaas dowlad iyo siyaasad ma kala maarmaan ,waana isku hal ujeedo oo ah, kor uqaadida iyo suurta galinta nolosha bulshada.

3. Siyaasi ama siyaasiga:(politician /policy maker).
Aan u imaado eryaga ugu danbeeya ee maqaalkayga Ee “Siyaasi”.
Mar hadaynu helnay habdhis ama Dowladnimo( system).
Mar hadaynu helnay kabihii dowladu ku dhaqaaqaysay oo ah Siyaasad ( wheels of the system ), waxaa maqan darawalkii jihayn lahaa .

“Siyaasi”: Waa curiyihii , ama tolihii kabaha dowlada(kabatole-qaran) isla markaana ah daadihiyihii dowlada amase darawalkii dowlada kaxayn lahaa ee u kaxayn lahaa jahada saxda ah ..Erayga markaas siyaasi waxaan ku macnaynayaa , farsameeyaha , shaxeeyaha , abuuraha siyaasad dowladeedka , hirgaliyaha , hogaamiyaha, jiheeyaha siyaasada dowlada .Siyaasigu waa maamulaha iyo maareeyaha dhamaan unugyada ay ka koobantahay dawladu .Siyaasigu waxa uu noqon karaa mid guud sida madaxweyne , prime minister , oo haga siyaasada guud ee qaranka, waxa uu noqon karaa wasir qaabilsan hay’ad ka mida hay’adaha dowlada, sida waxbarashada , caafimaadka iwm .

Haduu madaxweyne yahay waxa uu hogaaminayaa siyaasada guud ee dalka , haduu wasiir yahayna marba hay’ada uu joogo ayuu habaynayaa, hogaaminayaa siyaasada lagu hagaayo ha’ayadaas dowladeed ee uu horjoogaha u yahay.

markaas siyaasiyiinta daacada ah waxay u fekeraan sidii ay u keeni lahaayeen ama u dhalinlahaayeen siyaasad wacan oo dhexdhexaadnimo sal u tahay , uu u adeegta shacabkooda iyo wada noolaanshihiisa , siyaasad hufan oo aragti dheer leh,kuna dheehantahay masuuliyad qaran oo dhamaystiran .

( A real politician is a someone who is experienced and skilled in the Art of politics ,is someone who participates in how the country is run, is someone who think about the National issues,solves and represent his people Nationaly).

dhamaan unigyada dowlada ay ka koobantahay haday tahay fulin , haday tahay garsoor , haday tahay baarlamaan (sharci dajin) , kama maarmaan in la helo siyaasad dhamaystiran , iyo siyaasadaa siyaasigiii ku hogaamin lahaa hufnaanta iyo jahada saxda ah .

Siyaasiga dhabta ah waxa uu siyaasada u gala badbaadinta dalkiisa iyo dalkiisa , waxa uu ka fekeraa nolosha bulshadiisa , waxa uu isku dayaa inuu fahmo had iyo jeer waxaa ay tabayso bulshadiisu , ka dibna waxa uu raadiyaa qaabkii loo heli lahaa had iyo jeer waxyaalaha ka dhiman nolosha bulshadiisa , ka dib falaqayn fara badan iyo xog urusi badan ka dib , waxa uu asteeyaa sidii bulshadu u heli lahayd waxa ay rabto ama ka dhiman noloshooda .

halkaas waxaan ka dhandhansanaynaa , in ujeedada siyaasiga muwaadinka ahi, ay tahay badbaado qaran , iyo wanaajinta nolosha bulshada .

Siyaasigu waxa uu u taaganyahay horumariyaha , hogaaminta , jihaynta siyaasada bulshada si loo helo nolol wacan oo huru mar leh ..

Si kooban hadaan u sheego , siyaasigu waa u adeegaha nolosha , iftiimiyaha guusha nolosha , hagaha sax da ah ee bulsho yeelan karto.

GOORMA AYAA QOFKA LOOGU YEEDHAYAA WAA SIYAASI ? .SIYAASI HEBEL?. WAA SUAAL JAWAABTEEDA AAN SOO GUDBIN DOONO. INSHA ALLAH.(Waa sida ay aniga ilatahay).

Gabo gabo:

Markay sidaas tahay waxaan leeyahay ama kusoo ururinayaa sidan hoose:

* Dowladnimadu waxay u adeegtaa nolosha bulshada,

* Siyaasaduna waxay dhistaa dowladnimada si loo helo dowlad ku dhisan ilaalinta dadkeeda iyo dalkeeda ,kana fekeraysa nolosha dadkeeda,

* Siyaasiga dhabta ahina waxa uu u adeegaa suurto galinta iyaasada dowladnimada ,si loo xaqiijiyo hadafkii dowladnimada , markaas sadexdaas eray halkaas ayay iskugu imanayaan kuna biyoshubmayaan .

Hadaan taas markaas barbardhigo dowladnimada somalida nooca ay doonto ha noqoto , waxa isoo baxday sidan hoose:

* Dowladnimada somalida = ku shaqayso oo wax ku hel,

* Siyaasada somalida = ku shaqayso wax ku noqo kuna hel,

* Siyaasiga somaliyeed = wax hel waxna noqo .

Sadexdaasina halkaasay ku kulmeeen ku biyo shubteen.

Taasi waxay muujinaysaa sida hogaamiyeyaasheenu ama cida Somali talada u haysaa uga qaawantahay tubta toosan , iyo mabaadiidii dowladnimo , wadaniyadii , tudhaalihii loo tudhi lahaa danyarta , masaakiinta , kuwa sheegta hogaamiyeyaal ee dulinka ku noqday umada ay u naxdin daayeen.

ABDIRASHID HUSSEIN YUSUF ( GAHAYDHLE).
E-MAIL GAHAYDHLE@LIVE.COM
DOHA , QATAR.

Get Outlook for Android

Advertisement

Ku Xayeysiiso