Biyaha La-Wadaago Iyo Xeerarka Dunidu Kaga Heshiisey: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel

Sida ku cad shuruucda caalamka, waa in aanan biyaha loo isticmaalin sida aalad siyaasadeed oo lagu cuna-qabateeyo laguna caburiyo shacabka (qaranka) ama dalalka deris, ee waa in loo isticmaalaa badeecad lagu haqabtiro baahida aadanaha iyo degaankiisa. Waxaa sanad walba la qabtaa shirar caalami ah (iyo kuwo qarameed ama goboleed) oo lagu baadi goobayo sidii kheyraadka biyaha ee ay waddamo badan wadaagaan loogu heli lahaa habkii si nabad ah loogu maamuli lahaa, ayada oo aanan wax loo dhimin dadka iyo degaankiisa, lana higsanayo horumar-jiri-kara oo waari kara (Sustainable Development).

Shirarkii la qabtay waxaa ugu caansan midkii ka dhacay Janaayo 1992kii Dublin (caasimadda Ireland) iyo shirkii ka dhacay Rio-de-jineeriya (caasimadda Baraasiil) Juun 1992dii, shirkan dambe oo loo yaqaanno Rio-conference ama Earth Summit (kulankii madaxda dunida), waxaa ka soo qeyb galay 178 madaxweyne, boqor oo ka kala socotay waddama adduunka oo dhan. Dukumentigii Shirkaasi ka soo baxay oo loo yaqaanno, AGENDA 21, waxa uu ku wajahan yahay sidii qarniga 21aad ee foodda nagu soo hayo dunida loogu noolaan lahaa gaar ahaan dhinacyada degaan iyo horumarka. Rio-conference waa shirkii ugu weynaa ee dunida ka dhacay.
Shirkaasi oo looga hadlayey Degaanka iyo Horumarka (Environment and Development) waxaa soo qababqaabisay Qaramada Modiibay (United Nation) waa kulankii ugu horeeyey uguna weynaa ee dunida ka dhaca, kana soo qeyb galeen guud ahaan dalalka adduunka oo dhan marka laga reebo dalkii aynu ka midka ahayn ee (SOMALI REPUBLIC) iyo madaxdooda, ururada caalamiga ah, ururada aanan dowliga aheyn (NGO’s), jaamacadaha adduunka, hay’adaha qaadhaanka bixiya iyo shaqsiyaad.

Qodobadii ka soo baxay shirkaas, waxay biyuhu ku jireen kuwa ugu sareeya ayada oo la muujiyey in aanan horumar la gaari karin degaankana la dhowri karin haddii ay biyo-la’aan, amaba biyo’yari jirto, amaba si qaldan loo maamulo biyaha. Nasiibdarrose, biyaha la wadaago (international rivers) waxay noqdeen qodobka kaliya ee aanan shirkaasi looga hadlin, oo waxaa loo daayey dalalka iyagu biyahaasi wadaaga in ay xal ka gaaraan isticmaalka biyahooda.

Qodobo 1966dii ka soo baxay kulan lagu qabtay magaalada Helsinki oo loogu magac daray Helsinki Rules ayaa waxay sheegayaan in horumarinta kheyraadka biyuhu ay ahaadaan kuwo ku dhisan habka qeybsiga siman (reasonable and equitable sharing) ayada oo weliba loo baahan yahay in tixgelin la siiyo meesha ay biyuhu ka yimaaadaan (upstream) iyo meesha ay u socdaan (downstream). Si kastaba ahaatee, qaanuunka caalamiga ahi si hufan oo leysku waafaqsan yahay uma qeexayo hannaankii iyo qaababkii lagu qeybsan lahaa biyaha caalamiga ah ee ay dhowr
waddan wadaagaan. Khilaaf, haddaba, ku yimaada biyahaas waa mid aan la hor is taagi karin, waayo dalalka biyahaasi wadaaga ayaa kala qaba fikrado qaanuun ahaan iska soo horjeeda. Sannadkii 1997 ayey Ururka Qaramada Midoobay, markii ugu horreysay, soo saareen qaanuun cusub oo loogu talagalay in loo isticmaalo biyaha caalamiga ah (sida webiyada dhowr waddan wadaaga). Qaanuunkaasi (The UN Convention On the Law of the Non-navigational Uses of International Watercourses) ma aha mid qasab ku ah in ay waddamadu isticmaalaan, maaddaama uusan weli noqonin mid dhaqan galay, oo weli aysan ansixinin waddamada oo idil ama intii loo baahnnaa. Waxaana weli cad in aanan la is-waafajin karin qaanuunkaas caalamiga ah iyo siyaasadaha ku wajahan isticmaalka biyaha la wadaago.

Qaanuunkaas caalamiga ah ka sokow, Diinta Islaamka ayaa tixgelin weyn iyo ahmiyad balaaran siisay biyaha oo ay u aragto in beeqaameyntoodu tahay arrin muqadas ah, iyadoo xitaa leys faray in haddii aad timaado webi aad ka isticmaasho intii kugu filan ee aadan ku xadgudbin adiga oo aanad is odhanin biyuhu wey badan yihiin. Qaannuunka diiniga ah ee dhinaca biyaha ayaa ah mid xusid iyo tixgelin mudan maadaama ka reer somaliland ahaan aynu nahay dad muslim ah. Guntii iyo gebo-gebadii waa in aysan dadku sameynin wax midab-takoor ah oo ku wajahan dhinaca kheyraadka dabiiciga ah gaar ahaan biyaha.

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso