Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dalkaasi Somaliya oo tababar u furtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda

Tababar ku saabsan sare u qaadidda tayada howlaha maamulka ayaa u furmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo socon doona mudo saddex bari ah si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda laga sugayo.

Tababarkan ayaa ka kooban qaybo kala duwan oo ay kamid yihiin hawlaha maamulka, qorsheeynta, isticmaalka Tiknoloojiyadda iyo qoraalka warbixinada oo intaba muhiim u ah Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda hogaamineyso.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo tababarka furay ayaa shaqaalaha ku dhiirageliyay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heleen.

“Waxaan idinku dhiiragelinayaa inaad si wanaagsan ugu faa’ideysataan tababarkan muhiimka u ah hawlaha ay Wasaaradda u hayso dalka. Wasaaradda marwalba waxaa ka go’an in waajibaadka saran ay sida ugu wanaagsan u gudato tallaabadan ayaana u ah cadeeyn maadaama marka aad tababarka dhameysataan ay horseedi doonto ka guul gaarista hawsha ballaaran ee naga horeysa” ayuu yiri Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu dambayn, tababarkan ayaa ah mid lagu tayeeynayo islamarkaana kor loogu qaadayo Kheyraadka Aadamiga ah ee ay Wasaaraddu heysato si guul looga gaaro arrimaha dib-u-eegista Dastuurka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso