Dowladnimada Maxaa loo Samaystaa? Abdirashid Hussein

#Dowladnimada Maxaa loo #Samaystaa ?.

———————————————————————-

Dhamaan bulshadayda qaaliga ah ,Asxaabtayda ila wadaaga Afkaarta ,inta igu soo celisa coments kooda dhiirigalinta ah waad salaamantihiin.

————-.

Hadba waxaan diirada saaraa meelaha aynu ka liicsanahay ,ee aan u arko inay muhiim tahay ,rajaynaynona inaynu mar uun fahmi doono ,kana dhismi doono ,dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Aan kula wadaago mowduucan kor ku xusan:

Qeexid :-Markaynu eegno ama qeexno dowlad ama dowladnimo ama iswaydiino macnaha dowlad waxa ay tahay , dowladdu waxa weeye habdhis (system)ka kooban unugyo habaysan , oo xukuma , ilaaliya , xadeeya , xaliya , dabra dhamaan habdhaqanka bulsho meel kuwada nool una yeela bulshadaas calaamad ay kaga duwantahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.

1.   Sheikh inbu khaldun oo ka mid ahaa culimada waawayn ee islaamka ,waliba raga loo daba fadhiisto Cilmga bulshada (SOCIOLOGY), Ilaahay how naxariisto, waxa uu sheegay (BUUGIISA AL MUQADDAMA ),dowladnimada waxa loo samaystaa ama baahida keentay in dowlad la sameeyo ,waxa weeye laba shay /arimood:

·   In bulshadu hesho wada noolaansho (Coexistence), wax kastay ku kala duwantahay , afkaarta , dhaqanka , diimaha, xadaaradaha , afka,hadana inay dowladnimadu abuurto in la wada noolaan karo, si kale hadaan u dhigo,si loo helo wada noolaansho ,waa in la helo dowladnimo umada ka dhaxaysa. Markaas waxa khasab noqotay in la helo dowladnimo keenta wada noolaansho.

·   In la helo ilaalin, xafidaad ,amni ,gudaha iyo debedaba ( Protection , both Internally & Externally). Inay ku difaacdo oo ay kaa difaacdo cadowga gudaha iyo debedaba.

2.   Abu Yacrab al Marzouqi; oo ka mid ah mufakiriinta casrigan ee caalamka islamka ,isaguna waxa uu tilmaamay in dowladnimadu ay qabato laba shaqo oo waaweyn ,sidan hoose:

·  Waa ilaalinta , kobcinta , maamulka iyo maaraynta dhamaan arimaha bulshada , adeega sida caafimaadka , waxbarashada , wadooyinka, dhaqaalaha , garsoorka iyo cadaalada, iwm,( Caring and Providing Essentials to the Public ),

·   Ilaalin, xafidaad ama difaacid bulshada laga difaaco cadowga , iyo khataraha bulshada uga iman kara gudaha iyo dibedaba ,(Securing & Ensuring the people’s Sovereignty from foreign threat).

Caalimkaasina waxa uu ku tilmaamay inay dowladnimadu tahay shaqo la qabto , ee aanay ahayn hadal meel lala fadhiyo , ama muran bulsho oo taagan had iyo jeer.

Labadaas Ayaan ka soo qaatay mufakiriinta muslimka ah ee wax ka qoray arimaha dowlada ama dowladnimo iyo waxa laga rabo dowladnimada .

Khubarada ku xeeldheer arimaha dowladnimada , aqoonta la xidhiidha dowlada/dowladnimada ee reer galbeedka ama dunida aan muslimka ahayn (Western Political Science Experts) dhamaan saynisyahanada ku xeesha dheer maamulka iyo maaraynta arimaha bulshada,waxay isku waafaqsanyihiin ama sharaxaadahooda aad ka dhex helaysaa oo ay ka simanyihiin , kuna soo ururiyey sidan;

(The purpose of a Government/state, is to “establish Justice, insure domestic Tranquility, provide for the common defense, promote the general Welfare, and secure the Blessings of Liberty to the people and posterity).

(Ujeeda loo abuuro dowlad /dowladnimo waa in la abuuro cadaalad , la sugo degenaanshaha bulshada , la difaaco , la horumariyo daryeelkooda,xoriyadooda iyo mustaqbalkoodadaba). Waa in laga shaqeeyo nolosha bulshada .

Waxa kusoo baxaysa fahamka dowladnimada iyo sababta loogu baahday in la dhiso dowlad iyo miisaanka dowladnimadu ku leedahay aduunka.

Aniga markaan eegay Tacriifka ama sharaxaada kala duwan ama hababka kala gadisan ee loo qeexay dowladnimada iyo waxa loo samaystay , waxaan ku cabirayaa kusoo koobayaa macno guud oo koobaaya dhamaan ,sharaxaadaha kala duwan ee loo sameeyey oo ah sidan:

( Dowladnimo waa masuuliyad ,masuuliyaduna waa ilaalin, ilaalintuna waa u adeegida shacabka ,nolol ahaan iyo amni ahaanba ).

(Government is a “Responsibility”, Responsibility is a “Protection”; and protection is the process of providing social needs to the public in terms of security and service).

Khubarada islamku waxay ay ku tilmaamaan dowladnimadu inay tahay shayga ugu miisaanka weeyn ee bani’adam abuuray ama dunida kusoo kordhiyey miisaan ahaan, oo ay wax walba ka weyntahay , kana horayso . sabab:

*Dowladnimada ayaa keentay in dayaxa la tago ama dayax gacmeedyo la diro ,

*In la abuuro warshado waawayn oo hubka , gawaadhida , diyaaradaha , maraakiibta sameeya,

*Dowladnimada ayaa fududaysay in la gaadho hanaanka casriga ah ee ku dhisan teknolojiyada , iyo isku xidhka aduunta , computers , softwares , internet iwm .

Wax kasta oo Bani’adamku aduunka kusoo kordhiyey, waxa asal u ah dowladnimo shaqaysay oo shaqadeedii qabsatay, kuna talaabsatay horumar.

·   Waxaa is waydiin leh shaqadaas laysku waafaqsanyahay dhamaan aqoonyahanada muslimka ah & kuwa aan muslimka ahayniba isla qireen, dadka shaqadaas dowliga ah qabanayaa waa dad noocee ah ?,

·   Hadii shaqadaas la sheegay ama waxii dowladnimada loo samaystay la waayo , maxaa waxa jira lagu tilmaamayaa ?.

·   Yay tahay inay ka hadlaan arimaha bulshada?, Waa dad noocee ah ?.

·   Goorma ayay dowladnimadu burburtaa ? Qaranku burburaa ? Bulshadu burburtaa ?.

Waa suaalo u baahan sharaxaad farabadan , laakiin sii dhexgalimaayee ,aan bixiyo jawaabo koo kooban oo qofka akhriya , ee fahmaa sii balbalaadhin karo,bulshadiisana la sii wadaagi karo.

Dowladnimada dadka ka shaqaynayaa ee umada u adeegayaa marka hore waa dad la wakiishay , loona wakiishay inay shaqadaas dowladnimo umada u qabtaan, haday barlamaan tahay , haday madaxweyne tahay , haday golayaal deegaan tahay waa wakiilka bulshada .

Dadka shaqadaas qabanaaya waxa looga baahanyahay inay yeeshaan shuruudahan,laguna xulo:

a).   Qofka shaqadan qabanayaa wa inuu noqdaa qof aamin ah , awood u leh waxii loo dhiibo inuu hayo, oo xafidaya ,(truthworthy),

b).   Qofka howsha dowladnimo qabanaya waa inuu noqdo qof runsheeg ah (Runlow ah ), (Honest),

c).   Qofka qabanaya shaqada dowladnimo waa inuu noqdo qof caalim ah ,aqoon u leh shaqada la qabanayo. Sadexdaas shardi hadii laga helo waa ku haboonyahay. (Qualified).

* Hadii la waayo waxii dowladnimada loo samaystay , oo intaa aan soo sheegay la waayo , shaqo ahaan iyo shaqaale ahaanba , waxa loo tixgalinayaa dowladaas ,dowlad fashilantay , waxay ku fashilantay adeegii bulshadeeda iyo horumarkeedii , macno ahaan ,ku fashilantayshaqadii loo dirtay ,kuna fashilantay howlgalinta shaqaalihii ku haboonaa.

* Dadka ay tahay inay ka hadlaan, daraaseeyaan arimaha bulshada,waa dadka aqoonta u leh Arimaha bulshada , arimaha dowladnimada Iyo siyaasada dalka , arimaha gobolka iyo saamayntiisa , culimada dalka , jaamacadaha iyo macaahida dalka , guud ahaan ururada bulshadaee sharciga ah iwm.

* Hadii arimaha bulshada ay had iyo jeer ka hadlaan dadka loo yaqaano luqada carbeed (alruwaibidah ), beenaalayaasha, tuugta , dadka aan aqoonta lahayn, dadka aan xikmada lahayn , dilaaliinta , guulwadayaasha danaystayaasha ah , dalkaasi waa dal burbur qarka u saran .

* Marka dadka shaqada dowladnimo loo dhiibayaa ahayn dad u qalma, ee laga leexiyo cidii ehelka u ahayd , ee dadkii bulshada metelaayey ee arimahooda ka hadlaayeyna noqdan RUWAIBIDAH, ama beenaalayaal ,tuug, danaystayaal,dilaaliin ee ay jaanta isla helaan , dadkii awooda dowladnimo hayey iyo ruwaibidadaasi ,bulshadaasi way burburtaa , qarankaasna dhuuxiisu wuu shubmayaa, aakhirkana hadaan ilaahay cid usoo dirin ,hawada ayuu ka baxaa, dalka iyo dadkuba.

Abdirashid Hussein Yusuf,

Email.Gahaydhle@live.com,

Doha ,Qatar .

Advertisement

Ku Xayeysiiso