257 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaarad Milatari oo Ka Dhacay Wadanka Al-jeeriya


Boqolaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Aljeeriya oo kamid ah waddamada waqooyiga qaaradda Afrika.

Wararka Ka imaanaya wadanka Aljeeriya ayaa sheegaya in diyaarad ciidan oo nooca xamuulka ah ku burburtay meel ku dhow magaala madaxda wadankaasi ee Al-Jaris.

Diyaaraddan oo sidday in kabadan 200 oo xubnood oo katirsan saraakiisha iyo askarta xukuumada ayaa burburtay daqiiqada yar kadib markii ay ka duushay Garoonka Ciidanka BOOFAARIIK ee dhaca duleedka Caasimadda .

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in dhimashado kor u dhaaftay 181 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar waxaana jira dhaawacyo fara badan oo shilka ka dhashay.

Dadka ku dhintay Shilkaan diyaaradeed ayaa waxaa kujiro 26 xubnood oo katirsan Jabhada gooni ugoosadka ah ee Polosario ee u dagaalanta xureynta Saxaraha galbeed ee wadanka Morocco.

Diyaaradu waxa ay ku burburtay Beer ku taala Hareeraha dariiqa weyn ee isku xidha garoonka iyo magaala madaxda wadanka, diyaaradan burburtay nooceeda waxaa lagu sheegay inuu ahaa kuwa lagu daabulo ciidanka iyo Agabka Military.

Telefeshin Afka dowladda ku hadla ayaa baahiyay muuqaal muujinayay diyaaradda oo si fooraar ah ugusii dhacaysa dhul beereed waxaana goobta shilku ka dhacay gaadhay  ciidamada gurmadka degdegga ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso