Ingiriiska Oo Lagu Arkay Nooca UGu Xun Cudurka Jabtida

(Toggaherer)-Ingiriiska Oo Lagu Arkay Nooca UGu Xun Cudurka Jabtida.

Nin ku nool Ingiriiska ayaa waxa uu qaaday noocii “ugu xumaa cudurka jabtida” ee dunida lagu arko. Waxaanay waaxda caafimaadka guud ee England sheegtay in noocani yahay mid aan lagu dawayn karayn daawooyinka loogu talo galay cudurkan.

.

Cudurku waxa uu ninkan ku dhacay horraantii sannadkan, dawooyinka lagu dabiibo ee kala ah Azithromycin iyo ceftriaoxe, oo la iskugu daray ayaa labadiiba waxba u tari waayeen.

Dr Gwenda Hughes oo ka tirsan waaxda caafimaadka guud ayaa yidhi “waa markii u horraysay ee noocan labadaa dawoba wax ka tari waayeen la arko.”

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo xarunta la dagaalanka cudurada Yurub ee ECDC oo dhacdadan aad ula socday ayaa isku raacay in uu noocani yahay kii ugu horeeyay ee dunida lagu arko ee dawooyinku gabi ahaanba waxba ka tari waayeen.

Cudurkan waxa keena bakteeriyo la yidhaa Neisseria gonorrhoeae. Waxaana lgu kala qaadaa galmada.

Calaamadaha lagu gartona waxa ka mid ah malax midabkeedu doog ama huruud yahay oo ibta ka timaad, xanuun badan oo la dareemo marka qofku kaadshayo iyo dhiig mararka qaardkood ka yimaad ibta.

Hadii aan la dawayn waxa uu cudurkaasi keeni karaa in qofku noqdo ma dhalays iyo cudurka oo u gudba ilmaha uurka ku jira hadii haweenayda qabtaa ilmo siddo.

Dhakhaatiirta khubarada ah ee xaaladda ninkaa darsaysa ayaa sheegay in ay hadhsantahay dawo keliya oo ka mid ah nooca lagu la tacaalo jabtida oo aan weli ninkaa lagu eegin, suurto galna ay tahay inuu ku dawoobo.

Waxaana haatan loo bilaabay dawadaas waxaana xaaladdiisa la socda dhakhaatiirta oo filaya in wax tarka dawadaasi muuqan doono bisha dambe.

Dr Hughes ayaa isna waxa uu yidhi “aad baanu ula soconaa xaaladda bukaankan waxaanan doonaynaa in si fiican loo daweeyo oo uu ka bogsado, oo waxaanu kula tacaalaynaa wax kasta oo suurto gal ah si aanu u yarayno khatarta keeni karta in cudurku fido.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso