QAYBTII(3) Sicir-bararka

QAYBTII(3) Sicir-bararka .

Kaalinta Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland ay ku leedahay la dagaalanka sicir bararka.

————————————————————————

Asxaabta salaan Guud dhamaan inta hawada aanu ku wadaagno fariimaha.

Waqti wacan qof walba xiligay u tahay.

Wali waxaan daba socdaa sicir bararkiiye .

Fadlan ila wadaag qormadan hoose , 

Xilka, ka saaran wasaarada Ganacsiga inay qayb weyn ka ciyaarto ,la dagaalanka sicir bararka ee maceeshada aasaasiga u ah nolosha bulsha ,xilka ka saran isdhexgalka dhaqaale ee bulshada iyo guud ahaan waajibaadka hay’adaasi uga masuul tahay dalka .

Xxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxx.

Wasaarada Ganasiga iyo Maalgashiga Somaliland (Ministry of Commerce and Investment of Somaliland) , waxay ka koobantahay macag ahaan , iyo masuuliyad ahaanba laba qaybood , oo kala ah ;

i)   Ganacsiga (Commerce/Trade); xakamaynta , kala saarida ,dhiiri galinta ,dhismaha iyo curinta siyaasada guud ee ganacsi ee dalka ,kor uqaadida, habaynta maamul iyo kala xadaynta ganacisiga wadanka .

ii)   Maalgalinta (Investment); waxa kale oo ay shaqadeedu tahay , fududaynta dhamaan waxii maal galin ah ee dalka lagu samaynaayo , ha noqoto maagalin gudaha ama dabada ah , waxaa saaran inay abuurto oo fududayso siyaasadii dalka lagu maal galin lahaa , inay keento oo tilmaanto fursadaha maalgashi ee dalka ka jira , soo jiidato ajaanibta danaynaysa inay maal gashadaan dalka iwm, ( Creating investment opportunities both internally & externally). Wasaaradaasi waxay ka koobantahay labadaas jidh ee is barbar yaala loogana baahanyahay inay ka soo baxdo masuuliyadooda.

(The ministry of Commerce and investment is the government ministryresponsible for regulating and promoting commerce and tradeof Somaliland. It works both domestically and internationally, and within the context of Somaliland, to create opportunities and a good working environment for producersand exporters).

Waxay ka koobantahay waaxo fara badan, oo masuuliyadooda iyo hadafkooduba kusoo koobmaayo kaliya , ilaalinta guud ee ganacsiga dalka , kala xadaynta ganacsiga wadanka , fududaynta dhamaan waxii maalgashi ah, dajinta siyaasada guud ee ganacsi iyo ta maalgashineed ee dalka jamhuuriyada Somaliland . ku dheeraan maayo , qormadan waxaan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo laba qodob oo aan u arko inay ka gaabisay wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga , ay tahayna inaan soo bandhigno.

  I.   Xilka ka saran ilaalinta nolosha bulshada anoo la xidhiidhinaaya mowduuca sicir bararka , tilmaamaya kaalinta ay ku leedahay wasaaradu ,xakamaynta sicir bararka ku yimaada asaasiyaadka nolosha ee bulshada .

(Role of Ministry of Commerce & investment in Controlling inflations & Restoration of spiraling prices of Essential Commodities in Somaliland).

  II.   Kaalinta ay ku leedahay is dhexgalka dhaqaale ee bulshada (Social Economic Integration).

Hadaan u imaado qodobka koowaad oo ah xilka ka saaran ilaalinta nolosha bulshada , wasaarada ganacsiga waxaa saaran waajibaad qaran, oo ah inay kaalin weyn ka ciyaarto ilaalinta nolosha bulshada , diiradana ay saarto guud ahaan nolosha dadka danyarta ah ama soo koraya nolol ahaan , madaama dalkeenu aanu lahayn wax soo saar , nolosheenu ku xidhantahay soo dajinta (import), dadkeenu waxay quutaana ama asaasiyaadkanoloshu dabada ka timaado , waxaa saaran wasaarada ganacsiga sidan hoose :

1.   Inay dajiso dhamaan shuruucdii lagu ilaalin lahaa nolosha bulshada, lagu xakaymayn lahaa ganacsatada dalka ee wax soo dajisa ,

2.   Inay astayso dhamaan waxii asaasiyaad u ah nolosha bulshada ee laga simi karo guud ahaan dalka, inay xeer ku qeexdo waxa loo yaqaan asaasiyaadka nooc kasta oo ay tahay ,cunto ,cabitaan , adeeg ee bulsho waxay ay tahay, dadka iyo ganacsatadana ku wacyi galiso,

3.   Ka dib waxay xaq u yeelanaysaa inay dajiso sicirka lagu iibin karo waxyaabaha aasaasiyaadka ah ee bulshada ,(controlling and Pricing Policy), waa marka loo bilaabo sicilmiyeysan , ganacsatadana la baro laguna wacyi galiyo layslana fahmo,

4.   Ka dib waxay la xaajoonaysaa wasaarada maaliyada oo ay halkaas ka wadaagi karaan barnaamij qaran, oo ah ilaalinta nolosha bulshada , waxay kala xaajoonaysaa ,una gudbinaysaa, sidii cashuurta looga yarayn lahaa dhamaan aasaasiyaadka nolosha bulshada loona xakamayn laha sicirkooda ,loo kaabi lahaa hadii la awoodo, wasaarada maaliyaduna cashuurtay ka dhimmi waxay u abuuri (taxation policy of essential Commodities ), iyaduna cashuur ahaan ayay u kala saari doontaa ganacsiga dalka waxii muhiim u ah nolosha bulshada iyo waxii aan muhiim u ahayn ee faaka haysi ah, fiiro gaarana waxay siin doontaa wax alaale waxii khuseeya bulshada iyo ilaalinteeda nololeed.

Talaabooyinkaas waxaan ku salaynayaa , kana duulayaa waa macnaha, dowlad aan dadkeeda ka ilaalin gaajada , kala tacaalin haraadka , oo inta wax haysta uun naaxisaa dowlad maaha ,marka lagu eego indhaha dowladnimada.

5.   Waa inay ninka ganacsadaha ah ka ilaalisaa inuu bulshada noloshooda naafeeyo,oo ka qabataa , isna u ilaalisaa ganacsigiisa , waayo waxaa jira wax la yidhaa (Ators of industrial Relations like Employer/Managent, Employees, Government, Customers /Societies based on Industrial Relation Approach).Jilayaasha saaxada ganacsiga dalka kasta , loo shaqeeye , shaqeeye , dowlada , iyo macmilka ama bulshada guud ahaan , intaa dowlada ayaa u siidhi wale ah, oo ay tahay inay kala xadayso.

Talaabadaasi waxay yaraynaysaa inuu soo noqnodo sicir bararka ku yimaada nolosha bulshada , gacantana waa lagu haynkaraa , la xakamayn karaa , siyaasadwacan oo la dajiyo ayaa bulshooyinka lagaga badbaadiyaa dhibaatooyinka nololeed.

Qodobka labaad hadaan u imaado ee ah ,kaalinta kaga began , ama masuuliyada saaran wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga , waxa weeye inay ka shaqayso , fududeyso isdhexgalka iyo is aaminka dhaqaale ee bulsho ee jmahuuriyada Somaliland.

(The ministry of Commerce & investment of Somaliland is responsible for the functions relating to promotion, coordination, and regulation of National Social Economic Integration of large and middle scale industries in Somaliland).

Sida aan wada ognahay marka laga hadlaayo , dhismaha iyo kobcinta dhaqaalaha ,waxa tiir u ah , oo lagama maarmaan u ah wadankaas , in shacabkiisu is aaminsanyahay , isla falgalay dhaqaale ahaan , is dhexgalay, diyaar u ah inuu wax isku darsankaro , wadaagi karo faa’iidooyinka ganacsi iyo khasaarihiisaba .

Isdhexgalka bulshada waxa masuuliyadi ka saarantahay wasaarado badan , sida arimaha bulshada , warfaafinta ,arimaha gudaha , ciyaaraha , sidoo kale wasaaradana waxaa saaran qaybta isdhexgalka dhaqaale ee bulshada .

Waxa kale oo saaran wasaarada ganacsiga inay ilaaliso raasamaalka muwaadiniinta , had iyo jeer ganacsiga la bilaabo, ee ay ka baaba’do ama ku khasaarooba waxii ay bilaabeen , inay ilaaliso raasamaalka guud ee muwaadiniinta waa waajibaad qaran , oo marka liisan ay bixinayso eegto nooca businesska , talona ay ka siiso muwaadiniinta maalgashiga samaynaaya (investment counselling department /personnel/or investment counsellors) waa inay jirto .

Somaliland waxay noqotay meesha ugu badan ganacsiga fashilmay (business failure),sabab waxa ka hirgalay aragtida ah ,in qof waliba kaligii uu wax helo kasaare iyo faa’iidaba (Sole trade business structure ), Halkii ay ka ahayd in dadku is aamino ,oo dalka laga hirgaliyo nidaam ganacsi oo dheeftiisa iyo khasaarihiisaba la qaybsado ( partnership and Corporate Business structure).

Si loo helo taas, looga guuro nidaamka ah kaligay aan wax helo , loogu guuro habdhis ganacsi oo kuu salaysan is aamin iyo wax wada qaybsi ,faa’iido iyo khasaaraba ,wasaarada ganacsiga dalku waa inay fulisaa waajibaadkeeda hay’adeed ee ay u xilsaarantahay, una abuurantahay ,sida :

1.   Waa inay abuurtaa dhamaan shuruucdii ganacsi ee saamaxaysay in wax la wada yeesho oo dhaqaale ahaan bulshadu is dhex gasho,

2.   Waa inay hir galisaa mabaadiida wax isku darsiga , wacyi galisaa ganacsatada iyo dadka samaynaaya ganacsiga cusub , ku dhiiri galisaa inay sameeyaan shirkado aan qofaf lahayne dadku wada leeyahay , faa’iido iyo khaaarana lawada qaybsado,si loo badbaadiyo raasamaalka muwaadiniinta ee mar walba mar wada dagaaya,

3.   Waa inay xoojisa (National Chamber of Commerce of Somaliland) ,si loo abuuro qawaaniintii dadku isku aamini lahaayeen sida ‘Company act , partnership act ‘liquidation act ‘holding company act,etc, sharciga shirkada waawayn , ka shuraakada , shirkadaha yar yar , kuwa gaarka looleeyhay ,kuwa dowliga ah , kuwa aan dowliga ahayn, ka loo adeegsanaayo goorta shirkadu xidhmayso ama la xidhi karo , sharciga kuu saamaxaaya inaad shirkad qayb weyn ka yeelan kartid iwm.

Waa shuruucdii laysku aamini lahaa , fududaynaayey in bulshadu wax wada yeelan karto.

Bulsho kala firidhsan dhaqaale ahaan ,siyaasad ahaan , bulsho ahaan , deegaan ahaan , meel ma gaadho dhibna kama baxdo , in laysku soo wada celiyaana, waa waajibaad saaran mar walba maamulka jooga ee talada dalka haya.

Waa in loo helaa dad ku haboon hay’adaha ahmiyada noocan oo kale ah ,u leh bulshada , loo eego kibrad iyo aqoonba ,ee aan hebel uun la soo fadhiisin xafiiska.

Intaan ka arko qiimayntayda guud, wasaarada gacacsiga iyo maalgashiga Somaliland, way ku fashilantahay waajibaadkeedii ama doorkii looga baahnaa inay bulshada ka dhisto kaalinta kaga haboon.

Qaabka loo abuuro siyaasad ganacsi oo furfuran oo xakamaysan (flexible , comprehensive  and controlled commercial policy), iyo sida dadku wax u wada yeelanayaan ,meelaha laga bilaabayo iyo sida loo abuurayo kawi ganacsi oo ku dhisan u adeega bulshada iyo ilaalinta noloshiisa ,hay’adaha loo baahanyahay ,waxaasoo dhan waa mowduuc dheer oo u baahan in laga fikiro ,hal abuurkeedana loga fadhiyo masuuliyiinta hay’adan ku magacaaban.

       Hada intaasaan kusoo koobayaa.

        —–  Dhamaad——-

      

Abdirashid Hussein Yousuf Gahaydhle

Email.gahaydhle@live.com,

Doha,Qatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso