Hal Xaaraan ahi Nirig xallaal ah ma dhasho !!!

Hal Xaaraan ahi Nirig xallaal ah ma dhasho !!!


Siday kugu tahay Mr Cirroow in lagu yidhaa ” Kalsoonidii ayaanu kalla noqonay Xisbigaaga la ogaa sidii uu ku soo baxay ama ku yimi?

Waa laga wada dheregsanaa in Xisbiga Waddani ay samaysay Xukuumadii hore ee Kulmiye dan ay ka lahaydba oo uu Xirsi kow ka ahaa.

Waa la ogaa in uu ku soo baxay in ay ahayd qaab maxlal iyo wax is weydaarin ah.

Waa la ogaa oo laga wada dheregsan yahay hadii Doorasho xumi ka dhacday Dalkeena inay ahayd tii Dawlladaha hoose ee uu ku soo baxay Xisbiga Waddani ee Sanaaduuqdeeda Dooxyada iyo Hawdka laga hellaayey Raqdooda.

Waxaa sidoo kale oo la wada ogaa in hadii cidi sharcigii jabisay uu Mr Cirro tabceeyey oo uu isaga oo Xubin ku fadhida Xisbiga Ucid noqday Gudoomiye Xisbi kale hadana u ahaa Gudoomiyihii Gollaha Sharci dejinta ee la rabay in uu sharciga ku ilaaliyo Gollaha fulinta ama Xukuumada.

Waxaa la wada ogaa in sharci jabintaas iyo Xisbigaa Waddani ee khasabka lagu soo saarray lagula Dagaallamayey Maxamed Cabdi (Gaboose) iyo Ururkiisii Umada oo haystay taageero badan ayna wadatay Beesha Mr Cirro 90% halka ay Cirro iyo Waddani u arkayeen Muxaafid Xukuumada ku dhex milmay oo la iska wato.

Waxaa iyana la wada ogaa in uu u fududeeyey soo saarista Xisbiga Waddani Mr Xirsi oo ahaa Raysal Wasaare aan Sharci ku dhisnayn, iminkana ah hogaanka Xisbiga Waddani ee Booliga ku soo baxay.

Hadii in uun Boolli , wax is daba marin iyo sharci jabini jirto waxa ku jooga Xisbiga Waddani iyo hogaankiisa.

Murtida Somaalida ayaa hore u tidhi “Hal xaarraanina Nirig xallaal ah ma dhasho” markaa Cirro iyo Waddani laga fili maayo wax Wanaagsan.

Waa nasiib darro in wixii aad adiga iyo Xisbigaagu ahaydeen ee lagaalla Xishooday aad u quudho qaar Xallaal ku yimi oo sharciga Xisbiga kaa dhigay ayaguna ku fadhiya mudo wakhtigu siiyey oo la yaqaano bilawgeeda iyo dhamaadkeeda.

Waa qar iska tuur iyo indho adayg in maalin walba Xisbi isaga iyo Madaxdiisuba la ogaa siday ku yimaadeen uu Qarankan hagardaameeyo.

Waxaan xasuusinayaa taageerayaashii shallay la socday Mr Gaboose ee Cabdiraxmaan u yaqaanay Muxaafid ama Shoodhe Kulmiye ee maantana isaga la socda ee hamuunta Kursiga iyo haybta uun kulla socda in ay dib u fadhiistaan oo is xisaabiyaan inta aan ayaga daallac loo raacin.

Dadka iyo Dawladuba Mr Cirro way ka xishoonayaan oo kalka qaybinta shacabkooda ee uu wad wado isagu ilaa maalintii uu ku guul daraystay Doorashada ayaan la rabin inay u rumawdo isaga.

Waxaanse maanta u sheegayanaa oo xasuusinaynaa in ay soo dhamaanayso dulqaadkii Dadka Reer Somaliland oo Runta loo sheegi doono hadii uu ku dheel dheel is yidhaa maalin walba Qarranimada iyo Shuruucda Dalka ee uu hore u soo wada kharibay.

Allahayaw nin daacad ah.
Allahayaw nin daallin ah.
Deeqdaada haw simin.
Amiin Amiin Amiin.

Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Advertisement

Ku Xayeysiiso