Wasiir Guri barwaaqo oo u Muuqda Wasiirka Kowaad ee Ka dhaadhacaya Tareenka Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wuxuu eersanayo!!!

Gufaacooyinka Ku Kacay Wasiir Guri-barwaaqo oo Ifafaalahoodu Muujinayo inuu sii wadacayo Xukuumadii uu Mudada Sadexda Bilood ka tirsanaa Iyo Mustaqbalka Wasiir Ku Xigeenkiisa!!

Wasiir Guri barwaaqo oo u Muuqda Wasiirka Kowaad ee Ka dhaadhacaya Tareenka Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wuxuu eersanayo!!!

Waxaan Magaciisa iyo Muuqaalkiisa isku bartay 24-kii Bishii February ee Sanadkan 2018 Isagoo ka hadlaya go’aan isku shaandhayn ah oo uu ku Sameeyay Madaxda Waaxyaha iyo Qaybaha Wasaarada warfaafinta Somaliland ee uu ka yahay Wasiirka,hasa yeeshee waxaan is weydiiyay Sababta keliftay in agaasimihiisa maamulka iyo xisaabaadku uu ka garab hadlo Wasiirkiisa isla markaana uu isku sheego inuu yahay Wiil wanaagsan oo Shaqadiisa ka adag.

Waxaan maalintii xigtay daawaday xubno ka mid ah Agaasime-waaxeedyadii iyo madax qaybeedyadii xilka laga qaaday iyo tiro badan oo shaqaale ah oo Warbaahinta la hadlay waxay cadeeyeen in aanay diidanayn xil ka qaadistooda soona dhawaynayaan xubnaha la magacaabay hasa yeeshee waxay biniixiyeen in Wasiirka la hor dhigay go’aan aanu kelidii gaadhin iyagoo iftiimiyey in laba agaasime waaxeed,laba la taliye iyo hal madax qaybeed ay ka danbeeyeen isku shaandhayntan uu ku saxeexnaa Wasiir Guri barwaaqo.

Waxaan dib ugu laabtay hadalkii Wasiirka ee maalin ka hor uu siiyey Warbaahinta waxaa ii xaqiiqoowday in Wasiirku aanu go’aankan gaadhin kelidii balse ay jirtay cid dhexe oo hawshaas soo waday ‘’Waxaan ku shaqaynaynay Group ahaan laakiin go’aanka u danbeeya aniga ayaa gaadhay’’ ayuu Wasiirku yidhi.

‘’Mudane Wasiir iyo Wasiir ku xigeen may ahayn afar xubnood oo ka mid ah dadkii aad bedeli lahayd ay shaqaalahaagii oo dhan bedelaan, May ahayn intay huteel ku shiraan ay warqad kuu soo qoraan oo aad saxeexdo, iyagoo ku Saleeyay Liiskooda inay yidhaahdeen anigu kan ayaan abti u ahay ee iigu dar,Kan ilmaadeer ayaanu nahay kan habaryartay ayaa dhashay dad ayaa la soo dalacsiiyey dadna waa laga soo reebay waana isku shaandhayn qaar naga mid ahi sameeyeen taasina xaq iyo daw toona may ahayn’’.

‘’Wasiiradu (Wasiirka Warfaafinta & Wasiir ku Xigeenkiisa) kolkii ay xaqiiqo raadinta ku jireen waxay noqotay kuwii loogu horaysiin lahaa ee wax kharibay inay iyagu hogaankii qabteen oo ay maroorsadeen taladii,waayo waxay balanqaadeen Wasiiiradu inay Wax saxayaan, sixiduna waxay ahayd in halka ay ka xun tahay ay ka bilaabaan, waayo qof qof lagu bedelo macno ma samaynayso hadii aan la sixin halka laga cabanayay,Waxaa ku Jira Wasaaradda warfaafinta dad Virus ah oo Wasiirku magacaabo hadana cunaha isaga duuba’’ sidaas waxa ku dooday shaqaalihii shirka jaraa’id qabtay.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Maxamed Muuse Abees ayaa ka marag furay dhaliishii ay Xubnahan Weriyeyaasha ahi u soo jeediyeen xubno ay sheegeen inay midi roorteeyeen isku shaandhayntii uu soo saaray Wasiirka Warfaafintu waxaanu si ka baxsan anshaxa dawladeed u sheegay in Telefishanka qaranka Somaliland ay karaamo dhaanto Teendhadii Balli gubadle ee xiligii SNM-ta ee ahayd xaruntii Warbaahineed ee Ururkaasi isagoo ka sheekeeyey arrimo maamul oo sir ah kuwaas oo aan ku qurux badnayn in Warbaahinta laga sheego, Sidoo kale Wuxuu hadalkani ka hor imanayay awaamiirtii Madaxweyne Muuse Biixi uu faray Xubnaha Golihiisa wasiirada ee Ku saabsanayd Ilaalinta Sirta Shaqada qaranka,Mudane Maxamed Muuse Abees waxa uu hoosta ka xariiqay in isaga iyo wasiirku markii ay kulamo la qaateen madaxda waaxyaha warfaafinta Wixii ay u sheegeen iyo Wixii ay indhahooda ku soo arkeen ay is waafaqeen Isagoo intaas ku daray in Wasaaradda Warfaafintu ay tahay Meel baa’ba ah isagoo cadeeyay in hagrasho maamul jirtay hadana waxa uu hadalkiisa ku ladhay in aanay Jirin Cid ay Xil ka qaadeen iyo cid ay eryeen toona,xiliga uu Wasiir ku xigeenku hadalka jeediyey waxaa saacad kadib soo baxay go’aan uu ku saxeexan yahay Wasiir Guri barwaaqo kuna sheegay in la anshax mariyey 24 shaqaale ah oo Warbaahinta la hadlay,Waxaa isu kay qaadan waayay hadalka wasiir ku xigeenka iyo go’aanka Wasiirku siday isu qaadanayaan amase in aanay is ogayn.

Mar kale Waxa uu Wasiirku sheegay in isaga iyo Wasiir ku xigeenkiisa markii ay qiimaynayeen xaalada wasaarada ay u soo baxday dhaliilo dhanka maamulka ah oo in la saxo u baahan si loo soo celiyo hab raaca maamul ee dawliga ah waxaan hadana isweydiiyey xubnahan uu xilalka ka qaaday ma yihiin kuwo hawlaha maamul dhinac ka soo gala waxaa ii soo baxday inay iyagu ahaayeen farsamo yaqaano aan wax ka ogayn jaangooynta hawlaha maamulka iyo dhaqaalaha labadaba.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo ilo wasaaradaasi u dhuun daloolaa ii sheegeen inuu Wasiir Guri barwaaqo geliyey jahawareerka la soo dersay ayaa u baqoolay dhanka wadamada carabta midkood halkaas oo uu ku maqan yahay.

Hadii xaal halkaa marayo Waxaa shaashadaha warbaahinta ka soo Muuqday Buug uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland C.raxmaan Guri barwaaqo oo uu ku magacaabay Sooyaal,kaas oo uu ku soo uruuriyey Suugaan Tiro badan oo ay abwaano Soomaaliyeed is dhaafsadeen, buugan wasiirka waxaa ku Jira gabayo xad gudub ku ah sharafta iyo milgaha hablaha soomaalida oo si laf jab ah uu wasiir guri barwaaqo ugu qoray kaas oo falcelintii ka dhalatay ay taabatay Hablaha beelweynta Ciidagale oo si adag u qoonsaday Tuducyo gabay dheeg ah oo uu ka soo min guuriyey Gabay uu tiriyey alle ha u naxariistee Gabyaagii Caan baxay ee Xaaji Guuleed Xirsi Obsiiye dhoola yare,kaas oo uu weliba ku sheegay in abwaankii Tiriyey gabaygani uu ka dhaartay kana xila furay, waxaa Qadiyada buugan gole keenay Macalin Maxamed Bedel.

Inkasta oo ay jiraan gabayo ay suugaan yahanada soomaalidu ku aflagaadeeyeen Dumarka hadana may noqon kuwo tisqaada maadaama oo aan la gelin dhaxalka buugaagta oo facba faca kale u sii gudbiyo sida ka haatan ee Sooyaal ee Wasiir C.raxmaan Guri barwaaqo.

Hablihii Aflagaadada buuga loogu qoray ka gilgishay ayaa Fariin u diray Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ka dalbadeen inuu xasaanada ka qaado Wasiir guri barwaaqo sidoo kalena Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa kulan la qaatay Wasiirka gabood falka laga tirsanayo.

Hadaba hal xidhaalaha Siyaasadeed ee Maanta hor yaala Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ah sida uu uga go’aan qaato ceebaha dul hoganaya Wasiirkiisa Warfaafinta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maadaama mudadii sadexda bilood iyo dheeraadka ah ee ay xilka Wasaaradaasi hayeen ay u muuqdaan kuwo ku fashilmay Waajibaadkii qaran ee loo Igmaday,amuurtanina ay weji gabax ku tahay haybada dawladnimo, Sidoo kalena waa in Agaasinka maamulka ee warfaafinta laga dhigaa qof mas’uula oo isku wadi kara shaqaalaha tirada badan ee xayndaabka wasaaradaasi ku sugan.

Falanqayntii Weriye Mahdi muxumed Cumar ‘’Ilkacase’’ uk London.

Advertisement

Ku Xayeysiiso