Shacbigu way ka daaleen xil madhan xafiis madhan waxqabad la’aan horumar la’aan

Shacbigu way ka daaleen xil madhan xafiis madhan waxqabad la an horumar la an cadaalad xumo qabiil been iyo musuqmaasaq baahsan oo aan lahayn la xisaabtan ciida iyo dadkuba way idin soo tufeen ee na dhaafa oo codkii shacbigu wuu idinku khasaaray ilaahayna wuu idinka dambeeya

Tani waa daalkii iyo juhdigii ku khasaaray doorashadii golaha deegankii u dambaysay eeg niyada iyo farxada ay u taagan yahiin hooyoyinka raadinaya dadka wakiil ah oo wanaagsan
Waxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada golaha deeganka caasimada hargeisa ay bulshadu ka rabtay in ay ku raadiso isbadal maamul wanaagsan iyo wakiilo wax ka qabta baahiyaadkooda sida bilicda qurxinta iyo nadaafada caasimada daryeelka caafimaadka iyo wax barashada waxay ahayd maalmo kulul oo ay kaga qayb qaadanayaan oololaha doorashada iyo codbixinta waxa laga soo tagay daryeelkii qoyska ee hooyoyinka caamada hoyada xaamilada umulaha oo ka daacad ahaa aaminadii iyo rumayntii balan qaadkii musharaxiinta waqtiga ololahooda doorashada in ay wax ka qabanayaan rabitaanka shacbiga ku nool caasimada hargeisa

Waxa laga jooga hal doorasho oo goole deegan oo lagu sabootiyey golahii deegankii u horeeyey oo u badnaa rag masuuliyin ah oo ku sifoobay in ay ka dhabeeyen himiladoodii iyo balan qaadkii doorashada ay dib ugu celiyeen najiido dadwaynahii soo doortay najiido wax qabad oo aan la xaqiri karay sida wadooyinka ku dul wareega caasimada hargeisa ka qayb qaadashada nadaafada caasimada iyo wareejinta qashinka oo lagu wareejiyey shirkada private secters etc
Waxa kale oo aan la ilaawi karayn golaha deeganka ugu horeeyey oo lahaa han damac siyaasadeed iyagoo isku dayey in doortan moyar iyo ku xigeen si ay u dardar galiyaan masuuliyada iyo himiladooda wax qabad eek u wajahan caasimada halka ay ku heeshiyeen golahan deeganka iyo moyar sotelco in aan la iska hor iman dhexdooda kuna midooban dhiig miirasho hanta lunsi dhul boob cadaalad xumo qiimayn la an kuraas madhan buuxso ana I eeg

Taas waxay ku yeelatay niyad jab xoogan qanac ay dib shacbigu uga istaagan doorashadii madaxtooyada dalka ka qabsoontay oo diwaan galintii iyo qaadashadii kaadhadhka cod bixinta oo shacbiga ku dhaqan magaaloyinka dalku ay dib uga istaagen

Ogow golayaasha deeganka daku waxay ka soo bixi jireen qoysaska maalqabeenka gobolada dalka oo ahaa dad la yaqaano dhisantahay heerkooda waxbarasho

Waxa is waydiin u baahan la xisaabtan la anta ka jirta dawlada dalka ka talisa iyo fadeexada daafaha u sudhan
Moyarka iyo golehisa deeganka iyo sida u wajiib tahay in ay iscasilaan mudada ka hadhay sanadkan 17 march ka hor 2019 00 ku eg waqtiga doorashada golaha deegaanka ee qabsoomi doonta hadii alah uu idmo

Fariin shacbiga ku nool caasimadaha dalka waxaan leeyahay ogaada codkiina ilaahay wuu idin waydiinayaa ee ka fiirsada cida aad siinaysan codka ha ku bixinina codkiina caadifad qabiil ku taamilo qaata aragtida iyo fool xumada caasimada hargeisa ay ku sugantahay

Fayo-dhawre madax bannaan la soco
buux2010@gmail.com
0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso