Muusoow waad degdegteen. Mubaarak Mohamed Nur

Raasiga berberi waa qalibiga reer waqooyiga’e

Kol hadaad Kismaayo u rartaan reerku kala guurye.

                                                   Ismaaciil Xaleef (AHUN)

 

Muusoow waad degdegtay, muusoow waad degdegtay, madaxweyne malaa halkaa kumay jiray, maxaynu dhaafsanay ma aragnee, Abwaan baa laga hayey, 

Maantana magaaladu ka weyn maro ku qaadkiiye
Lacagtaan maqdarad geynayee, magac ku doonaayo

Alla magane maan hooyaday, maro u soo siiyo.​

Heshiiskaa weli kumaan qancin, waxaynu dhaafsanayna ma arag. Somaliland deked iyo madaar bay lahayd, cid danbe oo wax kugu falaysaa ma jirto haddaad labadii wareejisay, wareejintaasi wax ka yar Citiraaf inay keento may ahayn.  

Xiniinyo laysma dhibaadshee waxay ahayd, wax cad oo ina qanciya inaynu helno, baasaboor baa elektoroonig laga soo dhigayaa, waa sheekooyinkii hore ee aan waxba ka rumoobi jirin.  Haddii Dekeda iyo madaarka lagaala wareego oo ciidan xabashi ah oo u illaaliya la keeno, cidina kuuma baahna ee tallo kale ayaa la inooga baahan yahay.

Bal dhuux suugaanta illaahay ha u naxariistee, Cabdillaahi Qarshe arintan kaga hadlayo oo aad moodo inay taagan tahay.

 

Dhegayso

Dhibaad xinniinyahaaga
Ileen looma dhiibee,
Gobtii an dhiidhiyaynin

Ceeb ka dhawrsam maysee

Dhalashadiyo diintaba

Naftaa lagu dhoweeyaa

Nina dharaartii loo qoray

Koley dhaafi maayee.

 

Dhulwaynaha maanta

Ninkii u dhinta maanta

Waxaa dhaba waxaa dhaba

Janno inu dhex galaa.

 

Talladu meesha ay ka cayn iyo beyd go’day ee ay inaga hoostay garan maayo. Wax kale maahe ma nidhaahnaa, sheekadii xikmada badnayd ee ay ku baxday.

Suldaankii oo tuman dheh

Wiilkii oo tegay dheh

Tallo naagood dheh.        

 

 

Waxaa shaki la’aan ah heshiiskaa xabashidu ku jirtaa, inaynu wiilka wiilkiisa qoomamayn doono, oo ay noqon doonto tii ka dhacday Hawd iyo reserv area oo kale.

Mubarak qoorubaxay
Sweden.

Advertisement

Ku Xayeysiiso