Mundane Madaxweyne : 19 Maalmood baa kaaga hadhay Balanqaadkaagii 120- ka cisho Ahaa

                              
Toddobaadkan ayaa waxaa Boqol-maalmood ay ka soo wareegtay. markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu taladda dalka qabtay. isla-markaana  xilka loo dhaariyey 13kii Bishii December ee sanadkii laga soo gudbay, kaasi oo durba Baarka ka jaray ama xafiiskaba joogay muddo 101 cisho ah. 

Madaxweyne Md. Muuse Biixi markii u horeysay ee uu ka hadlay bandhigida Barnaanijkiisa . ayaa ahayd  Bishii ugu horeysay ( Jan 2018 ) iyo kulankiisii Golaha Wasiirradda,  kaasi oo ay Erayada khudbadiisa ka mid ahayeen,  In Barnaamijka Xisbiga Kulmiye iyo Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka  ( Somaliland National Plan2 ), lagu diyaarinaayo 120-ka ( Boqol iyo labaatan Cisho ) ee ugu Horreeya Xukumadiisa.
Hadaba wakhtigu wuu is gurayaaye, 120-kii maalmood ama Afar-Bilood ee Madaxweynuhu qabsaday , waxaa durba sida hilaaca inoo jiidhay 101 maalmood, waxaana muddadaas ka hadhay 19 cisho oo keliya.

Iyaddoo Madaxweynuhu  mudaddii sadexdii bilood ee ugu horeysay ee uu ummadda u adeegi lahaa , ku jirey xaalad dhammeystir la’aana gaar ahaana dhinaca magacaabida xukumadiisa ama kuba keentay bilahaasi ugu horeeyey qabyo badan. taasi oo dadka salka fududi ay xawliga ay ka rabeen ee dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse ku tilmaameen mid u unkameysay si  aan dhameystir lahayn oo  uu maalinba qayb qalinka Madaxweynuhu  ku duugaayey. Halka kuwa kale ay aaminsanaayeen inuu Madaxweynuhu si weyn uga baaraan-degaayey tayadda iyo nooca Masuuliyiinta uu dhiibayo xilalka Qaranka Somaliland.

Si kasta ha ahatee. Madaxweyne Muuse Biixi
: waxaa halbeeg u ahaa hogaamintiisa sida uu u kala hagaayo Baahiyaha guud ee dalka jira iyo kuwo kale oo miiska u saarnaaba.  Waxaasi oo dhan indhaha ayaa lagu hayaa Afarta Bilood ama 120-Cisho ee ugu horeeya ee uu qabsaday . gaar ahaana talaabooyinka uu qaadi doono ee dhinaca nolosha Bulshadda taabanaaya ama waxa uu ka bedeli karo ama sida ay maanta weli tahay. Siiba mushkiladda dhinaca Sicir-bararka oo ah xaalad ay Bulshaddu mudaddii ugu danbeysay la noolayd. Taasi oo ay tahay.  in la helo sidii boogtaasi loo dhayi lahaa oo weli Bulshadda wadne qabad ku ah.

Sidaan ka war qabno madaxdu marka ay xilka raadinayso waxay sameeyaan Balan-qaadyo faro-badan oo qaarkoodna ay ku darsadaan qorshayaasha mustaqbalka Qaran iyo kuwo ay deg-deg u fuliyaan, halka qaarna ay ka tahay oo keliya in codad ku kasbadaan. 

Waxaan ku soo gunaanadayaa in shacabka Somaliland ay weli ka dhursugayaan tallaabooyinka noloshoodda taabanaya ee xukuumaddu qaado  19-ka maalmood ee foodda innagu soo haya iyo mudadda ay xukuumaddu qabsatay ee ( Soo bandhigidda Wax-qabadkeedda 120-ka cisho ) oo lagu xaqiijin karo kartideedda, dedaalkeedda iyo Iiinteedaba.

taasi oo noqonaysa mid taabanaysa dareenka shacabka ama taageero u kordhin karta Madaxweynaha ama uu lumin doono iimaankii Bulshaddii u heellanayd Taageeradiisana wax ku kordhinta ama wax iska bedeli karta.
Hadaba 120-ka Cisho mudadaa ka-dib maxey yihiin waxyaabaha u qabsoomay Dowladda?, Maxeyse ka gaabisay tollow ?, Mise jiraan qaladaad ay gashay iyo caqabado ka hor yimid muddadaaasi? dhamaan Su.aalahaa ayaa ka mid noqon kara :

Kuwa lays-isweydiin karo. 120-Cisho ka-dib oo aan mid mid u soo qaadan-doono.

Ugu danbeyntii: Madaxweynaha Md Muuse Biixi Cabdi : Waxaan u rajaynayaa Guul iyo in uu ka soo dhalaalo Balan-qaadkiisa . intaan u suurta-gelin Boqolka maalmood ee la soo dhaafay.

Adan Yusuf Elmi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso