Madaxbanaani (da), Aqoonsi raadis (ka) iyo Maalgashi (ga) somaliland. QAYBTII 2AAD:


Madaxbanaani(da), Aqoonsi raadis(ka) iyo Maalgashi(ga) somaliland.

QAYBTII 2AAD:

AQOONSI /IN LAGARTO JIRITAANKAAGA DOWLADNIMO.

(Recognition/Acknowledgement of Your Existence).

Waa mawduucii aan ku qiimaynaayey somaliland iyo madaxbanaanida halkay kala joogaan, somaliland iyo aqoonsi raadiska halkay kala joogaan , maalgashi iyo somaliland halkay kala joogaan .

Macnaha sida aan looga shaqayn arimahaas ee loo dhinac maray , laguna mashquulsanyahay in bulshada la kala Fogeeyo, halkii howlahan si wada jira looga shaqayn lahaa, lana keeni lahaa mustaqbal ummadu ku noolaato.

Hore waxaynu usoo qeexnay intii la socotay ,Somaliland iyo Madaxbanaanida halkay kala taaganyihiin ,marka layska dhaafo theoryga laga akhriyo Somaliland ee ay akhriyaan dadka danaha gaarka ah leh ee bulshada marin habaabiyaa.

( Markaad ogaato macnaha “Madaxbanaani” sifooyinka laga rabo cida rabta inay madaxbanaanaato, ee hadana aad Somaliland is dultaagto , waxaad ogaanaysaa halka ay somaliland ka taagantahay masuuliyad umadeed , mid bani’aadamnimo).

  Mowduuca qaybtiisa labaad waxaynu ku eegi doonaa, “Somaliland” iyo “Aqoonsiga” iyaguna halkay kala joogaan .

Aqoonsiga sidaynu ognahay waa halbeeg siyaasadeed oo xambaarsan aaminaad iyo qiritaan ,la qirayo awooda bulshada la aqoon sanaayo , masuuliyadeeda, jiritaankeeda iyo inay u qalanto in bulshooyinku wax ku darsan karaan , wax la wadaagi karaan , iyo dhanka kale oo la aqoonsanayo, laguna qancayo xooga dhaqaale , midka dhuleed iyo midka bulshaba , aduunka inay wax ku soo kordhinayaan .

Mabaad’iida Aqoonsiga (Principles OF Recognition) ee dowladaha ama bulshooyinka isku filnaaday ee dal ka go’aaya /iskood isu taagaaya ,waxaa sal looga dhigaa :

·   In bulshadaasi /dalkaasi caalamka wax kusoo kordhin karto

·   Inay bulshadaasi/dowladaasi tahay mid masuuliyad muujin karta haday tahay xaga dadkeeda , dalkeeda , iyo haday tahay dhanka ,jaarkeeda ,gobolka ay ku taaloba, iyo guud ahaan caalamka .

“Recognition is the act of accepting the political existence of a government/nation, truth, or importance of that nations, acknowledging their contributions politically and economically to the international Community”.

“Diplomatic recognition is formal acknowledgement by a country that another political entity fulfils the conditions of statehood and is eligible to be dealt with as a member of the international community.’’

(Fulfils the conditions of statehood means, when all the characteristics of sovereignty are fulfilled as I explained earlier in my previous topic of sovereignty).

Macnayaasha guud ee aqoonsi , waxay kusoo ururaysaa , in la aqoonsado wadan ama dad/bulsho meel ku dhaqan oo buuxisay shuruudihii dowladnimo , macnaha muujisay masuuliyad dhamaystiran ,una qalanta in loola xidhiidho wadan ahaan, waxna lagu darsankaro ,iskuna filantahay.

Akhriste markaynu ka nimaadno ,faaladaas yar ee guud , waxaan jecelahay inaan raadino habka lagu helo aqoonsigacaalamiga ah ee dowladnimo, inagoo eegayna ,bal dowladaha raadiyey ee ku guulaystay hanaanka ay u mareen iyo sida aduuku u dhigay in aqoonsi lagu bixiyo, ka dibna aynu eegno Somaliland ,aqoonsi raadiskeeda iyo hababka ay raacday ilaa hadana ku taagantahay.

Sababta aan usoo xulay mowduuca :

——————–‘

Maadaana aynu wadan Somaliland la yidhaa nahay , aqoonsina aduunka uga baahanahay , waxa lagama maarmaan ah inay daraasayno hadaba waxa aynu rabno, si fahamkeedu inoogu fududaado.

Jidadka loo maro aqoonsiga sideedaba waxa laysla waafaqsanyahay inta badan in lagu helo Afar (4) howlood oo la qabto :

1.   Dhanka Maamulka iyo Maaraynta : ( Interms of Administration and social Affairs);

In la muujiyo masuuliyad gudaha ah (Internal Responsibil[ity /Internal Policy), oo ah in la muujiyo la buuxiyo dhamaan sifooyinkii madaxbanaanida ee mowduucaygii hore . arimaha dalka oo la qurxiyo ,sida amniga dalka , xoriyatul qowlka ,xoriyada saxaafada , garsoorka ,wax wada la haanshaha , is dhexgalka bulshada , dareenka bulshada oo dhan u wada socda , hanaanka suuqa xorta ah ,jaar wanaaga, tixgalinta qawaaniinta dowliga ah ,waxbarashada ,caafimaadka , dhaqaalaha , maamulwanaag dhamaystiran iyo hufnaan la muujiyo IWM waxaasoo dhami ,hadii la hagaajiyo waxay caalamka u dirayaan inay bulshadaasimadaxbanaanaan karo , hadii ay madaxbanaanaan kartana, dee waaba in la aqoonsadaa , ( Maintaining the internal policy of the country),

2.   Dhanka Ahmiyada Dalku Leeyahay ; (The potentiality of the Country),

Marka aad raadinayso onaad aqoonsi ka hesho bulshada caalamka ,waa In la daraaseeyo , la qeexo ,la qoro ahmiyada dalku leeyahay , haday tahay dhanka ganacsiga , haday tahay dhanka khayraadka bad iyo bariba , haday tahay dhanka siyaasada , haday tahay dhanka mujtamaca iyo halabuurkooda , haday tahay xuduudihiisa bad iyo bariba , jaararkiisa , taariikhdiiisa ,ilihiisa dhaqaale, Iwm, ( Teaching The National Profile of the country to the international Communities), halkaas hadaan sii dul istaago , waa halka ay ka dhalanayso ,ama laga dhalinkaro , ama aduunkuba ka arki karo masaalixdiisa , iyo inaad hesho saaxiibtinimo kuu fududaysa waxaad rabto , marka la arko ahmiyada dalkaagu leeyahay . waayo aduunka maanta laba shay ayuu ku dagaalamayaa sidan hoose :

a)   KHAYRAAD. ( RESOURCE )

b)   SUUQ ( MARKET /CONSUMERS ),

Qodobkaas 2aad waxa uu sharaxayaa ,baratankaa aduunka halka aad ka galayso iyo waxa aad hayso ee aad ku darsan karto, tusaale Somaliland ; inagu suuq ma hayno oo dad yar ayaynu nahay dal ahaan , laakiin waxa laga yaabaa inaynu khayraadkeenu aad u wacanyahay.

Qodobkani waxa uu kaalin weyn ka ciyaarayaa fududaynayaa in dalkaaga la barto, dadkaaga la barto , khayraadkaaga la barto , ammiyadaada la garan karo halkaas waxa ka abuurmaaya , waxa alaale waxii siyaasad la xidhiidha ee ah , in la abuuro masaalix laba geesood ah , wax alaale waxii danayn ah , kala jiidasho, diplomaasiyeed ,( Creation of interest /political lobbying /Mutual Understanding between gevernt. To govert. Based on interest etc.).

3.   Dhanka Qaanuunka : (Legality );

Marka aad raadinayso aqoonsi inaad dunida ka hesho , waxa tiir u ah siyaasada aqoonsiga lagu raadinaayo Qaanuun aad raacayso , waa ina la daraasadeeyo , la fahmo dhamaan wax alaale waxii qaanuun ah ee ku saabsan , madaxbanaani , aqoonsi ee caalamka jira , haday tahay shuruucda iyo heshiisyada caalimiga ah ee xuduudaha , QM, AU,EURO ,Arab league , MUSLIM NATIONS , SAARC IWM

Wax alaale waxii qaanuun ah ee ka hadlaaya aqoonsi , masuuliyado iyo shuuradaha ay qawaaniintaasi dajinayso waa in la fahmaa , la daraaseeyaa , qawaaniintaas iyo waxay sheegayso iyo waxa adiga dalkaaga ka jira lays barbar dhigaa , si aad uga hor tagto wax kasta oo cilad ah , oo cilad sharci ah oo lagugu doo saari karo, oo wiiqi karaqadiyadaada , una ogaatid halka aad ka taagantahay shuruucda caalamka inaad waafaqsantahay dhan kasta iyo in waxaa kaa dhimanyihiin.

Qodobkaas 3aad waxa uu fududaynayaa , inaad is fahamto halka aad taagantahay , intaanad caalamka hor tagin , waji gabaxna kala kulmin, waxa uu kuu fududaynayaa inaad waxii kaa dhiman hagaajisato ee sharciyad iyo qanuun kugu soo reebi karo.

(Comparing your Actual performance /Country performance with the International laws of Sovereignty, Responsibilities and Protection measures.).

4.   Hay’ad /shaqaalihii ka shaqayn lahaa waxaas oo dhan : ( Assignment of Duties).

Marka aqoonsi la raadinaayo ,sidoo kale waxa muhiim ah in helo:

  I.   Dadkii raadin lahaa ( professional staff)

  II.   Dhaqaalihii lagu raadin lahaa ( budget)

  III.   Shaqaale waqtiyeysan oo lala xisaabtami karo ( Accountable to the constitutional institutions),

  IV.   Xaruntoodii ay ka duulayeen (Headquarter offices), iyo waxii la halmaala.

Waxa intaas dheer in aqoonsi lagu raadiyo ama lagu helo, masaaliix /ama qaab la rabo in wadan loo daciifiyo , awoodiisana loo furfuro wadankaas oo loo arko inuu halis ku noqon karo gobolka haduu isa sii haysto, waa farsamooyinka lagu gooyey oo kale south sudan oo kale , waayo wax masuuliyad ah oo ay muujiyeen ma jiraan , oo markaad eegto maba aha dad u bisil inay gudan karaanwaajibaad caalamiya , laakiin dano kale ayaa loo gooyey iyadoo qanuunka la waafajinaayo.

Waan soo koob koobayaa , waanan guud marayaa ,Waxaan odhan karaa 4 taas qodob ee waawayn ayaa sal u ah siyaasad kasta oo arimo dabadeed wadan aqoonsi raadinaaya ( The four pillars of foreign policies of all unrecognized states around the word). Tiirarkaas waxaa laaracay wadamo badan , kuna guulaystay waxana ka mid ahaa , Eretria, East Timor, Kosovo, qaarna haday kutaaganyihiin gobonimo doon ahi oo ka tirsan yurubta bari , midle east sida kurdiyiinta iwm.  

U kaalay dalkayga/dalkeena Somaliland, waxaynu aqoonsi raadinaynay laga soo bilaabo 1991-ilaa waqtigan aynu joogno, waa muddo laga joogo 27 sano, ilaa maanta waxaan isleeyahay , hanaankii lagu heli lahaa aqoonsi ee bulshada caalamka lagaga mid noqon lahaa , wadadeedii lama marin , lagamana shaqayn , dowladnimada Somalilandna run kuma dhisna, ee beenbay ku dhisantahay , waayo dowladnimadu waxay ku wacantahay in mustamaca run lagu hogaamiyo.

Waxa kuu cadaynaysa inaan laga shaqayn :

a)   27 sano bulshadu way cabanaysaa,

b)   Cadaalad daro ayaa laga sheegayaa Somaliland,

c)   Xoriyatul qawl kama jiro ,

d)   Dalka waxaa naafeeyey musuqmaasuq heer walba gaadhay ,madax iyo mijoba ,

e)   Waxaa jirta cadaalad daro maamul ,iyo mid siyaasadeedba ,

f)   Hanaanka doorashooyinka ama siyaasada wadanku ilaa hada ma degena ,

g)   Sixir barar ,biyo la’aan ,

h)   Dhaqaalaha wadanka soo gala, ama gudo haka soo galo ama debede, iyo dhamaan manaafacaadka dowliga ah , bulshada lagama simin, oo bulshadii walaalaha ahayd guuxbaa lagu dhex beeray, si loo colaysiiyo , oo quluubtooda dhan uma wada jeedo , way qaybsantahay .

Taasay ahayd masuuliyadiii loo baahnaa in la fuliyo oo laga shaqeeyo , laakiin Somaliland kuma guulaysan inay wadankeeda iyo bulshadeeda kala dabaalato sawirkaas foosha xun.

Sidaas daraadeed ;

Waxaa kuu cadaanaysa in Somaliland ay ku fashilantay inay dhisto hanaan aduunku aqoonsankaro ,oo ka soo bixi kara waajibaadka bulshadiisa , ta gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Musuqmaasuq , iyo cadaaladdaro isa saaran aduunu ma aqoonsado ,

Dowlad xumo ku dhisan qoqob iyo kala fogayn aduunku ma aqoonsankaro ,

Waxa cad in siyaasada Somaliland ee arimaha debeda ay fadhiid tahay marka loo eego qaabka ay u shaqayso iyo waxa ay ka hadasho.

Wasaarada arimaha debeda waxay ku mashquulsanayd 7dii sano ee u danbeeyey , hanaan dilaalnimo , ay dilaalayso halbowlayaasha dalka , sida dekeda , shirkado kale oo aan la garanahayn waxa loo samaystay ,saldhigada iyadoo u adeegaysa dano dowlado kale ,dalkan kusoo hagaaminaysay budhcad la huwiyey magaca maalgalinye ama maalgashi .

gabo gabo:

Mar hadii Somaliland hanaankeeda dowladnimo aanu fadhiyin,

Mar hadii ay Somaliland ka jirto musuqmaasuq baahsan,

Cadaalad daro iyo sicir barar aan xal lahayn ,

Kala qaybsanaan bulsho , dareen ahaan iyo siyaasad ahaanba ,

Mar hadaanay jirin siyaasad arima dabeed oo leh tiirar ad adag iyo la xisaabtan ,

Mar hadii dadka waxa loo sheegaa uun been tahay ,

Mar hadii bulshada qaybo kala duwani canayaan , gaar ahaan hareeraha Somaliland

Mar hadaanay hanaanka siyaasadeed ee dalku degenayn ,

Mar hadii waxii la wada lahaa ,in gaari ku danaysato , iyo inta hadba xukunka joogta ,inta la danta ah , ee aanay jirin dan caam ah oola wada ilaashanaayo,

Somaliland way ku fashilantay inay muujiso masuuliyad umadeed , shuruudihii lagu aqoonsan lahaana kamay soo bixin , waanay adkaanaysaa inay hesho intay sidaas tahay.

Lasoco qaybta ugu danbaysa oo aan ku soo qaadan doono Maalgalin.

  SOmaliland waxa ka socdaa ma maalgalinbaa mise waa wax kale………….

Abdirashid Hussein Yusuf,

Email :gahaydhle@live.com,

Doha, Qatar .

Get Outlook for Android

Advertisement

Ku Xayeysiiso