Donald Trump oo Eryey La Taliyihiisii Amniga Qaranka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah shaqada uga eryay mid kamida tiirarka ugu awoodda badan maamulkiisa. 

Qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Trump ku sheegay in uu ku casilay lataliyihii amniga qaranka Mareykanka ninka lagu magacaabo Herbert McMaster kana mid ahaa xisbiga Jamhuuriga.

Sarkaalka la eryay ayaa xilka qaadistiisu waxay aheyd mid lama filaan ah waxaana lagu bedelay John Bolton, oo kamid ahaa saraakiishii lasoo shaqeysay Maamulkii G.W.Bush.

Warbaahinta mareykanka ayaa sheegtay in eryidda Herbert McMaster ay dhabar jab weyn ku tahay siyaasadda lagu maamulo aqalka cad.

Lataliyaha cusub ee amniga qaranka Mareykanka ayaa horay usoo noqday safiirka washington u fadhiya xarunta Qaramada midoobey sidoo kale wuxuu kamid ahaa ragii ugu cadcadaa dhanka diblumaasiyadda xilligii G.W Buush.

Isbuuci lasoo dhaafay ayuu eryay Rakis Tillerson oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda xilli uu booqasho ku marayay qaar kamid ah wadamada dhaca qaaradda Afrika.

Eryidda Herbert McMaster ayaa ka dhigan lataliyihii 3-aad ee dhanka amniga ah ee Trump uu waayo, horay waxaa isku casilay laba lataliye oo uu ugu caansaa Maykal Filin oo ku lug lahaa fadeexad ah faragelinta dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashooyinkii madaxtinimada mareykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso