Xoola dhaqatada Deegaanada Somaliland Dawooyin Tayo Leh Ma u Helaan Xoolahooda

Marka Xanuuun ama Daryeel la’aan soo foodsarto?
Dadka reer Somaliland ee xooladhaqatada ah noloshooduna si toosa ugu tiirsantahay Manafacaadka xoolaha ay dhaqdaan kana helaan mahelaan daawooyin tayo fiican leh marka xoolohooda ay soo foodsaarto xanuun ama daryeel xomu?

su aashaas ayaynu jawaabteena xoogaa yara falanqayn doonaa

Wadanku wuu isku xidhanyay sida daawooyink laxidhiidha bila aadmka xanuunadooda loo dhaliilo ayay kuwana la meeqaam ahaan karaan
Doowooyink bila aadamku waxay noqdeen marka dhinac laga eego ganacsi waxaanaad ka dareemi kartaa meherada loo furtay ama Pharmasi hanoqoto ama goob kale oo adeeg ganaci daawayneeed hanoqdaane

Sikastooy ay ahaataba adeegyada caafimadka daku waa private aydadgaari maamushaan dawadiisa taasoo ay adagtahay si loomaamula marka la eego maamulkeena

Hadaba hadaynu kusoo laabano bulshadeena xoola dhaqatada ah waa kuwa wadanka ugu Saboolsan iyagoo duunyadoodu tahay lafdhabarteena dhaqale ee dalkeena hadaba bulshadan halkee ayay kahelaan daawo tayo leh?

Daawooyinka xooluhu maaha gaar suuqa sitoosa badanaa looga helo taasooo ay sababtay wasarada xanaanada xoolaha uu ufidisa adeeg daawayneeed oo bilaasha xoola dhaqatada kala duwan ee dalkeena,

Adeegaa dawladu waxay ku bixisaaa laceg adag oo loogu tala galay muwaadin kasta oo xoolo dhaqata ah si uu u helo daawooyin bilaasha oo tayo leh kaasoo ay uga masuul tahay waaxda caafimaadka xoolaha ee wasarda xanaanada xoolaha

Su aasha ciwaanka jawaabteenu wuuxuuu noqday Ruqo ninkii lahaa Dabada hayo makacdo, taas oo siday udhacday aynu kaga bogn doono qoraalkeena hoose.

Hadaba Aynu sifiican u eeegno waaxda caafimaadka xanaanada xoolaha Somaliland sida adeega daawada ay umaarayso inagoo marka hore wax ka oganayna waxda caafimadka xoolaha ee wasarada x.xoolaha

Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee W/X/X OOLAHA
Waaxdani waxay kakoobantahay qaybaha kala ah
1.Qaybta Daawada Iyo Talaalka
2.qaybtaMaamulida Tirakoobka xanuunada iyo Baadhitaankooda Caafimaad
3. Qaybta Caafimaadka guud ee Hiliba iyo Tayadiisa

Waaxdan waxa masuul ka ah Agaasimha Dr.Ahmed Haybe, waa qaybta qudha ee wasaarda shaqada ugu wayn kamasuula ama Agaasimaha koobsada guud ahaan kala wada shaqada wasaarada siyaabo wakhtigu sababay dartoood

Waaxdani Malaha shaqaale toosa oo oo Shaqo cayiman leh ama Lagala xisaabtamo waa waax uuukamid yahay shaqaale kasta oo ku abtirsada magaca wasaardda Waana sababta ay iskugu Huwatay iskuna huursatay,Maanta waxaynu Dul istaagi doonaa Qaybta Dawada lagu daweeyo xoolaha Masuuliyadeedana uu hayao AHmed
Qaybta Daawada iyo Talaalka

Wasaaradu waxay leedahay miisaaniyad kala duwan oo qaybkasta hoos timaada sanadkii dhamaaday waxa miisaaniyada ugu jiray lacag qadarkeedu dhanyahya oo qaybtan u gaara maaha waaxaha kale se waaqaytan daawada lacag dhan 2,671,844,000(Laba Bilyan lixboqol iyo koob iyo todobaatan malyan iyo sided boqol iyo affar iyo affartan kun oo shillinka somalilana) loona yaqaano Mashruuca daawaynta xoolaha oo sanadle ah taas oo loogutala galay Hawla laxidhiida daawooyinka cudurada iyo guno hawleedka dhakhaatiirta,lacagtaas iyada ah looma isticmaalin shaqo hawleedkii wasaarda waxay ku dhacdaa maamulka masuulka ka ah wasaaradan siiba waaxda Caafimaadka

Dhakhaatiirta wasaaradan kashaqeeya waa kuwa ugu Mushaharka yar wadanka laakiin miisaaniyad balaadhan ayay leeyihiin oo gunooyin ah ama habeen dhaxa se mahelaan waxayse qaataan mushaharka caadiga ah oo 900000 shilinka Somaliland ah

Waaxdan caafimaaka xooluhu waxay kaheshaa daawooyin tayo fiican leh Haayda FAO,EU ,AU-IBAR iyi haayada kale oo caalamiya
Waxa kamida daawooyinka Tayada leh ee kaliya wasarada X/X/ Xoolaha laga helo sida daawooyonika

a) Strepto Penicillin
b) Tylosine daawada sambabka
c) Nourquine daawada dhukaanka
d) Multivitamin
Iyo qaarkale oo badan oo laynoogu deeqo kanasoo baxa lagan keeno wadamada UK,USA,HOLLAND,FRANCE IYO GERMAY
Daawooyinkan maaha kuwo ay awoodaan Ganacsatadu ama dadwaynuhu qiimahooda oo qaaliya kaliya waxa laga helaa wasaarada xanaanada xoolaha siloo gaadhsiiyo xoolihii ubaahnaa se mamaraan halkii loogu talagay.

Daawooyinkan waxa sitoosa oo qarsoodi ah looga iibiyaaa ganacsatayaal kala duwan oo geeye meelo kala duwan sida koonfurta Somalia ooy kamidyihiin Magaalda Baladwayne,Gaalkacyo,kismaayo
Halka wadanka si qarsoodiya looga iibiyo ama lagahelo magaalooyinka Burco iyo Hargeisa
Daawooyinkaa Tayada leh waxa lagu sooo badashaa Qayb yar oo daawooyin raqiisa oo Iyaga badalkoodiiii loo eekaysiiyo wakhtigoodiina soo dhawaaday ama qaar ay dhaceenba

Kuwaas oo suuqa hargeisa dib loogasoo iibsado wasaaradana lakeeno daawooyinkaa waxa lagusameeyaaa lasoo badashay wadanada china iyo Hindia, waxaana lageeyaaa gobalada iyo dagmooyinka iyo tuuulooyinka wadanka Kuwaasoo lashaxaaday qaybintoodiii oo aynaa wax aqoona ulahay dadkeena xoola dhaqatada ah taasoo miisaaniyadiii loogu talagalay in daawooyin tayo leh lagu soo iibiyo iyo guno dhakhaatiireed Badalkeediii unoqotay waxlaleexsaday.

Waxa Hubaal ah in waaxdan Caafimaadku ay kamasuul tahay Tayada caafimaadka,Daryeela iyo taranka xoolaha se maamulkeeda hogaamiya Yahay Maamul dantiisa gaarka ah kahoraysiiiya Ta hawlaheedu quseeyaan

Shacabka Masaakiinta ah ee ay xoolahoodii kabaxeen Abbaaro soo noqnoqdaana ku habsadeen wuxuu xaalkoodiii marayaa Gudinyahay imaad Goyseen Hadaan Gobalkay ama daabkay kugu Jirin.
Qof bila aadmiyi wuukucafiyi karaa Hadaad Xaqiisa Cunto se Neef Alle uumay oo dawadiisiii aaad Cuntay/Xaraashtay ama mid dhacaysa aaad kumudid kuma saamaxaayo ama mid dhacdayba

Dr.Abdi Ali
Hargeisa Somaliland
Dabdi201@gmail.com
Hargeisa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso