cidda leh mas’uuliyada sixir bararka

sidaynu ogsoonahay waxaa dalka ka jira sixir barar saameeyay shacabkii danyarta ahaa iyo ganacsatadii canshuur bixiyaha ahayd

hadaba su’aalaha la is waydiinaya waxay tahay dalkan waxuu leeyahay dowlad, waxuuna leeyahay madaxwayne ay doorteen shacab, madaxwaynahana waxuu samaystay kaaliyayaal kala shaqeeya amanadii ay dadkan u dhiibteen laguna dhaariyay inuu si daacad ah u gudanayo

shacabkan waxuu isla dhex marayaa hadalo ah lacagtii uu dalkan lahaa way qiima beeshay waxaana u sabab ah lacagahan software ka ah ee ay shirkadaha samaysteen. Halka dadka qaar Iyana ay leeyihin dowladii dadkan iyo shirkadaha kala hagi lahayd ayaa Meesha ka maqan.

 

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan sameeyay baaris aad u balaaran kuna saabsan sida sixir bararka loola dagaalamo

 

Dal walba oo caalamka ku yaala dowladiisa waxay leedahay wax u gaar ah oo u ah hanti una dhiganta lacagta dalkaasi uu haysto 20%

Hadaba dalkan waxuu leeyahay oo hanti u ah xoolaha nool, xoolihi nolaa dowladii ka shaqayn lahayd kobcintooda iyo dhaqalayn tooda waxay garan la’ dahay hantida ay haysato inay yihin xoolaha nool, haday xoolahaasi ka shaqeeyan naaxintooda iyo iib gayntooda waxaa qiima yeelanaya lacagta dalkan uu leeyahay.

Hadaba waxaa inta ka sukeeya qorshe kale oo hadii lagu dhaqaaqo noqonaya xumad jabin ku saabsan sixir bararka.

 Dalkan waxuu leeyahay bangi dhexe kasoo aan garanayn shaqada uu dalka u hayo, bangi walba oo ay dowladi leedahay waxuu ilaaliyaa hantida umadiisa.

Dowlada Somaliland bangigeeda dhexe service xumadiisa waxaa ka aamin baxay wasaaradaha dakhliga soo gala sida caafimaadka. Waxbarashada, maaliyada, biyaha. Macdanta, xanaanad xoolaha, kaluumaysiga, degaanka, intaas aan soo sheegay iyo kuwa kaleba waxay isticmalaan bangiyada gaarka loo leeyahay.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha dalka usoo jeedinayaa inuu bangiga dhexe ku amro inay qabsadaan shaqada ay leeyihin oo ah inay awood u yeshaan inay kaantaroolaan bangiyada gaarka loo leeyahay wasaaradahana ku amraan inay bangiga lacagta dhigtaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso