BAROORTU ORGIGA KA WEYN (BUUGA SOOYAAL) Hiba Essa

Buug qoris, daabacaad iyo faafin intaba waynu naqaanaa oo inaguma cusba hadday noqdaan kuwo Soomaali ah iyo kuwo afaf kale ahba, amaba u nidaamsan si Heer Caalami ah (International Book Standards) iyo kuwa aan u nidaamsanaynba. In badan ayeynu aragnaa, maqalnaa bandhigyo lagu furayo buugaag kala duduwan waliba 8 sanno ee u danbeeyay aad bay u soo kobcayeen buugaagta lagu qoro Afka Soomaaligu in kasta oo aanu jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyay tirada buugta ee Afka Soomaliga ku soo baxa sanad walba.

Buugaagta, Maqaalada , filimada, gabayada iyo aragtiyahaba (Art theories) intaba waa la naqdiyaa, naqdintu  afka ingiriisida waxay ku  noqonaya (Criticizing)  oo ah in la sheego god-daloolooyinka uu buugaa, Maqaalkaa, filinkaa ama aragtidaasi leedahay. Taasi oo dad u hagarbaxay cilmina u leh arrintaasi ay u tafaxaytaan iyaga oo waliba si cilmiyaysan u qeexaya sababaha ay u aanaynayaan inuu dheeli iyo qalad kaga jirto.

Aan hoos u daadago. Labadii toddobaad ee u danbeeyay waxa in badan soo noqnoqonayay in la canbaraanayey buuga Sooyaal oo ka waramaya taariikhdii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo sida aan filayo Soomalida aad looga  dhex garanayo sharaxaad badana aan u baahneyn, buugaas oo uu qoray Cabdiraxamaan Cabdillahi Faarax (Guribarwaaqo) oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyi galinta & Daqanka. Buugaasi waxa lasoo bandhigay oo bulshada si rasmiyana loosoo gaadhsiiyay dabayaaqadii sanadkii 2012 oo hada laga joogo ku dhawaad lix sanno.

Buugaagtu way kala duwan yihiin balse aynu dul istaagno buugta taariikhda ka waramaya ama soo tabinaya wax hore u dhacey. Buugtaas sida magacoodaba laga dheehan karo waa taariikh iyo wax tagey. Wax la saadaalinyo, wax la sawirayona maaha waa xaqiiq dhacdey in sideeda loosoo tabiyona ay tahey. Garo,oo lama odhan inta xuna ka taga inta sanna soo gudbiya balse waa taariikhdii ama Sooyaalkii uunbaa lagu soo koobayaa ama ha tabnaado ama ha tognaado,e. qofka soo gudbinaya habkuu doonaba haw soo gudbiyee (Qoraal, Hadal, Muuqaal & IWM) waxa la gudboon inuu aad usoo hubiyo saxnaanta waxa uu umadda dhex keenayo, wixii khalad ah ee ka yimaadana isaga/iyada ayaa u qoolan.

Buugaag badan ayaa laga qorey Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, buug kaliya oo dhamaystiray Sooyaalkiisii ma jiro buug kasta in kamid ah inta uu qoraagu hadba ka gaadhey baa lagasoo qoray, qof walbana intii aragtidiisa & aqoontiisa ah ayuu miisaan saarey oo yidhi Sheekh buu ahaa iyo muu ahayn, mujaahid buu ahaa iyo muu ahayn. Taasi inooma taalo haatan wakhtina ku lumin mayno.

Haddaba buugan Sooyaal waxa ku xusan taariikh balaadhan oo uu Sayidku lahaa waliba tu daaha lagaga faydayo dhaqamadii xumxumaa ee uu Sayidku ku kici jiray ee wiiqayey habdhaqanka suuban ee diinta Islaamka iyo waliba erayadii gafka & anshax darada ahaa ee uu kusoo qaadan jiray gabayadiisa badh ka mid ah. Waxa buuga ku qoran waa run & been toona odhan maayo balse waxa ku jira tuducyo laga soo dheegtay gabayo ay dad kale tiriyeen oo lagaga dhiidhiiyo in uu gabyaaga Soomaliyeed meel kaga dhaco karaamada & sharafta umadda u Illahay karaameeyay, wax aanay diinta & dhaqanka suuban ku lid ahna aanu la iman. Taasi oo uu buugu sheegayo in qofka lagaga saari jiray gabyaanimada , isla jeerkaasna la marin jiray xeerarkii u yaaley  cidii gefkaa la timaada. Buugu isaga oo tusaaleyaal soo qaadanaya ayuu soo qaatey gabayo ay ka mid yihiin gabey uu tiriyey nin la odhan jiray Dhoola-yare iyo gabay uu tiriyey Ismaaciil Mire oo tuducyadii gefka uun laga soo qaatey si tusaale ahna meesha loo keenay ee aanay ujeedadu ahayn in iyaga la faaleeyo.

Labada gabeyba waxa ku xusan gefaf haba kala badnaadeene, bulshadii Soomaliyeed ee markaa dhaqnayd intii la deegaan ahayd jawaabona waa siiyeen, qaar kamid ahna gabyaanimadii Soomaalida waa laga saarey.

Haddaba waxa jira tuducyo ka  mid ah gabay uu tiriyey  Dhoola-yare oo ah ka dadka lagu majaro habaabinayo ee la leeyahay imika waxbaa la aflagaadeeyay. Bal aynu dul istaagno inta uu buugu tusaalaha u soo qaatey

Hablaha Ciidagale saw waxaan soo hubsaday maaha

Saw waxaan habeen & dharaar hoy la galay maaha

Saw wuxu markay hilib arkaan soo hirmaca maaha

Saw wuxu shantuu hugur dhaliyo haawato leh maaha

Alle mayna leeyahay? waa marka koobaade gabeygan qoraagu tusaale ayuu usoo qaatey isaga oo ku sheegaya sida aanay marnaba bulshada Soomaaliyeed uga raali ahayn aflagaadada qaawan ee dadka lagula kacayo. cid baa se tirisay sababtii iyo taariikhdii uu gabeygu kusoo baxayna way caddahay oo dadka waayeelka ah haddii aad wareysato way ku sheegayaan madaama ay bulshadeenu tahay bulsho hadal (oral Society) oo hadal wax iskugu tabin jirtay. Waa marka labaade waxaa laynagu wareeriyey hablihii Ciidagale (Qabiil Isaaqa ka tirsan) ayaa la af lagaadeeyay, waxa aynu isla garwaaqsanahay in dadka inta san iyo inta xuniba ay qabiilo kasoo wada jeedaan, qabiil wada xariir ah iyo qabiil wada xoor ahna aan lasoo helayn. Qabiil qabiil looma xuma ee qof qof baa loo xunyahay, ninka gabeyga tiriyey hablaha Ciidagale meel uu ku gaadhey iyo meel ku arkay dhamaan in aanay jirina xoorka caanahay ka cadahay. Cabirkiisa shakhsiyeed ayaa gaf uu ku arkay hal qof u rogtay uun qabiil dhan. Caqliga fayoobina waa ogsoonyahey in aanay arrinkaasi wax la liqi karo aanu ahayn, waanay jirtaa oo ma cusba in fal uu qof geystay qabiil dhan loo eedeeyo sooyaalka gabeyada Soomalida waa laga soo helayaa.

Haddaba weydiimaha yaalaa waxay yihiin buuga 2012kii la furay ee lasoo bandhigay maanta oo 2018 la joogo maxaa loosoo hadal hayaa? Tuducyada aan wax alla wax ay ku fadhiyaan jirin (waayo waa wax tagey, wax tageyna tiigsimaad maleh) maxaa loo buunbuuniyaa? Waa maxey u jeedada dhabta ah ee ka danbaysa arrintan?.

Maanta oo la joogo 2018 Qoraaga Buugu waxa u hayaa xil qaranka Jamhuuriyada Somaalilaan, waxa lagu xasuustay ee loo buunbuuniyay buuga 2012 kii la soo bandhigay dhawr arrimood uun bay salka ku haysaa

1.      Shakhsiyaad danahooda gaar ahaaneed iyo cuqdada haysa uga faa,iideystay wax aan sal & raad toona laheyn oo ay raganimadooda kusoo dhacsan kari waayeen.

2.      In ay yihiin dad iska jecel xajiimaynta & xagxagashada dadka marka ay saluugaan qofku meeqaam uu gadhey waa sidey aaminsanyihiine.

3.      In cida arrinkan ka danbeysaa ay ka dharagsan tahey in in badan oo bulshadeena ka mid ah aanay ka fiirsi iyo is qabasho lahayn ee wixii dhagta loogu rido ay la yaacaan.

Ujeedada dhabta ah ee ka danbaysaa waa in qoraaga buuga sharaftiisa dhulka la jiido, balse taasi wax saameyn ah ku yeelan mayso. dheemanta haddii dhoobo lagu walaaqo way dhalaashaa uun. Qofku haddii uuna ku tilmaamnayn waxa laga sheegayo ayaamo hala hadal hayo balse wax alaala wax ay udhimayso ayaan jirin.

Qabiilka Ciida-gale waxa ku jira Hooyooyin sharaf & karaamo leh, Hablo haybad & wanaag leh, Rag Halyeyo ah iyo kuwo Aftahan ku ah sugaanta Soomalida si lamida qabiilada kale ee Soomaaliyeed ixtiraam & maamuus baanay mudan yihiin sida ay cid kasta u mudan tahey intan yar ee meesha ku qoranina wax ala wax ay ka badaleyso qof meeqaamkii ma jirto ee hala kaadsho.  

Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo wallow aanan aqoon dheer u laheyn haddana waxa uu ii ahaa bare, mudadii koobnayd ee aan ardeygiisa ahaa kumaan maqlin isaga oo aflagaadada dadka iyo wax kasheegooda soo hadal qaaday, waa qof ixtiraamka & wanaaga yaqaana oo aad ka nabed galaysid.

 

 

 

ALLAA-MAHAD-LEH

 

 

 

W/Q Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

http://gaarabidhaan.blogspot.tw/

Advertisement

Ku Xayeysiiso