Wasiir Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo Wuxu Jabiyay Dayr Ay Wasiiradii Hore Dhaafi Kari Waayeen. QAYBTA 1AAD. W/Qoray Ahmed Farah Muxumed

Maqaalkan taxanaha ah waxa aan u qaatay qalinka iyadoo aanan ujeeddoo ii gaar ah iyo dan gaar ahaaneed ka lahayn Wasiirka aan waxqabadkiisa kaga hadlayo balse ujeedadayda rasmiga ahi waa inaan runta iyo xaqiiqada usoo bandhigo bulshada oo aan hubo in aanay in badan oo ka mid ahi xog ogaal u ahayn xaqiiqada jirta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Wacyigelinta JSL Mudane Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ah wasiirkii 7aad ee xilkan soo qabta waxa uu la yimi wasaaradda dardar cusub iyo firfircooni dheerada oo ku aadan waxka bedelka, hagaajinta, iyo horumarinta shaqada, shaqaalaha iyo guud ahaan siyaasadda wasaaradda taasoo ka turjumaysa siyaasadda xukuumadda cusub iyo hoggaaminta Madaxwene Muuse Biixi Cabdi. Muddada gaaban ee uu joogay Wasiirku isagoo ka duulaya qorshihi 120ka maalmood ee u horreeyay xukuumadda wuxu dib u habayn ku sameeyay shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda isagoo isku bedel ku sameeyay madax-waaxeedyada qaybaha kala duwan ee Wasaaradda taasoo ahayd mid ku adkayd wasiiradii ka horreeyay inay farogeliyaan xilalka waaxaha. Wasiirku wuxu si buuxda u qalabeeyay oo awood iyo karti adeeg qabasho u yeelay xafiisyada kala duwan ee waaxaha iyo qaybaha wasaaradda, waxanu sidoo kale dib u habayn iyo tayayn ku sameeyay barnaamijyada ka baxa Idaacadda iyo telefiishanka qaranka. Waxa kale oo ku jirtay wasiirka shaqadiisa mudadan gaaban arrimaha daryeelka shaqaalaha wasaaradda.

Waxa iyana xusid mudan in Wasiir Guri-barwaaqo uu ka hawlgalay samaynta siyaasadda qaranka ee warbaahinta taasoo laf dhabar u ah habsami u socodka hawlaha shaqo iyo horumarinta shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Gaar ahaan xagga dib u habaynta shaqaalaha iyo isku bedelka agaasime-waaaxeedyada iyo qaabka masuuliyadda iyo xilkasnimada leh ee Wasiirku u sameeyay waxa aan odhan karaa Wasiir Cabdiraxmaan —- Guri-barwaaqo wuxu jabiyay dayr ay wasiiradii ka horreeyay dhaafi kari waayeen muddo dheer iyo shaqsiyaad u haystay inay joogaan meel ay iyagu leeyihiin iyo beerahoodii. Wasiirku wuxu gutay waajibaadkiisa shaqo iyo masuuliyadda loo igmaday ee Madaxweynuhu ugu magacaabay qaranka, isagaana awood u leh in hadba sidii uu u arko inay lagama maarmaan tahay inuu wax uga bedelo shaqada iyo shaqalaha wasaaradda. Waa shaqadiisa inuu madax-waaxeedyo isku bedelay, qaar xilka ka qaado, qaar anshaxmariyo, qaar dallacsiiyo, qaar darajo dhimis ku sameeyo, qaar ku abaalmariyo shaqo wanaagga iyo hawlkarnimada ay la yimaadaan waayo waa shaqaalihii wasaaradda oo isagaa wasiirkoodii ah oo maamula oo xilka saaranyahay, haddii aanu sidaas yeelinna waxba ma kala soconayaan ee Ma Liibaane kooxi uun ku liibaanto ayuu noqonayaa.

Maxaase keenay buuqa badan iyo shaqaalaha warbaahinta iyo saxaafadda ka yooyootamaya? Jawaabta su’aashani waa mid fudud. Waxa keenay wasiiradii hore ayaa inkastoo ay qaarkood dadaalayeen hadana ka gaabiyay inay arrimaha shaqaalaha sidooda wax uga qabtaan oo xilalka isku bedelaan oo waax walba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan. Waxay taasi dhalisay inay shaqaalahaasi illaawaan inay shaqo qaran hayaan oo laga bedeli karo oo la eryi karo haddii ay waajibaadkooda garan waayaan. Waxa ay shaqaalahaas qaarkood u qaateen inay xafiisyadaba ku fadhiyaan beelaha ay ka soo jeedaan oo saami reereed ay ku heleen shaqada.
Midda kale, Wasiir Guri-barwaaqo sida ka muuqata maaha wasiir ku shaqaynaya aragti qabyaaladeed iyo musdambeed qabiil ee waa aqoonyahan aragti qaran leh oo hadafkiisu yahay in dalkiisu horumar gaadho oo aan shaqaalaha iyo dadka kala jeclaysanayn ee ay isugu mid yihiin. Waa wasiir u arkaya wasaaradda inay hay’ad qaran tahay oo umadda Somaliland oo dhan ka dhaxayso isaguna u dhexeeyo umadda Somaliland oo dhan sidaa awgeedna aan aqbalayn in wasaaradda laga aamino aragti qabiil ama ay cidi u badato.

Dhibaatada jirtay ee immika u muuqata in Wasiirkani xal u noqonayo waxa ka mid ah in wariyayaasha wasaaradda uu dhaqanku ka xumaaday oo ay qaadeen cudur ku habsaday saxaafadda guud kaasoo ahaa inaan sharcigu qaban wariyaha, lagana dhigto qalinka iyo makafoonka saxaafadda qaar baad iyo laaluush lagu gurto oo madaxdu ka baqdaan inay wanjalaan ama munaafaqad ku sameeyaan (Blackmailing by use of public media and falsely reporting). Arrintani waa mid ay aaminsanaayeen wariyayaasha xilalka laga bedelay ama laga eryay in loogu habranayo wariyayaa tahay oo waxbaad qortaa ama hadalkaad dudubisaa oo Guri-barwaaqo kugu dhici maayo.

LA SOCO QAYBTA 2AAD

W/Qoray Ahmed Farah Muxumed

Advertisement

Ku Xayeysiiso