Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Hurumarinta Kaluumaysiga Iyo Waaxda Balaadhan Ee Caafimaadka Xoolaha: Gudinyahay Imaaad Goyseen Weeye Xaalkeedu

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Hurumarinta Kaluumaysiga Iyo Waaxda Balaadhan Ee Caafimaadka Xoolaha: Gudinyahay Imaaad Goyseen Weeye Xaalkeedu
Wasaarada Xaanaanda Xoolaha iyo kaluumaysigu waa midkamida rukumada dhaqaale iyo waxsoosaar ee dalkeena jamuuriyada somaliland Taas oo hawlaheeda shaqo sitoosa ulxidhiidhaan dhamaan kaabayasha ilo dhaqaale ee dalkeena iyo noocyada kala duwan ee bulsheed kuna kala nool qaybaha kala duwan ee dhulkeena Miyi iyo Magaalaba,Qoraalkeenan kooban oo Taxane inoo noqon doona waxaynu kaga Hadli doonaa Waaxyaha wasaarada siiba waaxada ugu Balaadhe EE qusaysa caafimaadka xoolaha Daawayntooda,Talaalkooda iyo Daryeelkoooda Caafimaaad
Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee W/X/X OOLAHA
Waaxdani waxay kakoobantahay qaybaha kala ah
1.Qaybta Daawada Iyo Talaalka
2.qaybtaMaamulida Tirakoobka xanuunada iyo Baadhitaankooda Caafimaad
3. Qaybta Caafimaadka guud ee Hiliba iyo Tayadiisa
Waaxdan waxa masuul ka ah Agaasimha Dr.Ahmed Haybe, waa qaybta qudha ee wasaarda shaqada ugu wayn kamasuula ama Agaasimaha koobsada guud ahaan kala wada shaqada wasaarada siyaabo wakhtigu sababay dartoood
Waaxdani Malaha shaqaale toosa oo oo Shaqo cayiman leh ama Lagala xisaabtamo waa waax uuukamid yahay shaqaale kasta oo ku abtirsada magaca wasaardda Waana sababta ay iskugu Huwatay iskuna huursatay,Maanta waxaynu Dul istaagi doonaa Qaybta Dawada lagu daweeyo xoolaha Masuuliyadeedana uu hayao AHmed
Qaybta Daawada iyo Talaalka
Wasaaradu waxay leedahay miisaaniyad kala duwan oo qaybkasta hoos timaada sanadkii dhamaaday waxa miisaaniyada ugu jiray lacag qadarkeedu dhanyahya oo qaybtan u gaara maaha waaxaha kale se waaqaytan daawada lacag dhan 2,671,844,000(Laba Bilyan lixboqol iyo koob iyo todobaatan malyan iyo sided boqol iyo affar iyo affartan kun oo shillinka somalilana) loona yaqaano Mashruuca daawaynta xoolaha oo sanadle ah taas oo loogutala galay Hawla laxidhiida daawooyinka cudurada iyo guno hawleedka dhakhaatiirta,lacagtaas iyada ah looma isticmaalin shaqo hawleedkii wasaarda waxay ku dhacdaa maamulka masuulka ka ah wasaaradan siiba waaxda Caafimaadka
Dhakhaatiirta wasaaradan kashaqeeya waa kuwa ugu Mushaharka yar wadanka laakiin miisaaniyad balaadhan ayay leeyihiin oo gunooyin ah ama habeen dhaxa se mahelaan waxayse qaataan mushaharka Grade C ah
Waaxdan caafimaaka xooluhu waxay kaheshaa daawooyin tayo fiican leh Haayda FAO,EU ,AU-IBAR iyi haayada kale oo caalamiya
Waxa kamida daawooyinka Tayada leh ee kaliya wasarada X/X/ Xoolaha laga helo sida daawooyonika
a) Strepto Penicillin
b) Tylosine daawada sambabka
c) Nourquine daawada dhukaanka
d) Multivitamin
Iyo qaarkale oo badan oo laynoogu deeqo kanasoo baxa lagan keeno wadamada UK,USA,HOLLAND,FRANCE IYO GERMAY
Daawooyinkan maaha kuwo ay awoodaan Ganacsatadu ama dadwaynuhu qiimahooda oo qaaliya kaliya waxa laga helaa wasaarada xanaanada xoolaha siloo gaadhsiiyo xoolihii ubaahnaa se mamaraan halkii loogu talagay.
Daawooyinkan waxa sitoosa oo qarsoodi ah looga iibiyaaa ganacsatayaal kala duwan oo geeye meelo kala duwan sida koonfurta Somalia ooy kamidyihiin Magaalda Baladwayne,Gaalkacyo,kismaayo
Halka wadanka si qarsoodiya looga iibiyo ama lagahelo magaalooyinka Burco iyo Hargeisa
Daawooyinkaa Tayada leh waxa lagu sooo badashaa Qayb yar oo daawooyin raqiisa oo Iyaga badalkoodiiii loo eekaysiiyo wakhtigoodiina soo dhawaaday ama qaar ay dhaceenba
Kuwaas oo suuqa hargeisa dib loogasoo iibsado wasaaradana lakeeno daawooyinkaa waxa lagusameeyaaa lasoo badashay wadanada china iyo Hindia, waxaana lageeyaaa gobalada iyo dagmooyinka iyo tuuulooyinka wadanka Kuwaasoo lashaxaaday qaybintoodiii oo aynaa wax aqoona ulahay dadkeena xoola dhaqatada ah taasoo miisaaniyadiii loogu talagalay in daawooyin tayo leh lagu soo iibiyo iyo guno dhakhaatiireed Badalkeediii unoqotay waxlaleexsaday.

Waxa Hubaal ah in waaxdan Caafimaadku ay kamasuul tahay Tayada caafimaadka,Daryeela iyo taranka xoolaha se maamulkeeda hogaamiya Yahay Maamul dantiisa gaarka ah kahoraysiiiya Ta hawlaheedu quseeyaan
Shacabka Masaakiinta ah ee ay xoolahoodii kabaxeen Abbaaro soo noqnoqdaana ku habsadeen wuxuu xaalkoodiii marayaa Gudinyahay imaad Goyseen Hadaan Gobalkay ama daabkay kugu Jirin.
Qof bila aadmiyi wuukucafiyi karaa se Neef Alle uumay ooo dawadiisiii aaad Cuntay/Xaraashtay ama mid dhacaysa aaad kumudid kuma saamaxaayo ama mid dhacdayba
Waxaaan Leeyahay Wasiiirka Wasaarada Waxaaad Maamulkan Aad Hada Jooogtaa Mudo Seddexbiloooda Se Maalinlamaad Kulmin Dhakhaatiirdaadiii Iyo Shaqaalahaagii Si Aad U Aqoonsato Una Ogaato Waxay Qabtaan Taas Oo Agaasimayaasha Usahashay Inay Xaraashaaan Hantidiiii Qudha Ee Aynu Lahayn.

Dr.Abdi Ali
Hargeisa Somaliland
Dabdi201@gmail.com
Hargeisa/somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso