Hadaan lagu dhawaaqin olole nadaafadeed waxa qashinka daadsan ka dhalan kara xanuuno

Fariin caafimaad

Image photo file duqa caasimada qor dr bux

waxa waxqabad ugu filan qashinka wadooyinka burburay xili roobaadka biyo mareen la anta wadooyinka hargeisa qashinka daadsan halbawlaha caasimada
Waxa haboon in duqa caasimadu iclaamiyaa olole nadaafadeed ka hor xili roobadka iyo halista caafimaad daro ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican looga basrin caasimada hargeisa shirkadahu maaha shirkado loogu soo doortay aqoon shaqo ee waxay heshiis kula yahiin dawlada hoose…..

2005 ayey ahayd markii mashruucan ppp lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog magaalada oo aan loo qorshayn dump sites maadama dump site hore uu dhaafay qorshihii dhiska caasimada ee deeganka
Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin meel aan loogu talo galin
Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda shaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho shirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamulada shirkadaha

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinka
Ma jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socod
Gadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka
Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababa caafimaad daro iyo dhimasho xoogan

Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan shaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimo ma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada ma jirto wacyi galin fayadhawr ee shacbiga

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon waqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka caasimada iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah

WQ: Dr Buux
Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com
0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso