Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee sanadkii 2017 waxa ay daah-furayaan warbixintii kama dambaysta ahayd waxaanay isha ku hayaan doorashada baarlamaanka ee bisha March 2019

 

 Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii qabsoontay 13kii November 2017 waxa ay ka koobnaayeen 60 goobjooge oo kala socda 27 waddan kuwaas oo marti-qaad ka helay Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Goobjoogayaashu waxa ay goobjoogayaal ka noqdeen 355 goobood oo laga codaynayay (oo guud ahaan ahaa 22%), iyaga oo tegey dhamaan lixda gobol ee Somaliland iyo 17 ka mid ah 21 ka degmo. Goobjoogayaasha Caalamiga ahi wax ay ka warbixiyeen maalintii codaynta oo guud ahaan ku dhacday si nabadgelyo ah oo agaasin wanaagsan goobihii la soo maray, marka laga tago cabashooyin kooban oo jiray laakiin aan ahayn qaar wax u dhimayay guud ahaan natiijada kama dambaysta ah ee doorashada. Sidaa darteed, rabshadihii ka dambeeyay maalintii doorashada – taas oo ku jirtay dhimasho ka dhalatay sheegashada doorashada oo lagu shubtay – waxa ay ahayd wax aad looga xumaado.

 

 

Waxa uu yidhi Dr. Michael Walls oo ah Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ahi:

 

“Mar kele, Somaliland waxa loogu yeedhay dhaqanka soo jiidashada leh ee ay khilaafka u xallido si ay u tirtirto xaalad laga filayay in ay khatar noqoto doorashadii ka dib. Laakiin Somaliland waxa ay taagan tahay heer xasaasi ah: Iyada oo si xad dhaaf ah ugu tiirsan nidaam dhaqan si ay dhibaatooyinka xal ugu hesho, iyada oo ay jiraah nidaam doorasho oo la isla qaatay oo aan weli si dhamaystiran loo aqbalin in uu noqdo mid qeexa hoggaaminta siyaasadeed. Annaga oo ogsoon meeqaamka culus arrimahani ku leeyihiin caalamka, waxa aanu dareensannahay baahida loo qabo cusboonaysiinta ballanqaad adag oo ku wajahan siyaasad loo dhan yahay. Waxa aanu rajaynaynaa in safarka dimuqraaddiyadda Somaliland uu si nabadgelyo ah hore ugu socon doono, una gudbi doono heerka kan ku xiga, kaas oo ah qabsoomidda doorashadii inta badan dib loo dhigay ee Golaha Wakiillada sida loo qorsheeyay sannadka 2019”.

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay soo jeedinayaan talooyin ay ka mid yihiin: Adkaynta xay’adaha sharciga ah ee kormeeraya kaambaynnada iyo doorashooyinka (gaar ahaan shuruucda rasmiga ah ee khilaafaadka); Xog-siin muddaysan oo ku saabsan diiwaangelinta cod bixiyayaasha; Wanaajinta aqoonta bulshada iyo tababarka shaqaalaha cod bixinta, xisbiyada siyaasadda iyo cod bixiyayaasha; daah-furnaan ka wanaagsan sidii hore oo ku saabsan arrimaha nidaamka doorashada; In xisbiyada siyaasaddu adeegsadaan nidaamyada rasmiga ah ee xallinta khilaafaadka; Kor u qaadista ka qaybgalka haweenka iyo ka fogaanshaha ololaha xanafta reebaya; Sharcigu in uu xaqiijiyo xorriyadda hadalka; Dawladdu in ay kordhiso qaybteeda kharashka doorashooyinka; Iyo in la xaddido kharashaadka ay xisbiyada siyaasaddu ku bixiyaan ololaha.

 

Doorashada oo ahayd codbixintii saddexaad ee doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaan doorashadii lixaad, waxa ay ku dhamaatay Muse Biixi Cabdi oo ka soo jeeda Kulmiye oo kaga guulaystay murashaxiintii la tartamayay ee ka soo jeeday xisbiyada Waddani iyo UCID. Isaga oo ku guulaystay 55% codadkii doorashada, Muuse waxa uu beddelay Madaxweynihii muddadiisu dhamaatay ee Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, ee isaguna ka soo jeeday Kulmiye. Doorashadu waxa ay ahayd tii ugu horraysay ee la adeegsaday habka casriga ah ee aqoonsiga indhaha iyo faraha si loo diiwaangeliyo cod bixiyayaasha iyo in ay tahay doorashadii ugu horraysay ee ay ka qayb galaan qaar ka mid ah gobollada bariga ee fogi.Goobjoogayaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Ingiriisku waxa hoggaaminaya qaybta Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL ee London iyo ururka Somaliland Focus UK iyo mashruuca oo ay maamulayaan la taliyayaal ka socda Jaamacadda UCL.

1.     Goobjoogayaashu waxa ay ku daahfuri doonaan warbxinta munaasabad loo dhan yahay oo lagu qaban doono Mac-hadka Baadhitaanka Afrika, 55 Tufton Street, London SW1P 3QL, 15 March 2018, 6 da Fiidnimo, taas oo ay weheliso  “Somaliland Decides”, oo ah bandhig sawireed ay samaysay sawir-qaadaha Kate Stanworth oo la shaqaynaysa Saferworld. Daahfurka Somaliland waxa la qaban doonaa sannadka 2018 gudihiisa.

2.     Haddii aad rabtid in aad waraysi dheeraad ah la yeelato mid ka mid ah kooxda isku xidhka goobjoogayaasha, fadlan la soo xidhiidh Conrad Heine (Isku xidhaha xidhiidhka warbaahinta ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah) adigoo kala xidhiidhayaieomsomalilandmedia@gmail.com.

3.    Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda ay ka qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991 ka dib markii ay burburday dawladdii Soomaaliya. Ilaa hadda si caalami ah looma aqoonsan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso