Finland Oo Noqotay dalka UGu Farxad Badan Adduunka.

Hargeysa(Toggaherer)-Finland Oo Noqotay dalka UGu Farxad Badan Adduunka.

Dalka Finland ayaa noqday meesha ugu farxadda badan adduunka, sida lagu sheegay warbixin sannadle ah oo ay daabacday Qaramada Midoobay.

Dalal Yurub ku yaalla ayaa mar kaste kaalimaha hore gala

Waxay kaalintan kala wareegtay dalka Norway oo kaalinta koobaad ee farxadda ku jiray.

Warbixinta farxadda adduunka waxaa lagu jaan gooyaa sida dadka faraxsan ay dareemayaan iyo sababta ay u faraxsan yihiin.

Dalal ku yaala Waqooyiga Yurub ayaa shanta kaalmood ee hore si joogto ah u gala, halka dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa Saxaraha Afrika ka hooseeya ay shanta ugu hoosaysa ka noqdaan.

Burundi ayaa noqotay dalka ugu farxadda yar adduunka isaga oo kaalintaas kala wareegay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Dalkaas ayaa qalalaaso galay markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu markii saddexaad isa soo sharaxay sannadkii 2015kii, arrintaas oo dhalisay dibad baxyo ay dhigeen taageerayaasha mucaaradka oo arrintaas sharci darro ku tilmaamay.

Warbixinta farxadda sannadkan ee Qarammada Midoobay waxaa sidoo kale lagu xusay farxadda dadka dalalkooda ka tagay.

Muhaajiriinta dalka Finland ku nool ayaa ah kuwa ugu farxadda badan.

Shaxdan hoose ka fiiri dalalka ugu farxadda badan iyo kuwa ugu farxad liita.

Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta 98 galay, Kenya 124, Itoobiyana waxay gashay kaalinta 127.

Advertisement

Ku Xayeysiiso