Gabay cusub: dameeri dhaan raacday la baxay

iyadeey dunuub hore dhacdoo, la is duqaynaayey.
oo dakharadii hore shacbiga dooggi kala taalo.
dembigiina aan cidi xukumin daahir iyo baadil.
daan-daansi hadal natidhi soow dagaal ma’aha.
soow damiir xumaadiyo caqliga daxalladiis maaha.
soow doqon riyoo tiyo, danigu daacuf hadal maaha.

iyaddoo dalkaagii mar hore, ciidan lagu deeyray.
oo daaman weeyn iyo kufaar daan walba u meeray.
dambarkii hashaadana nin kale, gaawe kaga duugtey.
geel kale dareerkii inaad, hees ka daba qaado.
soow dameeri dhaan raacday oo waay dibjir maaha.

maah maah da’weeyn bay murtidu, dulucda raacdaaye.
wadaantii darkeed kaafidee, wabax durduursiisa.
kalkaal debecsan deeyn inay gashoo, layska docogaysto.
duco iyo qardoba weey gashaa, derisna qaataaye.
nin dantiisii seegtoo mid kale daadah ugu yeedhay.
soow dameeri dhaan raacday oo, way dib -jiri maaha?

xudduudaha dalkaagii haddii deeyr cad lagu soohay.
oo weliba deeq loogu daray, dawladaha jaarka.
adiguna shuhuud daahir tahay, debecsanaan yeedhin.
daayaay adaan odhan karayn, waa daciifnimo e.
inaad doob bulaaxiya riddoo, dunida eedayso.
danno ereg ah inaad yeedhisoo, lagu dabaab siiyo.
oo ay dawlad kale kuu dirtaa, qarad ka duugoobey.
adna aad dayay marag dhahdaa waa damiirxumoe.
soow dameeri dhaan raacday oo, way dib -jiri maaha?

haddaad daacadnimaddii disheen, daalinnimadina.
shansoomaaliyoo diir mid iyo calan ku dooyeysta.
geeskana damaashida haddii, daawo lagu waayey.
waa inaan shan kala dawladoo, damacleh yeeshaaye.
aqoonsada dal baan ahay jiriyoo, qarankii dooraa’ye.

abwaan muuse cali nuur amaan
4489606/9189596

Facebook: Muuse Amaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso