Weligaa ma Maqashay Wasiir Laga laaluushay Hantidii uu Qaranka Mas’uulka ugu ahaa,iyo Dhacdooyin la Yaab leh oo uu Sameeyay!!!!

Xukuumadii uu 14-kii Bishii December 2017 soo dhisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane muuse biixi cabdi ayaa u badan xubno ku cusub siyaasadda Somaliland magacoodana aanay bulshadu aqoon u lahayn.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xiligii ololaha doorashada ku kaanbayn gareeyay inuu si adag uga soo hor jeedo musuq maasuqa iyo lunsashada hantida qaranka, madaxweynuhu markii uu soo dhisay dawladiisa iyo kulamadii ugu horeeyay ee uu la yeeshay wasiiradiisa wuxuu ku adkeeyay in la beekhaamiyo dhaqaalaha ay kala wareegayaan wasiiradii xukuumadii siilaanyo maadaama aan ilaa hada xitaa golaha wasiiradu aanay ansixin odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2018 xili aynu ku jirno badhtamihii bishii sadexaad.

Si uu u hanto Wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradan oo uu ka mid yahay mas’uuliyiin hoosaadkeeda waxa uu sameeyay wax kasta oo uu u arkayay inay ku hagayso kasbashada wasiirkiisa cusub waxa uu ka weeraray dhanka jeebka iyo baahidiisa gaar ahaaneed,waxay shaqaaluhu ku warheleen dhamaan agabka guryaha sida hurdo iyo fadhi cusub oo meherad aan wasaarada ka fogayn looga rarayo loona wado guriga Wasiirka xilka la wareegay ee aqoonta badan aanay u lahayn.

Wasiirkani waxa uu wasiirkii ka horeeyay kala wareegay 28 gaadhi oo wasaaradani leedahay waxaa ku jira ilaa shan gaadhi oo ah nooca Land Cruiser-ka oo mudo yar shaqaynayay waxay gaadiidkaas oo dhaqaale badani uu qaranku ku bixiyey ay ay qaarkood maanta yihiin kuwo bacad yaal ah, hasa yeeshee waxa uu hadana Masuulkani wasiirkiisan cusub iyo ku xigeenkiisaba u soo iibiyey laba gaadhi oo nooca Land Cruiser ah kaas oo sida sharcigu dhigayo ay waajib ahayd in la soo mariyo guddida qandaraasyada qaranka,taas oo aan dhicin sidoo kalena labadan baabuur kumay jirin bajad miisaaniyadeedkii wasaaradaas ee sanadkii tegay ee 2017.
Cida qormadu u araaranayso waa Wasiirka wasaaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland mudane C.raxmaan C.laahi Faarax Guribarwaaqo cida baahidiisa gaarka ah daboolaysa ee hantidii uu qaranka uga mas’uulka ahaa ka laaluushaysaana waa agaasimihiisa maamulka iyo lacagta ee wasaaradaas xasan maxamed (xasan yare) oo lagu yaqaan adeegsiga xeelado uu ku badbaadsado xilkiisa iyo dhaqaalaha badan ee uu gacanta ku hayo taas oo ka dhigtay agaasime waaxeed mararka qaar la moodo wasiirka haysta wasaarada warfaafinta Somaliland.

Dad badan ayaa aaminsanaa in wasiirkan cusub ee warfaafintu uu yahay shakhsi mudo badan ku noolaa dalalka reer galbeedka,hanti ku filan oo uu noloshiisa iyo ta qoyskiisana ku dabari karo haysta markii uu Somaliland ku soo laabtayna ka shaqo galay jaamacada hargaysa oo uu macalin ka ahaa isla markaana ay ka badbaadi doonto ku tagrifal hantida iyo miisaaniyada wasaaradaas hasa yeeshee filashadaasi way beenowday.
Sidaa darteed miyaan la odhan Karin Waxaa Wasiirkan laga laaluushay dhaqaalihii uu qaranku u igmaday inuu si cadaalad ah ugu adeego.

Qadiyadani ma aha dacaayad,mana aha mid aan ku hafrayo ee waa xaqiiq aan mugdi lahayn waxaan qormadan ku soo ladhay labada baabuur ee wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta lagaga laaluushay hantidii ay qaranka uga masuulka ahaayeen, kuwaas oo aan weli lagu xidhin Lambarkii gaadiidka dawlada Lambarkan gaadiidka shicibka ee 86917 ayaa ah gaadhiga loo soo iibiyey Wasiir Guri barwaaqo iyo gaadhiga wasiir ku xigeenka maxamed muuse abees oo Lambarkiisu yahay 89943.

Waxaa kale oo qormada tan xigta aan ku soo bandhigi doonaa Cadaymo marag iyo markhaatiba u ah sida wasiirka warfaafinta uu agaasimihiisa maamulku ugu qalabeeyay gurigiisa cadayntaas oo ah Rasiidhada qaan sheegta ee meherada laga iibiyey ay bixisay.

Waxaan qormadan ku soo khatimayaa Meerisyo ka mid ah Maansadii Mudduci ee uu Tiriyey Abwaan xasan daahir ismaaciil weedhsame.

Mudanaha dhimbiishiyo
Booliga ku mayracay
Xaaskiyo min-weyntii
Ninka mahayo-mooggii
Ubadkiisii maydhnaa
Ku masruufay xaaraan.
Anigaa markhaatiya
Mareegaale tuugiyo
Man-naxaan inuu yahay.
Milladii islaamkiyo
Dhaartaad marteeniyo
Xaqa muuminiintiyo
Ducadii madluunkee
Toos loo maqlaayiyo
Mawdkiyo xabaashiyo
Qabrigii madoobaa
Ee maro cad mooyee
Maal lala tegayniyo
Muduciga qiyaamaha
Maxkamada ilaahay
Kugu maadsanaayiyo
Xaaraanta maandhow
Cishadaa macaanayd
Muruqaad ku xoogtiyo
Midigtaad ku taabtiyo
Dhuuntaa ad marisee
Kugu marag furaysiyo
Mustafaha warkiisii
Moogaha illaawoow.
Magac dhawristii iyo
Dhaqankii masuulnimo
Xilkaskiyo marwaadkii
Maydhaamihiiyoow
Maahmaah horaa tidhi
“Nimay soori malagtiyo
Nimay seefi mirataa
Maso weeyi weligood”
Muurmuursan weydee
Haddii ay mur kugu tahay
Mid kalaa waxay tidhi
“Hunguriga la miriyaa
Wax ka weyni maaf noqoy”
Haddaad taa ka murantoo
I tidhaahdo maan maqal
Mid kaloo la midaboo
Macnahaa siddaa tidhi
“Halkay maalin dacawadu
Macda neefka ku cuntaa
Macaluushu dhigataa”
Haddaad malabka boolliga
Muudsoo is qari tidhi
Murti-yahan horaa yidhi
“Macal cune ma dhuuntee
Kollay muuqan doonee!!!

Waxaa Qoray Suxufi Cabdi Jaamac Warfaa

suxufiwarfaa2017@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso