Fariin caafimad Nadaafada fayadhowr ee huteelada cuntada hargeisa

Fariin caafimad
Nadaafada fayadhowr ee huteelada cuntada hargeisa oo aan wanaagsanayn biyaha uskaga ee lagu daadinayo jidadka caasimada oo waxyeelo caafimaad iyo bilic xumaba ay ka iman karaan

Xogta Naadafada heerka fayadhowr ee huteelada cuntada hargeisa oo aan wanaagsanayn inta badan markaad gajo goobta cunta karinta ..
Had iyo goor goobta cunto iibsashada waa goob nadiif ah oo aad loo qurxiyey lakiin waxa loo baahan yahay in had iyo goor aad loo ilaaliyo nadaafada cuntada oo ay ka iman karaan xanuuno ku keena dadka macaamisha hudheelka xanuuno sida shubanka caloosha sumow cunto qaadashada kaga yimaada waxa inta badan dhacda iyadoo la raacayo sharciga fayadhowrka dalka u dajisan iyo ku dhaqanka xeererkiisa fayadhowr in shaqaalaha ka howl gala hudheelada cuntada la soo baadho 6 bilood hal mar siday ugu shaqeeyan xaashida fayaqabka gaarka mar kasta si looga hubiyo cudurada faafa sida tuberclouse cholorea etc tani ma jirto dalkeena waana dayacnaan ka jirta fayadhowrka dawlada hoose

Dress gaadashada shaqaalaha hudheelada cuntada iyaduna waa astaas fayadhor

Waa in laamaha fayadhowrku ay dib usoo celiyaan ururadii bulshada sida ururka hudheelada caasimada si loogala socdo hawlahooda shaqo fayadhowr
Waxaad arkaysaa hudheelada cuntada caasimada oo ku daadinaaya biyahii uskaga hudheelka waqti fiid ah oo dadka iyo bulshadu ku guda jiraan hawlahoodi shaqo jidadka halbawlaha suuqa tani waa qorshe xumo iyo dayacnaan shaqo ee laamaha fayo
dhowrka dawlada hoose taas oo ay ka dhalan karaan wasakhda xanuuno saxa xumo iyo waxyeelo burbur oo jidadka laamiga
Waa in marka hore dib loo qorsheeya goobta hudheelku ku shubayo biyaha wasakhda si ay booyaduhu uga qaadan si fudud waqti habeenimo oo meheradahu ay xidhan yahiin

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso