Badbaadiyaha Qarankeena

Badbaadiyaha Qarankeena

Bulshada Somaliland waxaa soo food saara sida bulshooyinka kale ee dunida ku nool waqtiyo badhaadhe iyo barwaaqo iyo waqtiyo adga oo ay jiraan Abaaro iyo duruufo dhaqaale oo kalaba.

Hadaba waxaa sanadkii hore guud ahaan dalka ka dhacay Abaaro lagu tilmaamey kuwo aan hore loo arag loona Maqal abaarahaas waxay Galaafteen dad iyo duuno badan.

Waxay qof walba ku saameeyeen halkiisa, looma kala hadhine Somaliland Sheekh Iyo Shariif waa laga wada qayb qaatey.

Waxaa xusid Mudan hawlgalkii balaadhnaa  Gudigii Abaaraha ee Heer Qaran ay sameeyeen, waxaa sidoo kale xusid mudan, Qaadhaankii Qurba joogta iyo yaboohdii aan xadka lahayn ee Ganacsatada Somaliland.

Waxaa uu ahaa gurmad oo aan look ala hadhin waxaa si mug leh loo taakuleeyay dadkii xooluhu ka baxeen.

Malaha intey jirtey Somaliland sidan oo kale hawl la isaga kaashadey way yartey.

Waxaa xusid in mudan in Haayadaha caalamiga ah ee kaalmada bixiyaa ay guud ahaanba joojiyeen kaalmooyinkii kale.

Waxay dadka tabaaleysan siinayeen lacag cash ah iyaga oo ugu diraayey Mobiles-kooda.

Waribixnihii iyo xogihii la soo saarey waxay tibaaxeen ku dhawaad 2 Milyan in ay halis ugu jireen in ay leedaan oo ay gaajo iyo macaluul u dhintaan.

Waxaa la tibaaxey in maaliyiin xoolo ah ama wax ku dhaw 80% xoliihii bulshadu ay dhamaadeen oo abaartu  leeftey.

Iyadoo ay xaaladu sidaas u xuntahey ayaa waxaa dhacey in bulshadii tashatey oo ay  kaceen gudigii abaaraha iyo bulshada inteedii kale oo iskaashadey, dawladii xiligaasi aad ayay  iyaduna uga qayb qaadatey gurmadii abaaraha.

Hadaba Waxaa la is waydiinayaa hawsha baaxadaas leh maxa hawshaas sahley?

Maxaa dadkeeni miyi,Qurbe iyo Magaalo hal mar isku wada xidhey?

Sidee ayey dadkeenii baahnaa ku heleen kaalmadii loo fidiyey?

Side ayay ku bad baadeen dad iyo xoolaba intii soo hadhey?

Maxaa saldhig u ahaa Gurmadkaas aan hore loo arag?

Su’aashaas jawaabteeda markaan is waydiiyey waxaa ii soo baxey Badbaadiyaha Bulshadeena  waa adeega aan adeeg lala dhigaa jirin,waa adeeg looga hadhey tayo iyo deg degsiimo waa adeegee??

Waa Adeega Zaad service.

Zaad services waxaa uu ahaa udub dhexaadka qaadhaaan ururinta, waxa uu ahaa isha ugu wayn ee ay qaaadhaan ku heleen gudigii abaaruhu sidoo kalana dadkii tabaaleysnaa wax lagu gaadhsiiyey.

Waxaa xusid Mudan in gudiga Abaaruhu soo gaadhsiiyeen in ay yidhaahdeen Zaad waa xubin Gudiga ka mid ah.

Hadaba akhristee adeegan muxuu inaga mudanyahay, kaalin noocee ah ayuu bulshadeena ugu jiraa.

 

 

Losoco qaybaha danbe.

 

warsame yare warsameyare2018@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso