Dur ama Daabac (Xarash ama Madax)

Xukuumadda Imaraadka iyo xukuumadda Itoobiya, ayaa dhawaan wada shirey. Arrimo dhowr ah, aya’ay ka wada hadleen. Danahooda Barbara iyo Saaxilka’na, sidii ay u ilaashan lahaayeen, aya’ay ka wada tashadeen. Go’aan ay ku mideysnaayeen’na, wa’ay ka gaadheen.

Inay kalsooni weyn, ay dakadda Barbara ku qabaan, oo cid kasta oo faraha la soo gasha, ay ka difaaci doonaan, aya’ay muujiyeen. Tallaabada ay ka qaadi doonaan’na, wa’ay isla meel dhigeen.

Dhinaca Somaliland, warkeedu wa’u cadyahay, oo si saraaxad leh, aya’ay Somaliya iyo caalamka kale’ba ay u gaadhsiiyeen; oo ay ugu sharxeen. Laakiin xukuumadda iyo golayaasha Somaliya, oo iyagu dhexdooda isku jabhadeynaya, oo aan isku hadaf ahayn, oo aan isku mowqif ahayn, ayaa iyagu wax aan been iyo khuraafaad ahayn, aan la shir imaneynin. Huu’haa mooyaan’e, in aanu hadal run u dhow’i, ama dood u eeg’i, ama gar iyo garowshiiyo leh’i, in aanu ka soo naasa’caddeyn, aya’ay u muuqdaan.

Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) iyo Xasan Cali Kheyre, marka ay hadlayaan, inay been qaawan, oo afka ay soo marin kari laayihiin, inay sheegiddeeda isku qasbayaan, ayaa wajiyadooda laga dheehan karayaa, oo cidna aan ka qarsooneyn. Waxa labadooda’ba ka go’an, inay bulshada mashquuliyaan, oo ay jaha’wareeriyaan, oo ay iska sii jeediyaan. Ujeeddadoodu’na, waa si ay waqtiga ugu dheereystaan, oo ugu maal urursadaan; oo ugu weel buuxsadaan.

Golayaashoodu’na, waa xildhibaano kala shidaal ah, oo kala furayaal ah, oo meelo kala duwan laga kala daaro, oo mulkiilayaal kala gaar ah’I, ay kala leeyihiin. Sidaas darteed, waa xildhibaano la isku darsadey, oo la isku dirtey, oo dhexdooda’na isku wada daran.
Hadal iyo murti, Jaamacad Carbeed, oo awood leh’i, haddeer ma jirto, oo waa weelkaas madhan. Khaliijka oo dhan iyo Masar’na, Imaraatka aya’ay la jamac yihiin; oo ay isku danyihiin. Muqdisho’na, ka dartey oo Imaraatka iyo Itoobiya’ba, wa’ay car’reysey.

Sidaas darteed, kaartada Imaraatka iyo Itoobiya ay adeegsan doonaan’ni, inay ictiraafka Somaliland ay noqoto, ayaa suurta’gal ah.

Hadda’ba, dur ama daabac! Xarash ama madax!

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso