Koox aan la Garanayn oo gubay masjid ku yaal Berlin


Koox aan la garaneyn ayaa dab ku qabadsiiyey magaalada caasimadda ah ee Berlin Masjid habeenkii Axaddii.

“Dad ayaa sheegay inay arkeen saddex qof oo ku shubaya maadada dhalisay dabka Masaajidka ,” ayuu yidhi Perm Turk, oo ah madaxa arrimaha Diinta Ee Turkiga ee degmada Rhinkendorf ee Berlin, wareysi uu siiyey Wakaalada Anatolia.

Wuxuuna intaa ku daray in kuwa weerarka soo qaaday ay ku tuureen Qalabka dabka dhaliya Saq-badhkii ka dibna ay baxsadeen , isaga oo tilmaamay in masjidku gabi ahaanba gubtay oo aanu hadda lagu tukan kari.

Dhinacooda bilayska jarmalka ayaa sheegay in weerarka masaajidka laga fuliyey mid ka mid ah daaqadaha oo burbursanayd iyagoo tilmaamay in baadhitaanku wali socdo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso