Houthis oo Soo bandhigay muuqaal Muujinaya Bar Kaantarool oo ay Qabsadeen oo ku taal Jizan

Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda “Ansar Allah” ee Xuutiyiinta ayaa daabacay fiidiyoow muujinaya bar kaantarool oo ciidammada Sacuudiga leeyihiin oo ku taal xadka Jizan oo ay qabsadeen iyaga oo sheegay in ay ku dileen tiro askar ah.

Sida laga soo xigtay Wakaalada “Saba” ee Houthis ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen askarta Sacuudiga ee Al Khuba, Jabal Dukhan iyo tuulada Qamar oo ku yaala Jizan iyagoo ku duqeynaya madaafiic, iyaga oo sheegayna inay gaadhsiiyeen dhaawacyo.

Ilo kale oo ka tirsan kooxda Ansar Allah ayaa sidoo kale soo wariyay in afar askari oo Sacuudi ah laga soo afduubay tuulada Qwei halka laba askari oo kale na ay ka soo afduubteen tuulada Hamda ee Jizan.

Fiidiyowga ayaa muujinaya in rag hubaysan oo Ansaarlaahi ahi ay weerareen saldhig ciidan oo Sacuudi ah, ayna duqeeyeen dhismo isla markaana gubay gaadhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso