Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mudane Yusuf Oo Markii U Horaysay Taarikhda Somalilad Soo bandhigay Kulanka Falanqaynta Miisaaniyad Sannadeedka 2018 Puplic budget discussion

Waa dhacdo ugub ku ah guud ahaan Somaliland,waa horumar iyo hiigsi hirgalay oo uu hogaanka u qabtay wasiir ka Wasaradda Maaliyadda Mudane Yusuf Mohamed,oo isagu ah aqoon-yahan waayo-aragnimo badan u leh nidaamka maamulka maaliyadda ee Puplic finance Management.Wasiir yuusuf waxa uu markii u horraysay taariikhda soomaaliland noqday wasiirkii u horeeyay ee Wasaarada Maaliyadda Isla markaana Soo bandhiga hab ku cusub qaab misaaniyadedkii hore,nidaamkan cusub oo ah (puplic budget presentation)Kulanka falanqaynta Odoros Miisaaniyadeedka Sannadka 2018 kulankan ayaa ka dhacay Jamacadda Hargeisa,ayaa waxa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo Jaamacada Hargeisa Waxaana Madashaas kasoo qayb gallay Ururada Bulshada,Aqoon-yahanka dalka,Maamulka Jaamacada Hargeis iyo Ardayda Jamacada dalka wax ka barta.Ugu Horrayn Waxa agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Ee Wasaaradda Horumarinta MaaliyaddU Soo bandhigay qaabka Misaaniyad sanadeedka 2018 noqonyso. Waxanu si daah furan loogu soo bandhigay Misaniyadda 2018,oo wax ka badal balladhan lagu sameyay kana duwan Qaab Miisaaniyadedkii Hore.Sidoo Kale waxa Su`aallo la xidhiidha Misaniyadda lagu waydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maliyadda ku xigeenka Maliyadda  oo iyagu si quruxbadan oo aqoon iyo diyaar-garawbadan laga dhex arkayo  jawaabo waafiya ka siiyay aqoon-ahankii ka soo qayb galay Madaaash.

Maxaa Ku Cusbaa Miisaniyadda 2018

Miisaaniyadda Cusub ee dhawaan dawaha laga soo qadi doono,waxa ka muuqata diyaar-garaw badan,dedaal badnaan iyo waayo-aragnimo ku qottonta Maamulka Maaliyadda iyo inay yihiin dhallin yarro leh aqoontii maaliyadeed ee lagu habi lahaa Wasaaradda Maaliyadda.

Miisaaniyad sannadeedkan 2018 ayaa waxa ka cusbaa in Miisaaniyadda qaranka sanadkan 38% loo qoon deeyay dhinaca Horumarka iyo Wax soo saarka dalka,,halka 58% iyadana loo qoon deeyay Running cost amah awl socod siinta.Sidoo kale Waxa Miisaaniyaddan lagu soo qaaday in la hirgalinyo nidaamka Iiibinta iibinta agabka iyo adeega dawladda (Government Procurement Service Agent (GPSA) nidaamka ayaa waxa u ahaa mid ku cusub sannadka oo waxaanu wasiirku Maaliyaddu wacad ku maray inanau jiri doonin qandaraas danbe oo suuq madaw lagu bixin doonaa,waxaanu ballan qaaday inuu ku bixi doono nidaamka sharcigu baneeyay.Miisaaniyad sannadeedka ayaa Waxa xoogga la saari doona dhinacyada baahiyaha aas aasiga

       Sida Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada,dhismaaha Gurmadka qaranka,Dayactirka iyo Hirgalinta Goobaha Caafimadka sida ee gud ahaan Wadanka.

Miisaaniyad sanadeedka 2018 ayaa waxa wax badan laga badalay Miisaaniyadihii ka horreeyay waxaanu Wasiirka Maaliyaddu noqday Wasiirkii u horeeyay ee Wasaaradda Maaliyadda Soo mara Ee Markii U horaysay Hirgaliyaya Nidaamka BUDGET PUPLIC DISCUSSION

Tallabooyinka Horumarineed Ee Wasiirka Wasaaraddu qaaday ayaa ah dhabihii loo jeellanaa islamrkaana waxa uu salka ku hayaa barnaamijkii xisbiga kulmiye ololaha ku gallay,waxaanad ka dhex dheehanaysan sida ay iskugu jaan go,an yihiin Miisaaniyadda Iyo Horumarkii loo ballansanaa.

Cabdi ahmed

Hargeisa Somaliland

Cabdiahmed9809@gmail.com

 

Horaa Loo Soconayaa

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso