Wasaarada Maaliyadu Maantay heshay Masuul u qalma.

Wasaarada Maaliyadu Maantay heshay Masuul u qalma.

Bulshada Somaliland iyo saxaafadaba waan idin salaamayaa, bacdigeed runtii waxaan jeclaystay inaan bulshada la wadaago arin aan aad u jeclaystay iguna abuuray Dareen wadaniyadeed oo aan ka dhex arkay mustaqbal ifaya oo dalkan iyo dadkan ku soo wajahan.

 

Waxaan mudaddii Dawlada Cusubi jirtayba indhaha ku hayay sida wax loo bilaabay iyo sida masuuliyiinta  dawlada hay’addaheeda kala duwani ay shaqada qaranka u bilaabeen iyo sida ay masuuliyiinta cusubi u fahamsan tahay shaqada iyo waajibaadka loo xilsaaray ee loogu aaminay.

 

iyadoo waqtigay xilalka hayeen aan waxqabadkooda lagu wada qiimayn Karin wasiirada haddana waxaa runtii yididiilo iyo dareen wanaagsan I geliyey wasiir dhalinyaro ah, aqoonyahan ah oo Madaxweynuhu u xushay inuu noqdo wasiirka Maaliyada Md. Yuusuf Maxamed Cabdi.

 

Wasiirkani waa wasiirkii aan ilaa hadda arkay ee haya shaqo uu khibrad iyo aqoonba u leeyahay taas oo ka muuqata guulaha ilaa hadda uu ka sameeyey wasaarada maamulkeeda, korodhka dakhliga ku yimi  sidii ay warbaahinta ka sheegayeen maamulada kastamada iyo cashuuraha berigu  iyo sidoo kale qorshayaasha qiimaha leh ee uga yaala sida loo maamulayo maaliyada iyo dhaqaalaha yare e bulshadeena laga qaado taas oo wasiirku kulankii Bulshada rayidka ah lagula wadaagay lagu faahfaahiyey.

Wasiirka ayaan ku amaanaynaa 38% (boqolkiiba sideed iyo sodonka) horumarka loo qoondeeyey miisaaniyada 2018 taas oo noqonaysa guul iyo goaan garab u ah bulshadeena gaajada iyo go’doonka u ah  dibu dhaca. Qudbadaha uu jeediyey iyo qaababka quman ee farsamo iyo aqooniba ay ka muuqato ee uu madalaha muuq baahiyayaashu joogaan bulshada uga soo gudbiyaa waxay muujinayaan inuu dalkeenu haysto halyeeyo halkaynu joogno hore inooga sii wadi karaa.

 

Fulinta shuruucda PFM iyo nidaamka casriga ah ee sida tijaabada ah sanadkan loogu maamulayo Miisaaniyada 2018 ayaa ah guul aan hortii cidi samayn taas oo qarankeena iyo qarashka yar ee aynu haysanaba inoo dhawraysa banyaalnimadiisa iyo hufnaanteedaba.

 

Ilaahay baan uga rajaynayaa inuu ugu guuleeyo siduu ugu dedaalayo kor u qaadka qarankeena,  wasiirkana  waxaan ku boorinayaa inuu dedaalka halkaas ka sii wado oo aanay hami luminin kuwa qaranka hagranaya iyo inta u hamuun qabta hantida yar ee kooban ee aynu hawlaheena ku kala hormaysanayno.

 

Eng. Shuaib Mohamed Jama

Magaalada Borama Gobolka Awdal Somaliland

Shucayb_jama@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso