Tacsi Madaxweyne Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 09/03/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid, ka baxay qaranka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isagoo marxuumku door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala dambeeyey, dib u dhiskii dalka iyo aas aaskii ciidamada qaranka oo uu ka mid ahaa dadkii seeska u dhigay ciidan Qaranka Somaliland, isagoo marna ahaa taliyaha ciidanka Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso