Shirgudoonka Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa daboolka Ka qaaday In Mudanayaashaasi Golahaasi Lagu Qaadaayo Xeerka Anshaxa U Yaala Golahaasi ,ka Dib Markii Mudanayaasha Golahaasi Ay Caadaysteen In Aanay Soo xaadirin fadhiyadooda Caadiga Ah.

(Toggaherer)-Shirgudoonka Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa daboolka Ka qaaday In Mudanayaashaasi Golahaasi Lagu Qaadaayo Xeerka Anshaxa U Yaala Golahaasi ,ka Dib Markii Mudanayaasha Golahaasi Ay Caadaysteen In Aanay Soo xaadirin fadhiyadooda Caadiga Ah.


fadhigii Maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Uu shirgudoominaayey Gudomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen Ajandahooda kalfadhiga 65naad kaasi oo ay ku howlgali doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.


Dhaniaca kalena cakena Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu mudanayaasha golahaasi uu ku wargaliyey in xeerka anshaxa ee golahaasi u yaala la dardargalinayao,isla markaasina shir albaabadu u xidhan yihiin ka yeelanayaan mudanayaashu ,si ay wax uga qabtaan mudanayaasha caadeystay in aanay soo xaadirin fadhiyada uu golahaasi yeesho.
iyadoo mudanayaasha golahaasi laga dalbaday in ay dhowraan xeerka anshaxa ee u yaala mudada ay ku gudo jiraan fadhiyadooda caadiga ah.

Halkani Hoose Ka Dhagayso qodobkani Oo faahfaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso