Daryan (Maanso Cusub): Daawo/Akhriso – Cali Ileeye

Halkan ka dhagayso
Halkan Guji Si aad u dhagaysato Maansada Daryan

Daryan (Maanso) – Cali Ileeye

Tixda Daryan waa maanso faaqidaysa xaaladda siyaasadeed ee maanta Soomaaliland ka jirta. Tixdan waxa curiyay Cali Sh. Maxamed Cabdi (Cali Ileeye). akhriso maansada Daryan.
Markay dayruhu curtaan
Daruuraha walalacliyo
Hillaac danab buu ridaa,
Gu’gana doog iyo cagaar
Dareemo ayaa baxdoo
Farduhu way dananayaan.

Diraacdiyo oommanaha
Dagaalka ka beermay iyo
Cabdoow daryan waa rasaas.

Xagaaga dad baa yidhaa
Dabayshu waxey waddaa
Wax aan doonyuhu jeclayn,
Tixdayduna waa dawoo
Qadhaadh duul bay la tahay
Dulmiga qoladii jeclayd.

Caroog danyar bay u tahay
Xaqay dacal saareysaa
Qofkii ka didoow is-baadh
Danbiga qayb baad ka tee.

Wuxuu dabangaalle yidhi
Abeesada daallinkaa
Aroos lama dadab galee
Dushaan ka qabaaye garo.

Dayaa hilib qaybisoo
Dugaagga u soortay iyo
Waraabaa daayay adhi
Garaadkaa diidayee
Waxay dulucdeedu tahay
Duqii waxa uu na baray
Wuxuu na badaa ka daran.

***
Dadyahaw Soomaaliland
Dugsiga waayaha u furan
Waxbaa laga daalacdaa
Ayaamuhu waa duruus.

Dedaalku wuxuu ahaa
Dabkii jabhaduhu shideen
Caddaalad na deeqda iyo
Dirsooc qaran aan lahayn
Inuu degelkeennu helo.

Kurisga lagu doontay baa
Dagaalka inoo dhalee
Haddaad nabad doonayseen
Siyaad ba wax muu dilayn.

Shalay dalandool la maray
Darroor shacabkii qubnaa
Maxaa Dulcad loogu kacay?
Dagaalku wuxuu ahaa
Inaan dadku kala sarreyn.

Hadduu daas qaranku yahay
Dukaan laba reer u furan
Malaha reer Diini iyo
MODH baa laga diiday tane
Miyaad hagbad doorateen?!

Huruuddiyo doogadii
Bahdeennii reer daldalo
Shalay ayaxii la direy
Dastuur waxa looga dhigay
Adigu reer hebel duqee
Manfaca reer xagar u diid
Degmada ba heblaayo qadi
Biyaha daantaa ha gelin
Dadweynaha uu xukumo
Badh daa oo qaybna didi.

Rag baa dhaqankaa damcee
Dadweynaha suuxsanoow
Ayuuto ma dawlad baa?!

Baguu gabbalkaagi dumay
Garaadyahaw daamurkii
Dulsaaryahaw xaabadii
Kadeedyahaw daallinkii
Jihaadyahaw daydaygii
Damiiryahow xabashigii
Dabley yahay tuugadii
Haddaad daaquud riddeen
Carruuraha dooxan jirey
Waxaad bad ku daadiseen
Dhammaan ubaxii dalkoo
Dab baad ku gurteen shacbiga.

Maxaad tidhi doorashooy
Dabdemis baan kaa fishee
Dubuurtu ma joogis baa.

Qof kaad wada diidayseen
Hadduu debecsenida yahay
Miyaad sallid doorateen?

Kuwaa doog loo rariyo
Barwaaqada doonayoow
Diraacdu waxey I tidhi
Dib baa loo soconayaa.

Daruurtu mar ay maqnayd
Kol aan dayixii la shiray
Xalay dood baa I tidhi
‘Ninkuu lagu doortay raas
Hadday reer hebel dirteen
Dantooduu fulinayee
Maxaad uga dooni qaran’

Hurdada aan daydeyaay
Dagaal baad ila gashee
Mar aan dusha seexo idhi
Dabayshu waxey I tidhi
‘Hadduu kala daadsanyoo
Dadweynuhu xayn ahaa
Hoggaankuna waa dugaag
Wixii dagan xaabsadee
Maxaa nabad lagu dekayn.’

Dab iyo dhagax baa I yidhi
Adduunka dalkaanu nahay
Markaan taariikhda dayay
Dib uun baa loo socdee
Maxa hore loo durkaa.

Cadaaladda kii dunshoow
Dab baad nabaddii sudhee
Xumaan danbarkeeda maal.

Dalkaygu hadduu jidh yahay
Qalbiga duday baa I yidhi
Is doortaha aan la diran
Markuu damalkii jarjaray
Hadduu isku duubni nacay
Bal yuu horta duub u yahay?

Durtaba boqolkii horuu
Isagu ciin daaqdayoo
Hir daalacan baa I yidhi
Horjooguhu waa demtii
Dhismaha kala daadintii
Runtuna waa kala dareer
Dib baa loo noqonayaa.

Jabuuti digtaytarkii
Ka doobinayee xidhxidhay
Ayaad dab ka qaadataa
Hankaaguna waa af-duub.

Hadduu dalku raashin yahay
Waxaad galay daaniyee
Suntii dabar goynta keen
Markaan duluc kuugu qoray
Ninkii xilka loo diroow
Adaaba ka sii daroo
Dillaal baad sheer la tahay.

Afkii musuqmaasuq duray
Faraha goortuu darsaday
Dibnaha hadalkuu ka xidhay.

Surmiga maatida dubtiyo
Hargeysa harraadka dilay
Markuu gaalkii damqaday
Malaayiin deeqda ahaa
Dawaar baa loo toshee
Dillaaci haddaad xaq tahay.
Haddii kale beenta daa
Dib baa loo noqonayaa.

Riyaa dumar lagu xidhxidhay
Markii debecsani la biday
Rag baa Xamar loo diraa
Dharaar duhurkii cadyahay
Munaafaqu diin xumaa.

Colaadaha daanta bari
Fidnada daandaansigaa
Dadkaad kaga jeedisaa
Dhibaatada daakhilkee
Xalkii Dararweyne mee.

Shalay duhur baad na tidhi
Anoo dili kara insaan
Ducooy maya baan ku idhi,
Haddana waad doobyaysaa
Adoo daabkii hayee
Wixii dagan haw arxamin.

Daruur curataan warsaday
Dagaalyahankii SNM
Duntoodi miyay wacnayd
Dantoodi miyay saxnayd?

Waxay Deeqsoow I tidhi
Markay dirir iyo xaq tahay
Waxay diideen faquuq,
Markay diir iyo cid tahay
Dir iyo reer bay ahayd,
Markay degel iyo hub tahay
Dabkooduna waa Amxaar,
Markay tahay dawladnimo
Hannaankii diiratiyo
Duqii Siilaanyo eeg
Bal maanta Muuse daya
Markaas darartooda sheeg.

Durbaanku ma qiiradaa
Maxaa damac lagu lug go’ay.

***

Wadaadyahow diinta qari
Suldaanyahaw dhaqanka dumi
Dillaalyahaw maati shiil
Aqoonyahan doollar guro
Digtooryahaw baadho mayd
Siyaasi cashuurta daac
Dan gaaraay ii arrimi.

Markay I dayaayda tahay
Dibnaha qaran baad ka tahay
Markay se dugaashi tahay
Dalqada qaxar baad ka tahay

Garaadka wax diidayiyo
Halyey dabin baad u tahay
Caloosha wax doonaysiyo
Dillaal hoy baad u tahay.

Damiiryahaw aan xishoon
Soomaalida diirnac iyo
Dudmiyo cay baad u tahay,
Dermada lagu seexdo iyo
Axmaar dabar baad u tahay.

Imaaraad doollar iyo
Bad iyo deked baad u tahay
Dadkana caydh baad u tahay.

Run yahay dacar baad tahee
Ciddii wax dareenta xidha
Dareenka laftiisa xidha
Si aan demta looga bixin.
Sharciga duurjoogta iyo
Dugaaggu garaad xumaa!

Durbaanku ma qiiradaa
Maxaa damac lagu lug go’ay.

Waxay da’yartii I tidhi
Qaxoontiga daadsanaa
Annagu dacwad baan qabnaa
Hibaa nagu duuganoo
Kartaa nagu daabanoo
Ileys baan daarannee
Cid baan waxba noo direyn!

Haddaad deeqaay I tidhi
Dalkeennii igu aroos
Caqliga hilin doonayaa
Dib buu uga joogsadoo
Ma rabo deyrkii faqriga
Ma rabo dooxii jahliga
Ma rabo gurigii dulmiga
Ma rabo hoygii dirsooc.

Ayaamahan daadiskaa
Dugsiga hurud baa ku qoran
Duq baa shaqadii ku maran
Kasmada daah baa ku xidhan
Qalbiga damaq baa ka shidan.

Haddaan kugu diirsan jiray
Markuu qarankii dibjiray
Rejadi way iga dantoo
Run baa doolaal i tidhi.

Ninkii iga daacadsani
Inuu diriraa u furan
Dagaalkuna maaha qori
Garaad baa doorin kara
Naxligu dabinkay xidheen.

Ayaamaha daahirkaa
Sinnaantiyo doogsinkaa
Riyooyinka dawladnimo
Hankayga u duulayoow
Hayaankuba waa dedaal.

Waxa Curiyay : Cali Sh. Maxamed Cabdi ‘Cali Ileeye’
Faysbuug: Cali Ileeye
Gmail: caliileeye@gmail.com
Mobile: 0634776153

Advertisement

Ku Xayeysiiso