Madaxweyne Muuse Biixi Ma Ka Garashaa . W/Q : Buraale Jama Essay

 

Goorma ayuu tamarinnayaa geedi socodkii dimuqraadoyada curdinka ahaa ee somaliland ku noolaanaysay mudadad dheer?
Mise dimuqraadiyada somaliland waa mid silan oo sidkan oo beelaysan?

Hadii laga xoroobi waayo curfiga reernimada ku dhisan somaliland waxay waligeed ku jiri doontaa salow, saluug iyo sariigasho oo saqaafaha ayaa la iskula bixi doonaa…….
Qabyaalada qaawan ee gaws danbeedka lagu qabsanyo waxay laf jab ku tahay hanaanka dimuqraadiyada somaliland ee aynu kaga guurnay hab-beeleedii dhaqanka ahaa
HADABA
Iyadoo aanu dhisnayn fikirka siyaasadeed ee hogaamiyaha dalku ayuu xisbiga kulmiye soo hurgufay hogaamiye aan ka xoroobin curfiga reernimada maadaama oo nidaamka siyaasadeed ee xisbigu ku salaysan yahay is xulafaysi iyo heshiis qarsoodi ah xusbigu muu tababarin hawl wadeenadii siyaasadee ee dalka hogaamiyayaal u noqon lahaa wuxuu xisbigu dhalay hogaamiyayaal dhaystooda oo kaliya dhisa iyo qaar ciil qabe yaal ah oo qabyaalada gaws danbeedka ku haya iyo qaar doogsin cararka ku caan ah oo umadii doc wareen ku riday……..
Taasi umadii waxay ku riday kala qoqob qabyaaladeed iyo xiisad kala qay sanaan hor leh ……( Giraan iyo Jeegaan)
Xukumada hada jirtaa malaha xil gudasho taam ah yoolal ay higsato iyo rayisamayn siyaasadeed oo cukan wuxu u afduuban yahay koox yar oo bulshada somaliland ka takooran oo magaca (JEEGAAN) la baxaday

Bal hadaba aynu eegno tirada xilalka uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi reerkooda u magacaabay intuu xilka hayay…….

Habar Awal =
___________
1- Wasiirka Arrimaha Dibada
2- wasiirka gaadiidka iyo waddoyinka
3- Wasiirka isgaadhsiinta
4- Wasiirka warfaafinta
5- wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha
6- Maareeyaha hay’adaha duulista
7- Agaasimaha Madaxtooyada
8- Hantidhawaraha Guud
9- Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka
10- Agaasimaha Guud ee wasaarada maalgashiga
11- Maareeyaha hay’ada WFO iyo kaydka qaranka iyo Hay’ada Ka hortaga aafooyinka dabiiciga
12-Badhasaabka Gobolka Saraar
13- Badhasaabka Gobolka Gabiley.
14- Badhasaabka Gobolka Salal
15-kuxigeenka haayada tayada
16-Safiir ku xigeenka Ethiopia

Sidaana waxay beeshadu ku noqotay ta ugu magacaabista badan wixii waraaqo ka soo baxay xarunta madaxtooyada iyadoo ay waliba hore u haysteen intaas in kabadan oo ay kamid yihiin

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka

Guddoomihaha Maxkamada Sare ee Qaranka .

Maareeyaha Dekedaha Qaranka

Mareeyaha Sekeda Qaranka

Taliyayaasha Iyo Hoggaanada Qaranka .

Maayarka Caasimada Qaranka .

Madaxda ururada Bulshada Qaranka .

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dabdamiska Qaranka

Garyaqaanka Guud ee Qaranka .

Taliye ku-xigeenka Ciidamadda Booliska Qaran.

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Qaranka.

Madaxyada lacagaha iyo maamulka ee badi Wasaaradaha

#GABO_GABO
Waxaa loo bahan yahay hogaamiye bushada somaliland mid ka dhiga oo kala tafaraaruq iyo kala qoqob ku samayn ee looman baahna hogaamiye dadka magacyo ula kala baxay (JEEGAN IYO JAWHARAD)

FG:
Waad ku dari kartaa wixii xil ah ee ilaabay

W/Q: BURAALE JAMA ESSA

Advertisement

Ku Xayeysiiso