Marwada koowaad ee waddan Yurub ah oo xidhata dharka la isticmaalay ee Loo Yaqaan Huudhaydh-ka!!!

Marwada Koowaad ee Iceland, Eliza Reid, ayaa mar ay joogtay bandhig xafladda abaalmarinta filimada ayaa sheegtay meesha ay ka iibsatay dharkeeda.

Reid ayaa la waydiiyay halka ay ka iibsatay jaakadeeda, waxayna sheegtay in ay ka soo iibsatay dukaanka laanqeyrta cas ee badhtamaha magaalada Reykjavik, halkaas oo lagu iibiyo waxyaalaha mustacmalka ah ee Soomalidu u Taqaan Huudhaydhka.

Eliza Reid ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Canada, iyada iyo ninkeeda madaxweynaha Iceland Judney Johansson waxay isu dhaleen afar caruur ah waxayna ku caan baxeen haystaana taageerada muwaadiniinta oo la dhacay fikirkooda wax ku oolka ah.

Dhinacooda, Laanqayrta Cas ee Iceland ayaa muujisay farxada ay u hayaan hadalka Marwada kowaad waxaanay ku qoreen Bartooda Twitter-ka “Marwada Koowaad Way ku qurux badan tahay Jaakada Laanqayrta Cas“.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso