Qaybtii 2 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo)

Qaybtii 2 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo)

Qumane.
Doorashadi way dhacday laakiin waa lagu shubtay.

Qallanbaawi.
Doorashadi way dhacday sidii aaan kuu sheegay ayaana loo kalla badiyey

Inay sidaas odhanayaana Doorashada ka hor ayaan sheegay.

Adiguse hadaad qof caadi ah tahay in aad ka garawdo ayey ahayd laakiin ma lihid kalsoonidii iyo Raganimadii lagu qiran lahaa Qalladkaaga iyo inaad codkaagii khasaarisay.

Maantana Doorashadi way dhamaatay oo waa lagu kalla hagaagay, waxase bilaabmaya wixii xilka lahaa ee inagaga inam jiray Barri.

Adiga ayaana la rabaa in loo soo dhex maro Reerka oo la geliyo Dagaal sokeeye.

Adiga ayaa la rabaa in laguu isticmaallo sida Allaabada ama Aallada, adiguna waxaas oo dhan waad ogtahay laakiin Ficil Sheydaan ayaa kuu haya tollkaa iyo intii kuu xigtay oo aad is leedahay wax yeel.

Hadii Magaca Daakhil All Turaabi aad leedahay Qollo ayaa ku Shaqaysta , adiga yaa kuu diiday inaad ku Shaqaysato?

Mise inader adiga Faalka ayaa ku yidhi “magaca Reerkiina yaan lagaa maqlin isku Bili ma tihidine”

Adigu ma Garxajis ayaad la bili tahay oo Magacaaga waad ku khasaaraysaa?

Waar adeer 2018 kii noqon kari mayno Jilib Reer ka tirsan.

Anaga oo cid walba ka taariikh badan oo aan weligayo cid Singal u noqon cidina na yareysan maanta noqon kari maayo nin aan keligii istaagi karin.

Hadaad wax macaaridayso iyo hadii kaleba magacaaga ku kalsoonow.

Ogowna inaan nina Keligii wax noqon karin.

Ogow in aan inyar koobani naga bedali karin Magacayaga.

Ogow in aanu Xisbi isticmaali karin Magacayaga oo aanu anaga noo yeedhin karin waxa uu rabo.

Ogow Dariiqii Garxajis ku shiri lahaa in aan la haynin mar qudhaata, anaguna aanaan ahayn caruur looga sheekayn karo Diin iyo Dacawo.

Qumane.
Maxaad noogu abtirisay ee aad tidhi ” Garxajis binu Garxajis Binu Garxajis”

Adeer wax ka hooseeya Magacaas iyo wax ka sareeya toona ma ninhin anagu.

Ogow in Quwadaas la kalla ilaallinayo aanu nahay.

Qallanbaawi.
Waxay kaaga dhegtay Garxajis.

Waxaan ku waydiiyey kii uu Garxajis Dhalley ee aynu ahayn iyo kii Garxajiska laftiisa sii dhallay labadaba miyaad iska tuurtay?

Ma kan dhexe uu sheego ayuu Waddani kugu yidhi?

Waar dee Xisbiga waa caadi in la gallo oo Xisbi Somaliland ah ayuu ahaa, laakiin anaga nooguma abtirin kartid hadaad kun goor is waasho.

Sheekadaadu waxay noqtay Garxajis keliya oo aan macno kale oo ku dhex jiraaba aanu jirin.

Qumane.
Adigu miyaad ka xanaaqdaa Magacaas horta?

Qallanbaawi.
Maya waxaan la yaabbanahay.

Faysal Garxajis maaha.
Cirro waa Garxajis.

Ucid Xisbi maaha Waddani waa Xisbi.

Cirro aynu isla garanayno waa Fariid Fariid dhallay.

Eng, Suldaan , Siyaasi , Faysal Cali (Warraabe) oo Macalinkii Cirro Alifka u billabayna wax jira maaha.

Adeer intaa hadaad soo qaadatay oo aad Qayrkaa ka yeeshay.

Anaga nama marsiin kartid.

Qumane.
Ucid iyo Faysal iyo weliba qaar aan ogahay waa kuwa Qayrkeen inaga Reebay.

Qallanbaawi.
Fariid maanta waad cadaysatay intaadii yareyd , hadaad sidaas warkaaga u cadayso waynu is fahmi lahayn inader.

Ucid iyo Faysal waynu ku raynay, dibna u dhici maayo Faysal dabadii, Nin hamigiisu gaadho halka uu isaga gaadhay.

Kuwa aad Sheegaysaana cid dhaantaaba inaguma jirto Daakhil all Turaabi Goblan ayaabu ahaan lahaa hadaanay ayagu jirin.

Qumane.
Waar dib loogu shaqaysan maayo Magacan Daakhil Al Turaabi.
Dadka miyaan ilaahay wada abuuran?

Qallanbaawi.
Waar inader ma waxaad u haystaa in sida Magta loo qaybsado Qoodhoolle Xillalka Dawlada?

Waar Ninka Dalka haysta ayuunbaa kolba cidii ilaahay u qoray Magacaaba.

Samada ayaana wax laga magacaabaa.

Ma waxaad moodaysaa in 4.5 lagu qaybsado ama Ardaayo Madaxnimada Dawlada?

Qumane.
Adeer ma ilaahay ayaa u qoray.
Ilaa Ethiopia iyo tan tadi ayagaa haystee?
Waar keligood ayaa ku shaqaysta.
Dadka kale ma Rootibaa?

Qalanbaawi.
Waxaan ku waydiiyey adugu intaa xageed ku maqnayd?
Miyaad Xidhnayd?

Waar waxan ilaahay ayaa Qorray, Dedaalna wuu jiraaye iska saar Naxliga Wallaalkaa.

Meshaad doontana taageer oo Xisbigaad doonto gal laakiin Magacayaga ma bedali kartid anaga oo nool oo aynu is fahmayno.

Qumane.
Wallahi in Dheglay aan daraa dhan walba ha lagu Qaddee.

Laaluush Qaatayaal dhiigayaga caba ma yeellayno.

Qallanbaawi.
Waar kimistaa go,daye.
Xagan aad tuhunsantahay midh ma yaallo.

Hadaanu laaluush Qaadanayno walahi Waddani ayaanu kabaha ka subkan lahayn oo Baabuur ayaa la noo iibin lahaa, oo lacagtaa Qurba jooga asqaysan ayaa nagu soo dhici lahayd , oo Guryo ayaanu Jeexan lahayn sida Rag aan ogahay.

Qumane .
Sawta ay Raga Tilmaaman ee uu Muuse ku halqabsanayey ay idiin soo qaadaan ta buur buuran ee faraha badan.

Qallanbaawi.
Waar nacallay ka tahay, anigaa og kuwaasi iyo cid kale toona in aanay midh ka soo qaadin

Sanqadh ayuun baa kuu baxaysa oo tolkaa ayuun baad qaar iska nacdaye.

Inader wax hubso, oo nimaan kuu Furi doonini yaanu kuu Rarrin.

Xisbigana hadaad doonto Lukuud ka Latanayaahuu tageerroo tolliimada ha ka tegin.

Hadii kale adiga iyo Cidla Ciirsila ayaa is leh.

Ma Sahllana Hubsiimee.
Cidba hadaanan kulla simin.
Oonan laba sad noqo odhan.
Naxliga iska saaroo.

Sida Sayniska hawada.
Raga Dayaxa Sahansaday.

Sida xun adoon gelin
Samir ila ogoowoo.

La soco Qaybaha danbe…….?

Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Advertisement

Ku Xayeysiiso