Caduur Dhaw-dhawdu uma Dhacsana

  

27 sanno kadib Dawlad ku sheega federalka Somaliya oo ku asqaysan sheegashada dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Bal waalidan cas eega,ku yeh: Heshiiskaas Dekeda Berbera waxba kama jiraan.Waabu ka sii daray oo yidhi: Habraaca loo maray heshiiskaas ma waafaqsana dasuurka ku meel gaadhka ah iyo shuruucda kale ee u yaala Jamhuuriyada Federaalka Somaliya!

Waa Yaabka-yaabkii, waxa la yidhi(Caduur dhawdhawdu uma dhacsana).

26 june 1960 ayay jamhuuriyada Somaliland qaadatay,noqotayna dal la aqoonsanyahay.Hadaba dhinaca sharciga markaan ka iftiimiyo waxa jiray Charter 23 qodob ka koob naa oo golahii wasiirada Jamhuuriyada Somaliland kana ansaxiyeen 33xubnood ee baarlamanka iyo maxkamada.Kaas oo ay ugu talo galeen inay bud-dhig u noqoto rabitaan koodii ahaa israaca 5ta Somaaliyeed.Waxase dhacay waftigii ka socday JSL charterkii ay la tageen shirkii Xamar: 1.in gebi ahaan ba daaqada laga tuuray.

2.baarlamankii Xamar isku raacay in 1da july 1960 lagu dhawaaqo xoriyadoodii iyo israaca Jamhuuriyada Somaliland iyo Somali-Italy, lana baxaan Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Israacaasi waxa ku cad inaanu sharci ahayn.Ku darsoo mudo yar kadib waxay soo saareen 10qodob oo  haba yaraatee aanay ku cadayn israacaasi inuu sharci yahay.

Berigaa waxa kale oo ay hoosta ka diyaar sadeen dastuur ka koob naa 105 qodob oo aanay ogayn waxna laga waydiin Jamhuuriyadii Somaliland.Waxaanay ugu talo galeen sida Qodob ka mid ah uu caday nayay inuu dhaqan geli doono kadib marka afti shacabka laga qaado.Waqtigaa muu jirin madaxweyne sidaa darteed waxa ku saxeexnaa 4tan nin:

1.Adam Abdalle Cusmaan…………..Gudoomiye golaha Sharci dejinta.

2.C/laahi Cise Maxamuud     ……….Ra’aysul wasaare.

3.Maxamed Sh Gabiyow       ……….Wasiirka Dastuurka.

4.Sh Maxamud M Faarax      ……….Wasiirka Cadaalada.

Diyaarintii dastuurkaa iyo raga saxeexay kumay jirin masuuliyiintii Jamhuuriyada Somaliland lamana ogaysiin qoritaankii dastuurkaas.

Tanina waxay ku tusaysaa inuu israaci wax sharciyan lagu heshiiyay. Walee Caduur Dhaw-dhawdu uma dhacsana!

La Soco qaybta danbe.

Xuseen Xasan Badmaax.

Hargeysa/JSL

4026100

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso