Qaybtii 1aad Sheekada Qumane iyo Qallanbaawi Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Qaybtii 1aad Sheekada Qumane iyo Qallanbaawi Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Sheekada Qumane iyo Qallanbaawi waxay dhex maraysaa laba kooxood oo ka soo wada jeeda Deegaan.

Sidoo kale waa laba isku hayb ah oo aad ugu kalla for aragtida Siyaasiga ah, waxay ka soo jeedaan Deegaanka Hargeisa, Sallaxlay iyo Deg Bali Mataan.

Hadaan kuu sii jilciyo waa min Qabiilatu Daakhil all Turaaabi wal Salldanatu all Qadiimiya.

Qamane waan iskiin barrayaa sidiisaba waa Wakiilka Xisbiga Waddani ee min Qabiilatu Daakhil Al Turaabiya.

Qallanbaawi.
Waa wakiilka Inta aan ahayn Waddani, oo ayaga laftoodu meello ku kalla duwan ahna labada Xisbi ee Kale ee Kulmiye iyo Ucid.

Waxaa maalin walba dhex mari jirtay doodo ay ninba si ulla muuqato guud ahaan Danta Somaliland, gaar ahaana ta Reerka ay ka soo Jeedaan labadaba.

Waxaa lagu kulmaa Barraha Bulshada sida What’s Groups ka ay Samaystaan Xaafaduhu , FBook yada Etc.

Waxaa dhex mari jiray Doodo aad u kulul oo la isku mari waayey, oo mararka qaar isu bedella Dagaal, Cay, iyo Falgaado heer xun ka gaadha Qaarkood.

Ku soo dhawaada sheekada oo aan odhan karo waa mid xaqiiq ah.

Waa mid wacyi gelin ah.
Waa mid Garnaqsi ah.
Waad mid dhinac uu isku kallsoon yahay halka dhinaca kalena waxoodu yahay Khasab iyo Kiis iska waal.

Qumane.
Waar yaadheen.
Miyaanad Guul wadenimo iyo Jaariyad aad jeegaanta u noqoto mooyee horta wax kale aqoonin?

Qalbaawi.
Horta inader marka Hore ASC.

Marka xigta meesha aad ka bilowday maaha meel wanaagsan, oo hadalkaaga waxaa ku jirta af lagaado badan.

Markaa miyaanad si kale wax dadkaaga ugu sheegi karin oo aanad ka dhaadhicin karin sida aad danta u aragto?

Ileen dan ayaabad ka hadlaysaaye.
Meel dan lagaga hadlayana dee waa in laga hello murti iyo macne badan oo dantu ku jirto.

Qumane.
Horta ma tihiin niman Garxajis ah?

Hadii ay tahay “Haa” oo ay idinka dhabtahay oo aad tihiin soo raaca tolkiin.

Qallanbaawi.
Waar Dadku waa Wada tolkeene ama dan aad meesha ku hayso noo sheeg, ama Abtirsiinta ku socda na dheh labadaba dee waanu geynaaye?

Qumane.
Garxajis maanta wuu wada socdaa ee taariikh xumida iska daaya oo tolkiin soo raaca?

Qallanbaawi.
Waar waxaan ku waydiiyey inader
Garxajis ma waxaad u taqaanaa Waddani?

Qumane.
Haa hadaa ma Xisbi kale ayaa jira?

Waa Cadaw geenii, iyo mid Cadawgeenii uu ku shaqaysanayo.

Bal noo sheeg adigu wax intaas ka duwan?

Qallanbaawi.
Waxaan ku waydiiyey horta aan Qabyaalladaba kuu raaco ee inagu Qolloma ayeynu nahay?

Qumane.
Dee waxaynu Nahay “Garxajis Garxajis Garxajis Garxajis”

Qallanbaawi.
Waar heedhe Garxajis miyaan Magacna ka horeyn Magacna ka danbayn oo aanu ku xigin?

Adigu hadaad kaas tahay anagu ma nihin.

Qumane.
Hadaa maxaad tahay?

Guul Wade.
Jaariyad Jeegaameed.
Caado Qaate.

Saw kuwaas ma tihid?

Qallanbaawi.
Anagu cay kuugu jawaabi mayno laakiin Runta ayaanu kuu sheegaynaa.

Anagu waxaanu nahay Daa,uud Binu Ismaciil Binu Isaxaaq binu Somaliland.

Waxaan u mallaynayaa adigu in aad tahay.

Garxajis binu Garxajis binu Garxajis binu Garxajis binu Daa,uud binu Martin.

La soco Qaybaha Danbe ………..?

Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

Advertisement

Ku Xayeysiiso