Xiriirka Ciyaaraha Olombigga Oo Qaadi Doono Xayiraadda Ruushka Saaran

(Toggaherer)-Xiriirka Ciyaaraha Olombigga Oo Qaadi Doono Xayiraadda Ruushka Saaran.

Xiriirka adduunka ee ciyaraaha Olombigga ayaa go’aan ku gaaray in aan la qaadin xayiraadda haatan saaran Ruushka ee ahayd in ciyartoydooda adeegsadaan dawooyinka adkeysiga jirka xoojiya ka hor xaflada xiritaanka ee Olombigga ee ka socda Kuuriyada koonfureed.

Ciyaartooyda Ruushka ee Olombigga

Sidoo kale xiriirka ayaa sheegay in xayiraada la qaadi doono mustaqbalka dhaw.

Go’aankan micnihiisu waxaa weeye in ciyaartooyda Ruushka ah ee loo ogolaaday inay cayaaraha kaga qeybgalaan si madax banaan aanay qaadan doonin calanka dalkooda.

Dhanka kalena, Kuuriyada Woqooyi ayaa taliyaha sirdoonkeeda oo ah shakhsiyad muran badan dhaliya u dirtay Kuuriyada Koonfureed si uu u hogaamiyo wafdi heer sare oo ka qayb galo xafladda xidhitaanka ciyaaraha olombigga ee xiliga qaboobaha.

General Kim Yong-Chol ayaa la rumaysanyahay inuu maleegay dhawr weerar oo lagu qaaday Kuuriyada Koonfureed waxaana ka mid ahaa weeraradaa mid lagu dejiyey markab dagaal oo askar badani ku dhinteen sannadkii 2010-kii.

Wafdiga Maraykanka ee Olombigga oo ay ka mid tahay gabadha Madaxweyne Donald Trump ee Ivanka ayaa meesha ka saartay suurta galnimada ah in wax wadahadal ah ay dhex maraan labada dhinac.

Advertisement

Ku Xayeysiiso