Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo abbaarsan dhuumasho dhabarku muuqdo xamar, xildhibaanno gardarro ku xidhan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo abbaarsan dhuumasho dhabarku muuqdo xamar, xildhibaanno gardarro ku xidhan.

Dalka jamhuuriyadda Somaliland ee barakaysan cadawgiisuna jabay  kana guulaystay sagaashannadii afgabigana ku sameeyey taliskii macaggagga ahaa ee xasuuqqa ba,an kula kacay ee dad iyo duunyaba dibadda dhigay ee xabaalaha dadkii reer Somaliland wali lafahoodi roobkii da,aaba daadku soo qodaayo hooyoyinkii aan dambiga cidna ka gelin iyaga iyo carruurtii ay xambaarsanaayeen dayuuradaha ku garaacay damcanayna in ay dabar gooyaan ummad aan ilaahay ugu talaggalin in in dabar go,aan oo Meesha laga waayo.

Qoom aan ilaahay dambi ka gelin ibna adam ma tirti karo.

Bulshada Somaliland iyaga oo og taas kuwii ku sameeyey ayey haddana aanay ka aar goosan soona dhoweeyeen waaxanay ku suntanyihiin gob illowday xasuuqii soo gaadhay(waxaanay qaateen odhaahdii ahayd tiiraanyo xasuute walaal ma xidhiisho)

Waxaana wanaagasan in ay taas u xasuunadaan kuwaa doonaayey in ay gumaadaan

Laakiin dadka reer Somaliland  waxay ku jiraan digtooni waxaana hortaalla odhaahdii kale ee ahayd (mar I dage Allah ha dago mar labaad I dagena anays dagay) ama muuminka laba god lagama wada qaniino

Kuwa u dhuumayanaaya

kuwaa aan  u arxamayn habeenna may jirin,haddii cid xasaanadda ama xilka laga qaadayo kuwa xilalka ka haya dalka cadawgoodana xilka ka haya ayaa dambi qaranka barakaysan ka galay in la xidhana ay waajib tahay.

Xildhibaannada xidhan.

 

Xildhaannada xidhan ee shacabkii soo doortay laga hor qaaday talana laga wadiin ugana wakiilka ahaa haddii  uu maamul jiro.

Waxaa ka dambi culus masuuliinta caadaysatay lunsiga hantida ummadddu bulshada ka dhexeysa ee qof keliye iska qaadanaayo lamana arag masuul lala xisaabtamaayo la waxaa la rakaa  masuulka dawladda ka tirsan oo xilkii laga qaaday wasaaradna masuul ka ahaa oo rasamaalkii wasaaradda uu u hayey aan lagala xisaabtamin taasina waxay bulshada reer  Somaliland tusaysa isu abaal dhigasho loo heshiiyey boobka hantida mulshada (oo ah hayla xisabtamin yaanan kula xisaatamin)

Hantida umadda oo la lunsado waxa ka ka dambayn geeri umadda oo la dhaco waxaa ka dambayn xisaabta Allah oo ay u wada qabsan doonaan dhaca iyo boobka mar aana laga baxsan doonin Allaha wayn oo la odhan doono yaa dib ii celiya aan iska celiyo wixii aan boobay

 Talo soo jeedin

  1.  In aan la dhayalsan $153.5 Million Doollar ee loogu talaggalay mashruuca xumbawayne masuuliintii lunsatay deeqdaas maxkamad lala tiigsado qareenno madabannanaa u baxaan  lagana dacweeyo ciddii dambigaas qaranka ka gashay maxkamad calami ah  
  2. In sharciga dalka u yaalla maaddinniintu u sinnaaddaan waliba si gaara u qabto masuulka xilka haya ee hantida ummadda lagu amminay waayo shacabku iyagu waa cashuur bixiyayaal.
  3. In aanay dawladdu ku dhibaatayn bulshada jilicsan ee dantooda la ciirciiraysa.
  4. In la sameeyo meel ay danyartu gunno ka qaataan iyo nafaada dalka u soo halgamay.
  5. In aan loo kala dheerayn Meesha dulmigii ay dalka ka galeen la gubanaysa ee toodiiba u taagla .
  6. In aan aqoonsi laga doonin cadawga Somaliland.
  7. Haddii ay dawladdu daacad u tahay jirtaanka dalka la xidhiidho caalamka u soo joogsanaya ee dalku hore u lahaan jiray ee maamulkii riyaale .
  8. Dawladaha dariska dalka la ah  qaddariyo dalku kuwa qaddariya
  9. In laga baqo Allaah nafaheennu gacantiisa ku jiraan dalka daacad loo noqdo.

Ha  ka quusan rajada ilaahy Allah ma jecla ruuxa rajada wanaasan ka quusta xil iska saar muwaaddin kasta oo reer Somalilnad ah in aad dhinacaaga uga doonto aqoonsi dalku  caalamka uu ka helo haddii aad saluugsantay xisbiga aad u dhiibatay talada dalka ha baqan in aad fartaada ku beddesho adiga oo aan  dhibaato samayn hana ka maagin ama ha ka mildhaawin in aad runta sheegto ha dooran mid aan kuu damqanayn oo aanad isku qoomamayn ha ku raacin hab qabiilaysan ogow haddii aanu ummadda simin wax anad adigu samayn ayuu dambuu kuugu iman karaa.

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso