Sakhraan Sagaal Caruur Dugsi Ku Dilay Markii uu Gaadhi jiidhsiiyey Dalka Hindiya


Sagaal carruur ah ayaa dhintay 10 kalena waa ku dhaawacmeen markii darawal sakhraansani uu jiidhsiiyey gaadhi gobolka bariga Bihar, sida ay booliisku sheegeen .

Bilayska ayaa sheegay in shilku dhacay markii carruurtu ay ka baxeen dugsigooda, iyaga oo intaas ku daray in qaar ka mid ah dhaawacu ay xaalad halis ah ku jiraan.

Taliyaha bilayska Muzaffarpur Vivek Kumar ayaa sheegay in xiligii rawaxaada dugsiga ee ardaydu dareereen kadib darawalka oo wata baabuur nooca isboortiga ah oo dheeraynayaa uu lumiyey xakamaynta baabuurkiisa ka dibna uu falku dacay.

Darawalka ayaa ka cararay goobta isla markii uu shilka galay, welia waxa ku dabab jooga booliska raadintiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso