Masuuliyiin ka tirsan Maamulka G/Benaadir oo booqday dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falalkii Argagixiso

Muqdisho, 24, Feb 2018–Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa booqday Isbitaallada magaalada Muqdisho oo ku jiraan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falalkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho. waxayna mid mid ula kulmeen dadkaas oo qabay dhaawacyo kala duwan.

Mudane Tuulax ayaa sheegay in ujeedka booqashadoodu ay tahay sidii ay dareenkooda ula qeybsan lahaayeen xanuunka iyo dhibta idin soo gaaray muwaadiniintan, waxuna Allaah Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu siiyo caafimaad sariica ah.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, hadana xaaladdoodu waa soo hagaagaysaa, maamulka gobolka Benaadir na waxay ku howlan yihiin sidii loo gacan qaban lahaa dadkan dhibku soo gaarayā€¯. Ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Benaadir ayaa dadka ay dhibku soo gaartay u qeybiyey deeq lacag ah, maadaama ay intooda badan ahaayeen dad masaakiin ah oo xiligii qaraxu dhacayay marayay waddooyinka.

Xaaladda Caafimaad ee muwaadiniintii ku dhaawacmay qaraxii maqribkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa soo hagaagaysa, isagoo maamulka gobolka Benaadir uu tilmaamay in uu diyaar u yahay wax walba oo gacan lagu siinayo shacabka Soomaaliyeed ee argagixisadu dhibka u geysteen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso